Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Markii aan naxo, xiniinyaha ayaan SHOCK ka dareemaa?

<< < (2/2)

SomaliDoc:
Astaamaha aad tilmaantay waxaa lagu gartaa infekshan ku dhaca qanjirka borostaatada ama "Prostate gland" waa qanjir ragga ilaahay ku abuuray oo u qaabilsan xagga ragannimada, markuu infekshan ku dhaco qofka kaadida way dhibtaa, tiirada way gaabataa kaadida, kaadida kama wada soo dhamaato, marmarka qaarne way ku hakataa, wuxuu kaloo qorka dareemi karaa dhabar xanuun iyo daal qeybta hoose ee jirka, xiniinta ama guska oo ku xanuuno ama aad ka dareento dareen sida korontada camal ah ama in ay wax kaa qanjuruufanayaan.
Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan dhibaatooyinka ku dhaca qanjirka borostaatada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2119.0.html
Waa muhiim in aad takhtar u tagtaa si laguu baaro, daawane laguugu qoro.
Haddii aad su'aalo dheeraad ah qabtid waad na soo waydiin kartaa.
Caafimaad baan kuu rajaynayaa.
http://somalidoc.com

Navigation

[0] Message Index

[*] Previous page

Go to full version