Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Wel-Wel Xaad-Dhaaf Ah.
Darmaan123:
Marka hore takhrada waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka, Asalaamu Calaykum Walal bacda salaan, waxaan in mudo ahba dareemayay welwel, walaac iyo luqunta oo aad ii xanuunta oo aan weliba ka dareemayo muruqyada luquntu inay giigsan yihiin.
haddaan calaamadaha ciladaydan cadeeyo waa sidan:
1. welwel aan caadi ahayn tusaale ahaan waxaan ka welwelayaa in shaqada layga eryo, aniga oo aan waxba dareemin ayaan hadana kasii welwelayaa bilaa sabab.
waxaan kale oo ka welwelayaa in aan cudur ka qaado inta badan meelaha aan taabto oo dhan, sida salaanta dadka iyo meelaha dadku taataabto sida miisaska iyo meelaha qoqoyan.
waxaan ka welwelayaa mustaqbalka waxa aan qaban doono, tusaale ahaan: haddaan labadeenu is raacno waxaan ku odhanayaa walal armay waxaasi inoo hagaagi waayaan, anigu kuma qanacsaniye bal aynu isku dayno uun haddaad adigu ku dhegan tahay kkkkk.
tusaale kale haddaan qof lacag ku yeesho waxaan odhanayaa armuu qofkaasi lacagtaada ku siin waayaa oo aad isku xumaataan.
haddii qof lacag igu yeeshana waxa suurto gal ah in aan caawa oo dhan ka welwelo oo ay wax wayn ila ahaato iska bixinteedu.
waxana dhicikarta in aan ku wareero oo caawaba ka fikiro wax berri aan qaban doono, tusaale ahaan haddaynu ku balano berri aroorta in aynu meel isu raacno ilaa caawa waan kusii xisaabtamayaa intaan iska sugi lahaa shaqada aynu berri aadi doono.
si markaan u eego waxaad moodaa fikirkeenii caadiga ahaa oo la buunbuuniyay oo aan dadka kasii welwel badanahay.
2. Qodobka labaadna waa luqunta oo i xanuunaysa oo aad ii giigsan oo aad moodid in muruqyadu lafta ku dhegan yihiin ama ay adkaadeen sidii wax qalalay oo kale, madaxuna inta badan wuu i xanuunaa, waxaan dareemaa caajis badan iyo shaqada oo aan ka daalayo markiiba fadhigaan jeclaysanayaa, xanaaqayguna waa markiiba, iyo waxyaabo badan oo kale.
Da'daydu waa 33 sano
calaamadahana waxaan dareemayay mudo badan ilaa 2003.
Walal waad mahadsan tahay.
Darmaan123:
Walal waxaan qoraalka hore ka ilaaway takhtaro badan oo aan u tegay.
dalka soomaaliya gaar ahaan gobolada aan joogo kama helin diktoor si gaar ah ugu takhasusay xanuunadan nafsaaniga ah.
midkasta markaan u tago ee aan u waramo ayuu shaybaad ii dirayaa, waxayna inta badan iga baadhi jireen xanuunada khaakhaayirka sababa sida thyphoid, syphilis iyo waxyaabi la mid ah.
marka shaybaadhku negative noqdana waxay ku moodayaan in aad khaakhaayirsan tahay oo waxbaba kaa dhegaysan maayee wuxuu gosha kuu gelinayaa dawooyinka sychotic-ga iyo schisopherniayada. wakhti aad kulasii hadashidna kuuma ogola maadaama oo uu ku moodayo in aad khalkhalsan tahay. lolz.
waxa iskaga qaldan diktoorayda xanuunada nafsaaniga ah oo dhan hadaad xagaa nafsaaniga wax ka sheegatidba waxa ku hortaala in kani wuu kacsanyahaye hala dejiyo.
ma helisid dhakhtar qudha oo intuu buugiisa lasoo baxo eegaya calaamadaha aad u sheegatay xanuunka keeni kara.
iga raali ahaada diktoorada in aan dhaliilo uma jeedin mana laha dhaliishan oo anagaa qasbayna waayo iyagu xanuunadan kuma ay takhasusin umana baran laakiin waxaan uun jeclaan lahaa in ay sida diktoorada webkan oo kale na dhegaystaan oo dersaan waxaanu ka cabanayno...
waxaan u tegay tobaneeyo diktoor hadaanayba ka badnayn.
dawooyinka ay ii qori jireena waxa ka mid ah kuwan.
