Author Topic: Su'aal: Dhiiga Bani-Adamka Ama Noolahaba  (Read 6386 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Somali_Nabad

  • Newbie
  • *
  • Posts: 24
  • Points: +0/-0
Su'aal: Dhiiga Bani-Adamka Ama Noolahaba
« on: July 23, 2015, 08:19:11 PM »
Walal bacda salaan su'aalahan baan u baahnaa inaad iga caawisaan.
Waana sidan:
1__Dhiigeenu marka uu yahay 55% plasma ah iyo 45 cells ah. Waxa la yidhi qaybta plasma waa biyaha oo kale muuqaal ahaan, iyadaana dareere (liquid) ahaan u badan.

Hadaba maxay ku dhacday qofka marka dhaawac gaadho in dhiig cas ama guduudan ka yimaado, ilaa casaanku (rbc) unugyo ayay ahayeen waxayna ahaayeen solid'e, ma rbc-kii ayay plasma-du soo kaxaysanaysaa oo sidaas ayay guduudkan ku noqonayaan?.

2__ Su'aasha labaadna waa sidan;
White blood cells-keenu marka ay kala yihiin; 'A'?Granulocytes oo qaabilsan inay ka difaacaan ama
burburiyaan, bakteeriyadda iyo dulinka
jidhka cuduradda u keena.)

 'B'? Lymphocytes, oo qaabilsan inay ka difaacaan jidhka feyriska
Iyo in ay sameeyaan unugyadda
difaaca jidhka.

'C'?Monocytes oo qaabilsan in ay ka
nadiifiyaan jidhka unugyadda gaboobey
iyo bakteeriyadda. Kuwo kale oo difaac ahi ma jiraan?.

Waxaan kale oo fahmay hadday sidaan u haysto yihiin (Thrombocyte oo ah=platelets). Ama xinjiraynta. Laakiin sow isku mid uun maaha: Thrombocyte iyo platelet?.

Hadaba kuwan kale ee kala ah;
1-Leucocyte.
2--Neutroph..
3--Eosoph..
4--Basoph.. Iwm,
Maxay qaabilsan yihiin?.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Dhiiga Bani-Adamka Ama Noolahaba
« Reply #1 on: July 25, 2015, 11:19:09 AM »
Su'aashaada 1-aad haddii aan ka jawaabo: dhiigga waxaa caseeya ungyada cascas ee loo yaqaanno "red blood cells" waa unugyo il ma aragto ah oo aad u badan, waxaa lagu qiyaasaa halkii microliter in ay ku jirto 6 million oo ungu, sidaa ogtahayne halkii microliter waa 1 milliliter oo 1000 jeer la qeybiyay.
Haddii aan kuu sii waadixiyo, halkii dhibic waxaa lagu qiyaasaa in ay u dhigato 15 illaa 20 milliliter, halkii milliliter ayaa waxaa u sii qeybinaysaa 1000 qeyb wuxuu noqonaa microliter, halkii microliter ayaa waxaa ku jirto 6 million oo ungu, tiradaas saas u badan waxay dhiigga ka dhigaysaa mid gaduduan ee ma ahan sida aad u fahmaysid ee ah biyo ay dhex fadhiyaan unugyo oo la kala sooci karo ama kala miirmi karaan.
Waana sababta haddii jirka meel ka mid ah dhaawac gaaro aad arkaysid dhiig oo aadan arkaynin plasma ilaa in qalab sheybaarka yaallo lagu kala sooco mooyee.
markuu qofka dhiigbaxo oo unguyadiisa cascas yaraadaan, dhiigga wuu is badali karaa oo khafiif aan aad u gaduudnayn ayuu noqdaa.

Su'aashaada labaad aad ayay u ballaaran tahay oo cilmi dhan ayaa lagu bartaa, laakiin haddii aan fikrad guud kaa siiyo.
Marka hore waxqabadka unguayda difaaca jirka ka qeyb qaato way ka badan yihiin sdia aad u tilmaantay wayna ka sii tafaasiilsan yihiin.

Marka hore dhiigga cad ama dhiigga difaaca jirka u qaabilsan waxaa loo qeybiyaa laba group:
A- Granulocytes oo waxaa ka sii farcama:
1- Neutrophil oo ah kuwa doorka weyn ka ciyaara la dagaallanka infekshannada ay keento bakteeriyada iyagoo adeegsada dariiqado aad u badan, hadduu unugyadaan ay sarreeyaan markii lagu baaro waxay tilmaamayaan in difaaca jirkaaga uu dagaal kula jiro xanuun bakteeriya ay keentay.
2- Eosinophil waa unug isagane la dagaallamo gooryaannada iyo parasites-ka jirka soo weeraro wuxuu kaloo astaan u yahay xanuuanda xajiinta keeno, hadduu qofka ku kacsan yahay unugyadaas xajiin ayaa ku kacsan ama gooryaanno ayaa ku jira oo weerar ku hayo.
3- Basophil iyadane waa unguyo ka qeyb qaato difaaca jirka iyagoo la dagaallama wixii jirka soo galo oo allerji ku kicin kara qofka sida qofka neefta ama xiiqda qabo oo kale.
4- Monocytes waa unguyo difaac oo la dagaallamo wixii jirka soo galo noocey rabaan ha ahaadaan, qaabka ugu badan ee kula dagaallamaan waxaa ka mid ah in ay liqaan oo ay gubaan wixii jirka soo galay, unugyadaan marka ay dhiigga ka tillaabaan oo xubnaha aadan waxay isku badalaan waxa loo yaqaanno "macrophage" waana qeyb aad muhiim u ah in ay difaaca xoojiyaan waxayna ka howlgalaan meel kasta waxaana ugu badan qanjirrada, maskaxda, sambabada, maqaarka, laabatooyinka iyo meelo kalaba.

B- Lymphocytes, qeybtaan waxaa loo yaqaanaa difaaca hormarsan oo waxay leeyihiin taatikooyin iyo qaabab aad uga hormarsan sida ay ula dagaallamaan waxyabaha uu jirka dhibsanayo waxayna u badan yihiin dhinaca la dagaallanka feyruusyada.
waxay u sii farcamaan laba qeyb oo kala ah:
1- T cells oo shaqadoodu tahay inay si toos ah u weeraraan wixii jirka soo galo iyagoo siyaabo badan cadawga iskaga celiya
2- B cells kuwaan howshooda iyagane waa muhiim oo waxay tahay in ay jirka u sameeyaan waxa loo yaqaano "antibodies" oo ah wax jirka ka difaaca waxyaabaha qalaad ee soo gala noocay rabaan ha ahaadaan.

intaaas unugyo markii la isku daro ayaa la dhahaa "leukocytes" oo ah macnaheeda "white blood cells"

Midda ku saabsan unugyada u qaabilsan jirka xinjiroobidda iyo kontoroolidda dareernimada dhiigga ee aad tilmaantay ee "platelets" magacooda kale waxaa la dhahaa "thrombocytes" meesha dhiigga cascas laftirkodoa ay leeyihiin magac kale oo ah "Erythrocytes" oo u dhiganta "red blood cells".

Waxaan is leeyahay fikrad waad ka qadatay mawduucaan.

Haddii aad su'aalo dheeraad ah qabtid waad i soo weydiin kartaa.

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Dhiiga caadada ayaa igusoo laabta bishii dhowr jeeer?

Started by KaltuunBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 10526
Last post May 22, 2016, 07:48:29 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Dhiiga xaydku intee inleeg ayuu ka maqnaankaraa dumarka.?

Started by AbumohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 59885
Last post August 23, 2010, 06:10:06 PM
by Abumohamed
Su'aal: Maxaa lagu dareemaa marka dhiiga cas kugu yaryahay?

Started by DeeqcaliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46812
Last post March 02, 2011, 07:28:00 PM
by Dr. Acromion
Su'aal: Kalyo-xanuun, Macaan, Dhiigkar, Infection-dhiiga iyo Kelestorool?

Started by Mumtaz IsackBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7820
Last post August 08, 2015, 11:07:37 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Baaritaanka dhiiga malagu ogaan karaa cudur kasta?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9483
Last post October 19, 2016, 07:18:46 PM
by SomaliDoc