Author Topic: Su'aal: Waa maxay cudurka Tietz?  (Read 25505 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Cureeji

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waa maxay cudurka Tietz?
« on: July 08, 2015, 05:13:35 PM »
Asc walaal waxaan rabaa inaad ii sharaxdaan cudurka Tietze muxuu yahay?
 maxaa sababa ?qatar intee le,eg ayuu caafimaadka u leeyahay?
malaga daawoobi karaa?majiraan cudur kale uu ugudbikaro hadi ladaweyn wayo?

walaal waxaan rabaa inaad sifiican iigu sharaxdaan waxaan meel ka aqriyay inuu dumarka ubadan yahay
5 bilood kohor ayaa waxaan dhalay 2  cunug oo mataano ah waxyar kadib waxaan isku arkay feera xanuun
aad udaran qaasatan markaan hurdada kasoo tooso kadib waxaan u sheegay umulisadaydi si ay talo iiga siiso waxan sameeyo
 waxay igu dhahday waxa laga yaaba inay tahay culeyski uurka ee iska sug mudo kadib xanuunki wuu igu siyaaday 27/6 ayaan
 Doctor lakulmay wuxuu isheegay inaan qabo cudurka Tietze wuxuuna iiso qorey kaniini ladhaho [Naproxen Mylan 500mg ]
wuxu idhahay  subaxi iyo habeenki qaado lkn maadaama ay bil ramadaan tahay waxan  qaata 1 xabo oo afurka kadib ah
saaso ay tahay wali xanuunki  aad ayaan u dareemayaa waana ka welwelsanahay  marka bal iga jaahil bixiya kheyr alle ha idin siiyee




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa maxay cudurka Tietz?
« Reply #1 on: July 12, 2015, 01:44:05 PM »


Xanuunka loo yaqaano Tietze Syndrome waa xanuun ku dhaca carjawda u dhaxeyso feeraha iyo lafta sakaarta, waxaa kaloo loo yaqaannaa "Costochondritis".

"Costochondritis" waa hurista ama caabuqa ku dhaca carjawda isku haysa feerta iyo lafta sakaarta, Waana qeybta ugu jilicsan ee feeraha. waana sida aad ka akri kartid sawirka kore.

Marka haddii loo fiiriyo magaca cduurka waxay kalmaddu ka kooban tahay sadax eray oo kala ah:
Costo= waa feerta, Chondro= waa carjawda jilicsan, Itis= waa xanuunka hurka ama balbalka ee ku dhaca.

Calaamada waxaa ka mid ah in feeraha ay ku daqnanayaan markaa riixdid, laakiin waa daqnasho uu qofku u bogayo uuna jecelyahay in loo riixriixo ama juciyo, maahan cudurkaan mid halis ah, waxa keenane safiican looma fahansana, laakiin waxaa lala xiriiryaa cadaadis ama culeys ka dhashay jug hore ama fadhiga dhinac dhinaca ah ee qofka muddo u fadhiisto ama culeys muddo aad siday sida uurka oo kale., waxayna cilladaan ku badan yahay haweenka iyo dhalinayrada.

Waxaa kaloo dhici kara mararka qaar in meeshaasi jilicsan uu caabuq ku dhaco, taasoo ay keeni karaan jeermisyada kala duwan sida bakteeriyada, fayraska iyo fangaska. laakiin tan ma ahan mid aad ugu badan bulshada.

Xanuunkaan wuxuu badanaa la socon karaa cudurrada ku dhaca lafaha iyo seedaha sida riixa, roomaatiisamka, lafa-beelka iyo lafa xanuunka noocyadiisa kala duwan.

Feerta ugu badan ee xanuunka laga dareemo waa kuwa afaraad, shanaad iyo lixaad, xanuunka wuu siyaadaa markii neef siyaado ah la qaato ama la hindhiso, sidaa awgeed qofka markuu hindhisayo ama qufacayo wuxuu gacantiisa ku celiyaa xabadka si uusan xanuun udareemin.

Xanuunkaan badanaa dadka way iska wataan oo dhakhtar looma raadsado, waxaana haboon in dhakhtar lala xiriiro haddii aad isku aragtid calaamadahaan soo socdo: Neefsashada oo dhi leh, Qandho, Carjawda oo soo kuusato ama malax gasho.

Xanuunkan laguma garto sawrika raajada iyo baarista dhiiga, taasi waxay keentaa in qofka uu ka aamin baxo dhakhtarka oo isi saaro dhowr jeer sawirka raajada taasoo caafimaad darro u keeni karto. laakiin dhakhtarka wuxuu ku garan karaa cudurkaan cabashadaada iyo wiisateynta.

Cudurkaan daaweyntiisu maahan mid dhib badan, dadka badanaa way ka bogsadaan daawo la'aan, waxa ugu muhiimsan waa in qofka uu ka qaataa xanuun baabi'ye weliba nooca "Anti-inflammatory-ga" ah, tan waxay kaa caawinaysaa in xanuunka uu yaraado, bararka uu ka dago, hurka iyo balbalkane uu joogsado.

Mararka qaar, hadduu caabuq jiro dhakhtarka wuu kuugu dari karaa daawo qallajiyayaal ah, mararka qaar daawooyin kobciyo seedaha iyo carjawyada, sidaa darteed waxaa haboon in aad dhakhtar la kaashatid xanuunkaaga.

Waxyaabaha dabiiciga ee lagu xakamayn karo xanuunkaan waxaa ka mid ah Sanjabiilka iyo Geedka huruudka. labadaas geed wuxuu Alle ku abuuray maado leh awoodda "Anti-inflammatory", taasuu mararka qaar uu qofka kaga maarmi karo daawooyinkaan.

Geedka Huruudka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7094.0
Geedka Sanjabiilka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6530.0

Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa, haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah iigu soo jawaab qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66476
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69498
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62423
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46709
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 44964
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc