Author Topic: Su'aal: Jirka ayaa i boodbood ama i dubaaxiyo?  (Read 4956 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Fatxiya19

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Jirka ayaa i boodbood ama i dubaaxiyo?
« on: July 15, 2015, 02:19:25 AM »
Asc salankadib waxn raby ina dhaqtark iga jahil bixiyo waxn isku arka in jirka i bodbodyo ama i dibaxinyo  malinti dhowrmar i dibaxiya  mana aqano wextahy ma wax cadiya o dadka dhan ays isku arkanba mise wa kaligy ilaa yarteydi ayaan isku arki jiry mana aqno ado mahdsan iga sojawaba jazakalh




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Jirka ayaa i boodbood ama i dubaaxiyo?
« Reply #1 on: July 18, 2015, 02:35:42 PM »
Dubaaxinta waa calaamad lagu dareemo cilald xagga neerfaha, waxay noqon kartaa dubaaxin aan dhib lahayn iyo mid astaan u ah in cillad ay soo socoto ama ay jirto, waa muhiim in aad takhtar la xiriirtid si  baaritaan xagga neerfaha laguugu sameeyo, halkaan ka akhriso waxa uu neerfaha yahay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5549.0.html
Midda kale dubaaxinta waxay ku koobnaan kartaa jirka qeyb ka mid ah, meelaha ugu badan ee laga dubaaxiyo waxaa ugu horreeyo baararka indhaha, waxaa kaloo ku xigi kara murqaha luga sida bowdyada iyo murqaha shaanshida.
Dubaaxinta waxay kaloo ka dhalan kartaa haduu khalkhal uu ka jiro macdanta jirkaaga ma dheecaannada hormoonada, marka waa muhiim in aad la xiriirto dhakhtar aqoon u leh xanuunadaas ama ku takhasusay cudurrada guud.
Caafimaad baan kuu rajaynayaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: