Astaamaha qaabka aad u tilmaantay waxay u egtahay nooc ka mid ah qalalka oo la dhaho: qalalka maqnaanshaha "Absense seizure" ama qalalka fudud.
Waxa ugu muhiimsan ee lagu garto noocaan ayaa ah in qofka uu ilbiriqsiyo uu hawada ka baxo, isagoo aanan samaynin wax lagu fahmi karo sida jarayn ama cod ama wax kalaba, qofka kaliya ee fahmi karo waa qofka ay wada sheekaysanayaan ama wax ka dhagaysanayo.
Qofka markuu xanuunkaan qabto, meesha uu fiirinaayay ayuu ku dhangagaa, qofka uu horfadhiyay wuxuu u malaynayaa inuu isaga ku maqan yahay ama uu fakaraayo, haddii ilbiriqsiyadaas lala hadlo ma jawaabo.
Maqnaanshaha ayaa labo nuuc ah, nooc waa midka aad tilmaantay oo qofka uu maqnaanayo kaliya isagoo aanan waxna samaynin.
Nooca labaad qofka wuu maqnaanayaa, laakiin indhaha wuu ka biligbilig siin karaa, murqaha daamankane wuu dhaqaajin karaa sidii qof wax ruugaayo oo kale, faruuryaha uu muudmuudsado.
Nooca labaad wuu ka dheeryahay nooca hore oo wuxuu socon karaa illaa 20 ilbiriqsi.
Qalalkaan maqnaanshaha way dhib badan tahay inuu qofka fahmo, waalidka hadduu yahay qof aad ugu kuur gala ilmahiisa wuu fahmi karaa, macallimiinta xanuunkaan wax ka taqaano way fahmi karaan markay ilmaha fasalka ku jiraan.
Xanuunkaan wuxuu ku badan yahay caruurta wuuna ka istaagaa markii da'da 18 gaaraan, laakiin qaar ayuu ku haraa oo ku waynaada.
Markii qofka uu ka soo laabto maqnaanshihii, howshii uu hayay ayuu horay u sii wataa sidii qof caadi ah oo kale.
Way ku kala duwan yihiin dadka inta jeer ay xaaladaas gali karaan maalintii, inta ugu badan oo ay dhici karto xaaladaan waxaa lagu qiyaasaa 100 jeer maalintii.
Baaritaanka lagu ogaan karo xanuunkaan waa qalabka lagugu sameeyay ee EEG, inkastoo ay qasab tahay marka lagu saarayo in aad ku jirtid xaalada maqnaanshaha si loo ogaado in qalalkii maqnaanshaha uu yahay ama uu ka duwan yahay, laakiin haddii lagu saaro adigoo caadi ah waxba laguma arko.
Sidaa darteed waxay takhaatiirta isku dayaan in ay kiciyaan xaaladaada maqnaanshaha, waxyaabaha lagu kiciyo waxaa ka mid ah in takhtarka kugu amro in aad aad si dhakhso ah u dheefsatid, waxaa laga yaabaa in aad xaaladii maqnaanshaha gashid.
Qalalkaan dhibkisa badan waxuu la xiriiraa la dhaqmidda bulshada, sida aad tilmaantay, macallimiinta way kaa sheegan karaa, asxaabtaada sidoo kale, dadka ku waraysanayo, shaqadaada iyo noloshaada guud.
Waa laga yaabaa in uu qofka kuu arko in aad yasaysid ama aad ku maqan tahay ama uu kuu arko qof aan dabiici ahayn.
Xanuunkaan waxaa loo daaweeyaa sida qalalka oo kale, waana nooca ugu fudud ee la daaweyn karo, waxaa loo qaataa daawo qalal, badanaane qofka wuu ka tagi karaa hadduu in muddo ah daawo qaato.
Sidaas awgeed waxaan kugula talin lahaa in aad takhtar neurologist ah la kaashatid weliba ku sii takhasusay cudurrada qalalka.
haddii aad su'aal qabtid ama faahfaahin u baahan tahay waad na soo waydiin kartaa.
Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan xanuunka Qalalka:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2246.0.html
Caafimaad baan kuu rajaynayaa.
http://somalidoc.com