1..Mar waxa la ii qoray chlorpromazine 25mg-100mg
2.marna waxa la ii qoray:
Olanziapine and amitriptyline.
3.Marna waxa la ii qoray:
Haloperidol 5mg and diazepam.
4.Marna waxa la ii qoray:
Mellaril 100mg.
Waxa jira dhowr jeer oo dawooyinkaa laygu celceliyay.
wax aan dawakh iyo hurdo waalan ahayna kama helin.
faa'iido aan kala kulmo daaye waxaan ka qaaday xaajis iyo dawakhaad aan shaqayn kari waayay.
waxayse iigu darrayd marka la ii qoray ee laygu muday irbad la dhaho:
Butyriphenone Injection, markii laygu duray baa waxa isku kay dhegay qadaadka iyo labada qarab oo waxaan noqday qofka cirka eegaya, anigoo liita oo baraaray oo kii ii qorayna yaaban yahay ayuun baa illaahay iisoo diray nin dhakhtar ah oo waraaqdii la tusay irbadu ku qornayd markaasuu ii qoray kiniinka artane. markaasuu side effect-gii igq degay.
intaa wixii ka dambeeyay dhakhtarba waan iska daayay, waxaan go'aansaday in aan iska samro ilaa intaan helayo diktoor xanuunadan nafsaaniga ku takhasusay insha allaah.
waayo dawooyinka ka ii qori jiray waxaan ogaaday in ay xanuuno astaamo kale leh daweeyaan.
Thank u wll
DalmarX:
salaamu calaykum,
walaal doctor ma ihi laakin sidaan ka dhan-dhansaday war bixintaada xanuunkaagu qoorta ayuu ku jira. Nerve qoorta ku yaala ayaa waxaaso dhan kicinaya. degenashiyo l'aan, welwelka iyo anti-social anxiety. xanuunka loo yaqaan anxiety marba waxbaa kiciya nerfayasha oo dhaawac gaadha siiba kuwa mergiyada iyo qadaadku halkay iska soo galaan ku yaala marka dhaawac ku yimaado in aad xaalad welwel iyo degenashiyo la'aan aad la kulantaa waa dhacda.
talo bixin.
biyo kulul ood ku kubayso qoorta waxay debcisaa nerfayasha adkaaday. message yar oo fududna u raaci. acupuncture hadii laga yaqaano goboladaad joogto waan kugu la talin lahaa. xaga welwelka ama anxiety Doctorka taladiisa qaado. laakin mid ogow welwelka/anxiety waxaan hubaa in ay keenayso nerfayaasha ku dhaawacan.
isdeji niyada u sheeg in aad caafimad qabto.
insha allah, Allah ha kaa dulqaado xanuunka iyo welwelka uu wataba.
SomaliDoc:
Walaal Darmaan, sida aad tilmaantay dhibkaagu waa laba nooc, welwelka siyaadada ah iyo shakiga badan, waxaa la socdo qoor xanuun iyo giigsanaan.
Sida dalmar uu sheegay qoor xanuunka ama xanuuanda kalba way keeni karaan welwel, laakiin aniga sida ay iila muuqato waa sida kale, dhibkaaga wuxuu ka bilaaban karaa shakiga iyo cillada waswaaska loo yaqaano ee "OCD" oo aad warbixinteeda ka akhrisan karto halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3700.0.html
Cillada waswaaska iyo welwelka way isla socon karaan, kullamaa waswaaska iyo shakkiga uu batane way sii kordhi kartaa, welwelka la socdo shakkiga wuxuu loo dareemi karaa cillad jir ahaaneed sida togtognaanta murqaha jirka, hurdo la'aanta, shuban, cunno xumo, caajis badan.
Qofka ugu habboon ee aad xanuunkaaga kala xiriiri karto waa takhtar Psychiatrist ah, fadlan ha ku qaldin takhtar neerfe, halkaan ka akhriso waxay ay ku kala duwan yihin takhaatiirtaas: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5850.0.html
Isagaa ku qiimeyn doono maadaama ay takhasuskiisa ay tahay howshaan, hadduu u arko in cillad neerfo ay jirto ama cillad kale qoorta ay kaa haysato isagaa baaritaano kale ama takhtar kale kuu xawili doono.
Haddii aad su'aalo dheeraad ah qabtid ama faahfaahin u baahan tahay waad na soo waydiin kartaa.
Caafimaad baan kuu rajaynayaa.
Isku-buuqa Maskaxda: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1704.0.html
http://somalidoc.com
Darmaan123:
DOCTOR, waad ku mahadsan tahay wll sida fiican ee aad iigu sharaxday.
walal intaa ka bacdi waxaan rabaa in aan kula wadaago xog yar oo ku saabsan xanuunkan iyo aragtida aan hore uga haystaystay oo ahayd in aan OCD qabo.
mudo ilaa afar sano ah waxaan aaminsanaa in xanuunkaygani yahay ocd.
walal waxaan ogaaday in ocd-gu sidan ka calaamado duwan yahay, waxana aan la wadaagaa oo qudha faraxalashada oo aanan saabuun la'aan aanan aaminayn faraha in aan wax ku cuno, waxana sababaysa welwelka aan ka qabo in ay wasakhaysan yihiin maadaama oo aan meelo badan kusoo taataabta sida in aan dad kala duwan cirbado kusoo duray oo kale.
dadka ocd qaba waxaan ku arkay caalamado ay ka mid yihiin albaabka oo ay ku noqnoqonayaan oo ay dhawr jeer sooo hubinayaan in uu xidhan yahay,
waxaan kale oo ku arkay suuliga marka ay ku qubaysanayaan waxay sii qaadanayaan sixniga dharka lagu dhaqo si ay isugu taagaan oo nijaasada suuliga ayay si xad daaf ah uga taxadarayaan.
waxaan xitaa garanayaa nin aanu deris ahaan jirnay oo markuu suuliga galo intuu shan litir oo biyo ah qaato kasoo bixi jiray isagoo biyo kale oo ku istijoodo doonaya, waxaana ka dhaadhacsan in aanay kaadidii ka daahirin weli oo uu biyo kale usii baahan yahay.
waxaan kale oo arkay nin xawaalad ka shaqayn jiray oo mar qudha shaqadii iskaga tegay markaanu ku nidhi wll shaqayso oo xawaaladaada iska joog.
wuxuu nagu yidhi: walal dhibaato ayaa iga haysata lacagta tirinteeda oo toban jeer baan tirinayaa lacagta aan qofka siinayo, marka aan u dhiibana waxaan ka shakiyayaa buu igu yidhi in aan lacag dheeraad ah u raaciyay oo waan ka welwelayaa
ilaa maantana lacagtii aan qofka siiyay ayaan a walbahaarsanaanayaa anigoo is leh dheeraad baa kaa raacay. hadda ogoow dhawr jeer buu tiriyay, qofkiina markuu tirsanayay isha ayuu kala socday isagoo la tirinaya.
dee ninkii sidii buu shaqadii kaga tegay oo wuxuu yidhi dhibtaa kuma jiri karo.
waxyaabo kale oo badana way leeyihiin oo waxkasta way hubinayaan oo weliba hubinta way ku noqnoqonayaan.
in badan baa raadinayay in aan hubsado ciladan ocd calaamadeheeda, waxana ii soo baxday aniga ciladaydu ay tahay oo qudha welwelkaa aan waxkasta kasii welwelayo. illaahay mahadiise waxaan ogaaday in aanan ocd qabin. taana illaahay baan markasta uga mahadcelinayaa.
waqtigii aan u haystay in aan ocd qabo waxaan isu malayn jiray in aan shaki qabo, waxaanse ogaaday in waxan i hayaa keliya yihiin welwelkaas oo qudha.
laakiin welwelkayga ayaa ah mid xad dhaaf ah, waxana ii dheer qoortaas oo aan markasta pain killer u cunayo si aan u nefiso, madaxa ayaa isaguna i xanuuna haddaanan xumad jebin isticmaalin.
dakhtaraduna si kasta ii baadhe waxa uun aan la i saarin computer-da.
walal waad mahadsan tahay mar labaad.
Navigation
[0] Message Index
[#] Next page
Go to full version