Author Topic: Su'aal: Maxaa talo siin lahayd dadka Gym-ka ciyaaro?  (Read 7210 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ashom

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 97
  • Points: +0/-0
Su'aal: Maxaa talo siin lahayd dadka Gym-ka ciyaaro?
« on: July 19, 2015, 05:22:02 PM »
Asc somalidoc. Waad mahasantihiin.
Waxaan rabaa in aan jirka dhisto oo aan hello sixpacks iyo murqo waaweeyn. Oo an ka weeynaado dad ka normal ka . in leeyga jirdhiska markaan labisto.  gym waa ciyaaray mudo 2 sano ah . lkn kuma farxin natiijada . waa helay murqo waana weey naaday lkn jirkeeyga ma qeeyb sano. Markaan weeydiiyo dad jirkoodo kala qeebsan yahay. Waxeey dhahaan daaqad ama leyar fat ah ( baruur ah ) ayaa ka sareeyso. Markaan sii weeydiiyay sidee ku baabi'in karaa waxeey dhaheen waa in aad sameeyso HIIT jimicsi layiraahdo . kaasna waxoo sababa yaa in baruurta iyo muriqaba wada yaraadaan oo aad caato saa'id ah noqotid.
 Marka sidii cayilkaas muruqa ama jiirta ka koreeyo u baabi'iyaa. Si ee murqahaas u muuqdaan.

Cuntooyin ka somalia laga cuno ma cayil ayeey ubadan yihiin mase protein .
Somalia qof ka joogo maxaad kula talineeysiin in oo cuno xiliga oo jirdhiska sameeynaayo(qof Ka fitness Ka rabo)
 Somalia digaaga iyo ukuntaba waa ka qaali .saas aawgeed sidii aduun ka kale mahaan .
Marka maxaad usoo jeedin lahaayd somalidoc dad gym Ka kujiro . mahadsanid




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxaa talo siin lahayd dadka Gym-ka ciyaaro?
« Reply #1 on: July 22, 2015, 01:55:44 PM »
Marka hore jirka oo murqo yeesho kuma jiraan farriimaha caafimaadka ee dadka lagula taliyo.
Waxaa qofka lagula taliyaa inuu jimicsi joogto ah leeyahay, cuno cunno isu-dheelli tiran iyo miisaan dabiici ah.

Sababta waxay tahay jimicsiga xad dhaafka ah iyo murqaha oo la dhiso waxaa dhici karta marmarka qaar in ay caafimad darro keenaan oo ay ka mid tahay murqo xanuun, muqo dillaac, dheecaannada murqaha iyo jirka guud oo khalal galo iyo cillad kale sida cilladaha ku dhaco neerfaha.

Marmarka in jirkaaga uu kala qeybsamo ama murqqahaaga la arko ma ahan hadaf caafimaadka u dagsan.

Cunnooyinka la cuno waxay isugu jiraan cunno dufan leh, cunno tamar laga helo, cunno protein oo murqaha iyo lafaha iyo korriinka jirka ka qeyb qaadato iyo cunno kontaroosho macdana iyo dheecaannada jirka sida fitamiinnada iyo maadooyinka kalaba.

Cunnooyinkaas kala duwan meel kasta waa laga helaa laakiin waxaa muhiim ah in qofka ay u dheelliitran tahay oo uusan hal qeyb xoogga saarin.

Tusaale haddii aad bariis ama baasto kaliya cuntid adigoo qudaar ama hilib ama moos ama salad ama juice aanan ku cunin isuma dheellitirna.

Sidaas awgeed talooyinku waa cun cunno caafimaad leh oo isu dheellitiran.
Dadka gym-ka sameeyo waxaan kula talin lahaa in aan si xad dhaaf ah loo samayn oo qofka baahidiisa ay ku xirnaato.

Ka faa'idayso talooyinkaan caafimaad: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,238.0.html

Haddii aad su'aalo ama faahfaahin uga baahan tahay fariimahaas caafimaadka waad i soo waydiin kartaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55977
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 162288
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106984
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 57993
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62306
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig