Author Topic: Su'aal: Mar aan xaaskeyga damco rabitaanka ayaa iga tago?  (Read 4453 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Dhoore12

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: Mar aan xaaskeyga damco rabitaanka ayaa iga tago?
« on: July 16, 2015, 09:40:47 AM »
asc waalayaal waxaan rabaa in uu dr ka aan weydiiyo su'aal
mararka qaaar marka aan xaaskeyga u tagayo rabitaanka dhan ayaa iga tegaya oo bahalku wuu iska shuuqayaa marna waan fiicanahay maxaa sabab u ah amxaase daawo u ah ?
marka aan doono in aan galmada bilaabo ayaan nacayaa gusak wuu damayaa




Offline Ashom

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 97
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Mar aan xaaskeyga damco rabitaanka ayaa iga tago?
« Reply #1 on: July 16, 2015, 12:24:35 PM »
Xaas kaada  ayaa taba bar  u baahan . xiliga aad  damacu kaa joogsanaa waa in ee ku dhahdaa erayo mac macaan  iyo in ee ku salsalaaxdo
 waa sida ee ila tahay . Dakhtar maahi  :D

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Mar aan xaaskeyga damco rabitaanka ayaa iga tago?
« Reply #2 on: July 18, 2015, 11:37:25 AM »
In aad howlgabto marka aad xaaskaaga damacdo waxyaaba badan ayaa keeni kara, damaca iyo dareenka waxay ku xiran tahay xaaladda nafsiyadeed ee aad ku sugan tahay, haddii aad adigu fiican tahay oo aadan wax buuqa ama welwel kugu furneyn waxaa ku saamayn karo xaaskaaga xaalada ay ku sugan tahay iyo in ay iyada diyaar u tahay marka horeba.
Marka talooyinkii aad samayn lahayd iyo waxyaabaha ay noqon karaa ka akhriso labadaan qoraal:
1- Maxaa keeno howlgabka kacsiga: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,625.0.html
2- Hammi yarida dumarka iyo saameynta nolosha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3818.0.html

Haddii qoraaladaas kadib aad qabto waxa su'alo ah waad i soo waydiin kartaa.

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: