Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Waxaan dareemayaa barar caloosha kor keeda?
(1/1)
Maxda:
Asc bacda salaan waxaan lahaan jiray hadana leeyahay gaas daran
lakiin waxaan isku arkay xanuun 100% ka duwan calool ololkii aan dareemi jiray ee xitaa mataga dhiiga wata lahaa waxaan barar ka dareemaya caloosha kor keeda ( meel ka saraysa) barar iyo kuusnaan waliba xanuun gudaha ah xitaa daal badan ayaan dareemaya aad ayaan u moodaya inay u barar santahay dusha markaan ka taabto wey xanuunaysa meesha caloosha iyo lafaha jafka iskaga yimaadaan xanuunku habeenkii buu igu badan yahay dhakhaa tiirta arinkaa
talo iyo tasaale ka keena
Mararka waxaan is idhaahda meesha ku bararsan calooshaba maahee waa beerka
SomaliDoc:
barar laga dareemo bogga waxauu calaamad u noqon karaa xanuunno ku dhaco beerka, ganaca, mindhicirrada, waa muhiim in aad takhtar la xiriirtid si laguu saaro qalab lagu ogaan karo bararka waxa keenay.
Qofka gaaska qabo wuxuu bogga ka dareemaa xanuun ama cadaadis iyo in naqaska dhibayo laakiin barar la taaban karo ama kuus aad ka dareemayso meesha laguma yaqaanno.
Halkaan ka akhriso qroaal ku saabsan gaaska: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html
Haddii aad su'aalo kale qabtid waad na soo waydiin kartaa.
Navigation
[0] Message Index
Go to full version