Author Topic: Back Pain  (Read 16147 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Gariile

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Back Pain
« on: January 05, 2008, 01:36:21 AM »
Salaamu Calaykum Dr or Drs,

Magacayga waa Ismail, waxaan isku arkay dhabar xanuun mudo 6 sano ka hor ah, ka hor ma qabi jirin dhibaatadaas, dhaqtar waliba oo aan tago kaniini uun buu isoo siinayaa mooyee, cudurkii wali waa sidiisi oo rajo malaha.

Talo isiiya sideen ku helaa caafimaad ilaaheey ka sokow.

Yours,
Ismail




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Back Pain
« Reply #1 on: January 05, 2008, 02:06:27 AM »
Walaal Ismail, ilaah caafimaad haku siiyo, dhabarkaagane 6 bil ka hor siduu ahaane allaha kaaga dhigo.
Walaal anagu waxaan awoodnaa inaan fikrad guud kaa siino waxa dhabar xanuunku uu yahay, waxyaabaha keeno, sida loo baaro, sida loo daaweeyo iyo sida looga hortagaba.

Awood uma lihin inaan daawo qorno ama baaritaano aan kuu dirno, lakin jawaabtaydan waxa ay kugu saacidi kartaa in aad safiican u fahanto dhibaatada ku haysata nooca ay tahay, iyo markaad dhakhtar u tagto, inaad safiican ugala sheekaysan karto dhibaatada ku haysata, uu kaa dhaadhiciyo sida ay wax u jiraan, uusan kaniini kuu qorin kaliya, baaritaano inaad sameysane waa qasab, si loo ogaado waxa kuu keenay dhabar xanuunka iyo sida ugu haboon ee loola tacaali karo.

Dhabar Xanuun
Xanuunka dhinaca hoose ee dhabarka, waxaa ku xanuunsada 4 ilaa shan qofood intii ah waqtiga ee noloshooda. Inta badan waxuu xanuunka ku dhammaadaa dhowr maalmo ah ilaa iyo dhoor toddobaadyo ah, laakin mar marka qaarkood waxuu qaadan karaa waqti dheer
waana soo noqonoqdaa.

Waxuu xanuunka dhabarka u imaan karaa si degdeg ah waxuuna ahaan karaa mid aad u xun (darran) ama waxuu u imaan karaa xoogaa-xooga intii waqti ah waxuuna keeni karaa dhibaatooyin waqti dheer ( joogto ah ).

Dhinaca hoose ee dhabarka, waxuu ka samaysan yahay 5 xaroor ee loo yaqaan sida L1 to L5. Waxuu gobolkaan sidaa culayska oo dhan ee
dhinaca kore ee jirka (ee lagu daray culayska dheeriga ah ee uu sido) waxuuna yahay mid ku jiro hawl aan kala go’ lahayn gaar ahaan markii la rogmanaayo, la jeedjeedinaayo iyo markii wax la qaadaayo.

Waxuu dhismaha isku jiro ee dhinaca hoose dhabarka la micno yahay haddii wax yar oo dhaawac ah gaaro wax kasto ka mid ah dhismaha dhabarka inuu keeni karo xanuun aad u badan iyo raaxo la’aan. Xanuunka dhinaca hoose ee dhabarka waa astaanta inuu jiro murugo u keentay dhaawac xirgaha, murqaha, xirgaha fiibarka ama saxuunta (discs).

Inta badan dhabarka isagaa is-raysiiyo laakin haddii aad u darran yahay uuna yahay joogto waxaa laga maarmaan ah in la doonto talada caafimaadka si loo ogaado si sax ah loona helo daawayn ku habboon.

Sababaha
Inta badan dhabar xanuunka hooseeyo waxaa loogu yeeraay sida ‘ mid aan lahayn meel gaar u ah’ sababta oo ah inuu keenay dhaawac ama cudur aan aad u darnayn, laakin ay keeneen laabniin, murqaha oo aadkaadaan, dhaawacyo yar-yar ama jirka oo meel qabsaday ama dhimirka ay wax yar gaaray. Waxaa kale uu ku dhici karaa markii uu jiro uur, ama sabab murugo leh, bukasho, bukashada kilyaha ama hurdo xumi.

Waxaa dhabar xanuunka keeni karo waxqabadyo maalimeedka: si xun u fooraarsi, wax qaadis, wax dhaqdhaqaajin, qunfacid, hindhisid, murqaha oo isgalaan, jirka oo isgalo ama wadidda gaariga oo waqti dheer qaadato iyada oo marna la joojin. Shilalka guriga, shaqada, ama markii la wado gaariga ( oo ku jiro dhaawaca qoorta ) waxayna yahiin sababaha guud.

Qaabka ugu caansan ee dhabar xanuunka darran waxaa keeno bararka ama murqacashada mid ama ka badan ee saxuunta ku dhex jirto xaroorka oo keenayo in maaddada qoyan (nucleus pulposus) u riixaan dhinaca xirigga xaroorka ama xididdaha dhimirka ee u cararo saxab xigeenka.

Waxaa sidaan loo yaqaanaa caadi ahaan sida saxanka ‘ saxanka taranturooday’ laakin waxaa si aad ah oo sax ah loo tilmaamaa inuu
yahay sida ‘ horay u fakaday’ (bararid ) ama ‘ herniated’ ( murqacday); dhusha saxanka ayaa wax ka soo da’aayo intii oo waxa soo soconaayo ayaa keenaayo dhabar xanuunka
laakin xitaa xanuunka maskaha, cajiraha iyo lugta oo sababtuna tahay carada dhimirka xagga dambe ee jirka.

Sida caadiga ah saxanka wuu gurmaa waxuuna la qayirmaa da’da. Ama waxuu daba socdaa dhaawaca. Waxuuna sidaa ku keenayaa inay saxuunta ay yareeyaan tanaasulka, ay waxtar yar u yeeshaan inay jiifiyaan xaroorka, sidaasi darteedna inay guud ahaan keenaan adeeg
iyo xanuun, gaar ahaan aroorta hore una keenaan wayeelka lafo xanuun (markuu ku dhaco osteoporosis).

Waxaa keeno dhabar xanuunka hoose xitaa tiro kale oo xaalado ah sida xaroorka oo dhasho isaga oo xun, cudurada lafaha, burooyinka, cudurada holacsan ee qaska (PIDs), waxyaabo xun ee lagu dhasho, iyo kaadi-galeenka.

Waxa lagu ogaaday baarista
Waxa lagu ogaado baarista lagu sameeyaa astaamaha iyo baarista jirka. Markii laga shakisanyahay dhibaatooyinka saxuunta waxaa la sameeyaa x-ray, skaanka tomogarafiyada ee la mariyay computer-ka (Skaanka CT ama Cat), ama skaanka ee dhawaaqa birqabadka (MRI) ayaa lagu talin karaa si loo helo warar sax ah.

Daawaynta
Waxa haatan lagu taliyo in lagu daaweeyo dhabar xanuunka waxuu yahay:
• Isticmaalka xunuun-dilayaasha;
• Isticmaalka daawooyinka ka hortagga holaca iyo xanuun-dilayaasha (marka koowaad kala tasho farmashiistaha ama Takhtarka Guud);
• Sii wadidda waxqabadyada caadiga ah halka ay ka suurto gasho;
• Daawaynta osteopath-ka, chiropractor-ka, jir-jimciyaha, amacirbad-durid adeegsadaha ee ah xirfadlayaal ayaa kaa caawini karaan, waxay kale ay daraasaadka muujiyeen in talada ah in la raaco waxqabadka inay u tahay waxtar jirdhismeedka xanuunka fudud;
• Sii wad shaqada, ama si degdeg ah uga soo laabo haddii ay suurto gal tahay;
• Waxaa fiican inaad ku nasatid sariirta in aan ka badnayn labo maalin, in ka bdan waxay keeni kartaa waxtar xumo;
• Sameey layliga jimicsiga si loo xoojiyo murqaha iyo si loo simo dhinacyada;
• Isticmaal kuleel (warqad kulul ama qubays kulul) ka dib maalmo markii uu dabco xanuunka murqaha;
• Waxaa ku caawini karo qalabka ah ultrasound (kumbuyuutarka) si loo yareeyo holaca.

Mar mar aad u darran waxaa loo baahanaa qalliin ah sida microdiscectomy, oo keenaayo in la dayacatiro meesha quran tahay ama saxanka murqacday, ayaa lagu talin karaa.

Ka hortagga
Si uusan kuu qaban dhabar xanuunka waa inaad yaraysaa murugada saa’idka ah iyo dhibaatada dhabarkaada, aadna sugtaa inuu dhabarkaada noqdo mid xoog iyo fudeed leh. Waxaa kale lagu dabaqayaa talada dhabar xanuunka joogtada ah, lehna dhacdooyinka
soo noqnoqdo:
• yareey culayska saa’idka ah,
• Sameey layliga jirdhiska si aad u sii hagaajisid dhabarkaada iyo murqaha calooshaada,
• U sin si fiican dhinacyada jirkaada,
• Ku seexo sariir iyo joodari fiican,
• Sax qaadista iyo gacan ku qabadka alaabaha,
• Weecashada adkaynta iyo isgalka muruqa ee kediska ah
• Isku day oo yareey murugada, lab-lakaca iyo kacsanaanta
• Sameey jimicsi joogto ah (socod ama dabaalasho waxay u fiican yahiin kuwa qabo dhabar xanuunka).

Hadii aad qabto su'aalo ama aad u baahantahay faahfaahin dheeraad ah, halkaan ku waydii.
Mahadsanid
SomaliDoc
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Gariile

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Back Pain
« Reply #2 on: January 05, 2008, 12:31:21 PM »
Waad ku mahadsantahay macluumaadka gaarka ah ee aad isiisay, balse sida aan wax u rabay iima aadan sheegin oo waayo anigu dhibka i haysto ee dhabar xanuun wuxuu soo jiitamaye mudo 6 sano ah, balse anigu ma heli karaa talo fudud ee aan ugu tagi dhaqtar si aan ugu sheego cilada deedna aan durbaba ka boodo?

Salaam

Offline Diagnostic

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 281
  • Points: +112/-0
  • Gender: Male
  • Professional Diagnosis
Re: Back Pain
« Reply #3 on: January 05, 2008, 12:59:57 PM »
Walaal Gariile, 10-kii qofba 8 ayaa dhabar xanuun ka sheegata!

Dhabar xanuunkana waxaa keena waxyaabo badan, adiga waxa kaliya aad noo sheegtay waa mudada dhabarka uu ku xanuunayay taasina laguma sheegi karo inaad ka boodi kartid iyo in kale waxa loo baahanyahay waa wareysi dheer iyo baaritaano sida uu sheegay ninka iga horeeyay.

Dhabar xanuunka waxa uu ka dhalan karaa, mushkilad ka jirta murqaha, neerfaha, lafaha amaba kalabaxyada yaryar ee laf dhabarta, mid walba oo iyada kamid ahina si gooni ah ayaa loo daaweeyaa.

Talada aad dhakhtarka kula tagaysid waa inaad u faahfaahisaa xanuunka ku hayo, sida uu ku bilawday, inuu ka sii daray, waqtiyada uu daranyahay, haduu dhaqdhaqaaqa ama fadhi ka istaagida ay kuu darantahay, hadii ay jiran waxyaabo aad samaysid si xanuunka uu kaaga yaraado, shaqada aad qabato, daawooyinka aad qaadato, hadii xanuuna kale la socdaan, hadii qoyskaaga uu jiro qof dhabar xanuun noocaada oo kale qaba iyo warbixino noocaas oo kale oo dhakhtarkaaga ku waydiin karo.

Walaal ka boodida dhabar xanuunka kuma xirna mudada uu ku hayay, dhabar xanuunada qaar ayaa lagu daaweeyaa daawooyin, jimicsiyo,  amaba qaliin, taasina waxaa xadidaya dhakhtarkaaga.

Waxaan filayaa inaan kaaga jawaabay su'aashaada.

Diagnostic
In diagnosis think of the easy first.
Martin H. Fischer


 

I am Back------- Kulu Caaam Wa anTum Bi kheeer 1433

Started by SeeraarBoard New Members

Replies: 1
Views: 6621
Last post November 27, 2011, 11:46:56 PM
by Dr.Adnan
What bring you back here after long time of absence?

Started by PharmacistBoard Feel Free Here

Replies: 5
Views: 12129
Last post March 18, 2011, 08:35:59 PM
by Pharmacist
Study Medicine in Ethiopia (Back to the page)

Started by Hasan_c.h.cBoard I want to Study Medicine

Replies: 1
Views: 20429
Last post March 22, 2013, 10:00:05 PM
by Degan
The Future of Our Children Back Home

Started by Jamiila RNBoard Nursing Education Center

Replies: 8
Views: 24427
Last post February 11, 2008, 02:35:06 PM
by Pharmacist
I am back after long time...

Started by DiagnosticBoard Feel Free Here

Replies: 1
Views: 17642
Last post November 05, 2014, 01:43:56 AM
by Admin