Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Markii aan naxo, xiniinyaha ayaan SHOCK ka dareemaa?
Almuwaxid:
Asc ww.
Salaam kadib
Alah haidin xafido docts keena
Waxaan rabaa inan ogaado maxaa keeni kara shock aad ka dareemtid xaniinyaha markii wax jabaq xoogan aad maqashid ama isku naxdid ama sido kale aad aragtid dhiig kaso baxaaya meel, jirkaada ama qof kale jirkeed.
Taas oo hadiiba aad xaniinyaha kadareemtid.
Maxaase daawo u ah arintaas?
SomaliDoc:
Waxaan jeclaan lahaa ereyga SHOCK waxa aad ka waddo in aad ii sii faahfaahisid, ma waxaa ula jeedaa koronto ahaan ama maaso in ay kaaga dhagayso, mase waa dareen kale? maxaa yeelay kalmada SHOCK siyaabo kala duwan ayaa loo fasiran karaa.
Almuwaxid:
Waxaan ula jeedaa Maaso ayuu dareemaua qofka Koronto camal ma ahan
SomaliDoc:
Maasada ma u gudubtaa xubinta taranka illaa foodda hore ma ka dareentaa?
Markaa xiniinyaha cadaadiso ma ku daysaa maasadaan mise way sii siyaadaa?
Qanjirrada saracda ma ku daqanadaan? Meesha qooraha iyo futada u dhaxayso ee jilicsan ma ku daqanataa markaa cadaadisid?
Maasada ma la socotaa wax kabaabyo camal ah, mise dareenka wuu joogaa?
Kaadida ma ku xanuunjisaa? Mise waxaa dareentaa raaxo badan iyo macaansi aadan horay u dareemi jirin marka aad kaadinayso?
Ma dareentaa in ay kaadida kaa soo wada dhamaanaynin ama aad u baahanaysid in aad kaadisid mar labaad adigoo mar dhow kaadiyay?
Fadlan su'aalahaas ka soo jawaab xanuunak aad dareemayso waxyaabo badan ayuu u ekaan karaa.
Almuwaxid:
Baaraka allah Dr.
Dhamaan calaamadaha aad sheegtay kor kuxustay waay jiran.Kaadida way ixanuujisa inta badan markasta oon kaadsho waxan isdhahah may dhamaanin kaadida ee xoga sug wax macaansi ama raaxo ah oon kudaremayo na majiraan.
MAHADSANID
Navigation
[0] Message Index
[#] Next page
Go to full version