Author Topic: Su'aal: Waxaa i haya suuxdimo?  (Read 2718 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Dr Ilbir

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Waxaa i haya suuxdimo?
« on: July 16, 2015, 05:09:27 PM »
dhakhaatiirta sharafta leh ee aqoontoodu barakaysan tahay ee uga faaiidayna walaaladood waxaan waydiin lahaa mudo sadex sano ah waxaa i haya suuxdimo ah kaas oo aanan dareemayn xiliga uu isoo hayo waxaan utagey laba dhakhtar midkii hore wuxuu waraysi kadib wuxuu iidirey EEG And x ray kii labaad waraysi kadib MRI scan jawaabtiina waxay noqotey your head normal  maxaan yeelaa




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxaa i haya suuxdimo?
« Reply #1 on: July 18, 2015, 11:29:30 AM »
dr ilbir waxaan jeclaan lahaa in aad warbixin dheeraad ah iga siisid suuxdinta aad dareemayso nooca ay tahay adigoo iiga sheekeeya qaabka ay ku billaabato sida laguu qabto iyo hadduu miirka kaa tago iyo inta aad suuxdinta ku jirtid iyo xaaladda aad ku sugan tahay marka aad ka soo kacdo iyo dadka ku agjooga qaabka ay kuugu sifeeyaan suuxdinta ama waxa aad samaynaysid xilliga suuxdinta maadaama adiga aanan ka war qabin.
Waxaan kaloo rabaa in aad ii sheegtid haddii ay jirto cillad hadda ka hor madaxa kaa gaartay ama hadduu kugu dhacay xanuun infekshan madaxa sida qoor-gooyaha "meningitis" oo kale.
Hadduu aad daawo isticmaali jirtay, haddii aad balwad leedahay iyo marka ugu horreeyay oo aad isku aragtay waxa aad samaynaysay iyo inta jeer uu ku qabto usbuucii ama maalintii iyo haddii aad daawo u qaadatay muddadaa xanuunsanayd.
Waxaa kaloo muhiim ah haddii ay jiraan waxa qalal qof kale oo qoyska ka tirsan uu qabo ama haddii aad xanuuno kale isku ogtahay noocey rabaan ha ahaadaan in aad nala wadaagto.
Fadlay waribintaas oo idil waxay iga caawinaysaa talooyinka aan ku siin doono nooca ay noqon doonaan.
Caafimaad baan kuu rajaynayaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Shahwadayda waxaa ku jiro kuus kuus?

Started by Ali2oBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 17200
Last post December 04, 2016, 10:32:07 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa igu yaallo buro "Fibroadenoma"?

Started by HabsaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 13827
Last post July 05, 2017, 01:34:23 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa dhuunta ilaa qoorta iiga yaal buur buur?

Started by XikmaawiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16459
Last post February 28, 2016, 01:40:51 PM
by SomaliDoc
Su'aal: marka uu hargab ku dhaco oo uu qufaco waxaa dheecaan ka yimaado dhagta bidixda ah?

Started by DeeqcaliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15100
Last post November 01, 2011, 07:58:14 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaa i xanunayo labada lafdheer ee u dhaxeeyso jilibka ilaa iyo qoobka?

Started by CadceedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 27473
Last post July 05, 2010, 10:34:55 PM
by SomaliDoc