Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: waa maxay kaniinka MELANCOR?

(1/1)

Cali Asaaro:
asc doctrs salaan ka dib waxaan rabaa inaan wax idinka waydiiyo kiniinka MELANCOR ee loo isticmaalo qofka ay maadada melanin ay ku yaraatay wax soo saarkeeda ee timaha ka ciroobeen, marka waxaan idiin waydiinaa kaniinkaas ma sax baa timaha ciroobay dib ma uga soo celiyaa madowgoodii, mideeda kale kaniinkaas wax side effects ah ma leeyahay,macquulse ma tahay anigoo aan gaarin da,da lagu ciroobo hadaan isticmaalo kaniinkaas inuu wax ii qabto, ugu danbayn kaniinkaas melancor dhaqtar la,aan ma isticmaali? tnks doctrs

SomaliDoc:
Sida aad tilmaantay daawada Melancor waxay ka hortagtaa cirrada ka dhalata in tinta nafaqo darri ku dhacdo, kama hortagto cirrada dhaxalka ah iyo midda xanuunka uu keenay, midda kale cirrada kadib in la isticmaalo waxtarkeeda wuu yar yahay.
Ma ahan daawo la iska qaato, daawo kastane way leedahay side effects ee ma jirto daawo aan side effects lahayn, taladayda waa in aad la xiriirtid takhtar dermatologist si uu warbixin intaa ka badan kaaga siiyo.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version