Dr. Kheyre, waad ku mahdsan tahay warbixintaan, qaaxada daawada u adkeysata "MDR TB" aad ayay ugu dhex badan tahay bulshada soomaalida, waxaana aaminsanahay in tirada intaas aya ka badan tahay sababtoo ah qalabka lagu baaro MDR TB-da soomaaliya lagama wada helo, midda kale baaritaankaas waa in ay takhaatiirta daaweysa qaaxada iyo hay'adaha baara inuu xiriir ka dhaxeeyaa si bukaanadaas loogu xawilo, midda kale waa in baaritaankaas bilaash uu ahaado.
Baaritaanka hadda ugu raqiisan ee wadamada Africa laga isticmaalo waa GeneXpert-ka, baritaanka wuxuu ku kacayaa calaa qof 20$ - 30$, waxaa taa ka sii daran, haddii la arko qofka in daawada uu la qabsaday oo uu qabo MDR TB, daawadii la siin lahaa iyo nidaamkii lagu kontarooli lahaa ma jiro, magaranayo xafiisyada WHO ee wadanka ka shaqeeyo sida ay ula tacaalaan bukaannada MDR TB laga helo, wadamo badan ayaa dadka MDR TB laga helo waa laga ilaaliyaa in bulshada ay dhex galaan oo meelo ayaa lagu xareeyaa inta xaaladooda ka kala caddaanayso, 50% kaliya ayaa lagu qiyaasaa inay ka daawoobaan MDR TB.
Sida ay u muuqato xaaladda ma sahlana, waxaa xittaa jiro soomaali laga helay XDR TB oo ku nool dalka Kenya oo ah macnaheeda daawada MDR TB waxba kama tarin, oo daawo ma leh, qofkii iyaga ka qaado tiibishadaasne sidoo kale daawo ma lahan!!!!
Sababaha xanuunka MDR TB iyo XDR TB ugu badanayaan soomaalida ayaa ah kuwaan soo socda:
- Aqoon darri iyo xanuunka oo laga fahansan yahay fikrado qaldan taasoo keenayso in qofka xanuunka qarsado ama daawo uu raadsan waayo, dad badan ayaa u arkay in qaaxada hadiiay kugu dhacdo ay ceeb tahay, dad ayaa aaminsan in laga qaado gaajada.
- Daawada qaaxada oo laga ganacsado oo uu qofkii rabo isticmaali karo, ha u baahnaado ama yuusan u baahan, meesha wadamada kale ay xadidan tahay oo aadan heli karin daawada illaa in nidaam la yaqaanno soo martid mooyee.
- Nidaam daawada lagu bilaabo ama lagu kontarool oo sax ah kama jiro dalkii waa laga yaabaa hay'ado qaar in ay leeyihiin nidaam u gaar ah oo daawada ku bixiyaan.
- Ma jiro nidaam dabakac iyo wacyi galin oo looga hortagayo in daawada aanan la joojin iyo dhibaatooyinka ka dhalan karo, maxaa yeelay dadka ugu badan ee daawada la qabsaday waxay ka timid in ay daawadii ka tageen iyagoo aanan wali dhamaysan koorsigii loogu talagalay.
- Daawada tayadeeda oo aan kontaroolneyn tanoo iyadane ah midda labaad ee badinaysa qaaxada daawada la qabsatay.
Intaas oo sabab waxaa looga hortagi karaa inuu jiro nidaam dawladeed oo awood u leh in ay kontoroosho bixinta daawada qaaxada, tayaynta daawada qaaxada, baaritaanno bilaash ah, daawada second-line oo la heli karo iyo nidaam lagu kontaroolayo laguna dabakacayo dadka laga yaabo in daawada ay ka tagaan.
Waxaan halkaan bogaadin uga dirayaa hay'adaha isku xilqaamay in ay daaweeyaan qaaxada iyagoo ilaalinaya shuruucda iyo nidaamka u dagsan daweynta saxda ah ee xanuunkaan, laakiin middaan ma ahan xal joogto ah oo waqti kasta ayay hay'adaas alaabteed aruursan kartaa oo inta ku xiran daawada ka kala go'i kartaa.
Hay'adihii dowrka weyn ka ciyaaray daaweynta qaaxada waxaa ka mid ahaa MSF oo sanad kasta daaweyn jirtay in ka badan 6,000 oo qof, weliba ku dadaali jirtay in aan daawada aysan kala go'in, iyadoo qofka damiin la waydiin jiay iyo meesha uu dagan yahay si hadduu daawada uga tago lo soo qabto, kuwa aan daganayn magaalooyinka iyo tuulooyinka daawada laga bixin jirayne waxaa la siin jiray hoy, cunno iyo waxyaabaha kale ay ubaahan yihiin loomana ogolaan jirin in ay xarumahaas ka baxaan illaa ay daawada dhameeyaan, hadduu qofka xanuunsan oo la daaweynayo uu yahay aabihii ama qofkii qoyska biili jiray, MSF ayaa qoyska siin jirtay gunno cunto ah taasi waxay u horseeday in MSF xarumaheeda qaaxada loo aqoonsado kuwa ugu badan ee tiibishada looga daawoobo (highest cure rate).
MSF maalin cad ayay ka dhaqaajisay xarumahii ay soomaaliya ku lahayd oo idil, halkee ku dambeeyeen dadkii daawada ay siin jirtay?!!!!
Haddii arintaan dowladaha soomaaliya ka jiro aysan xal u helin, dhibaato aan la kontarooli karin ayaa dhicikarto inay u horseeddo.
Warbixin guud oo Tiibishada ku saabsan, ka akhri halkaan:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,266.0.html
http://somalidoc.com