Author Topic: Suaalo ku saabsan hooyada uurka leh  (Read 7178 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Salaado cali

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 35
  • Points: +0/-0
Suaalo ku saabsan hooyada uurka leh
« on: October 03, 2015, 09:40:04 PM »
Dr waad mahadstihiin shaqada aad noo haysaan intaa ka dib 1 suashaydu waxay tahay waxaa jira dumar barfaka aad ucuna maraka ay uurka leeyihiin maxay dhib u gaysan krtaa ilmaha iyo hooyada 2maxaa sabaab ilmaha aan soo daganin xilga foosha sii dhamaan rabto oo hada toosan qaabjiifkiisa (cephlic positation)3waxaa jira hooyooyin ilmahooda ku koraan uurka aygoo waxa badan cunin ama ayagu caatoobaabyaan ilmahunu uu koraayo iyo hooyooyin aad u cuno cunada  oo buuran ilmhuhuna marku dhasho  aad u yaryah maxaa sababa taas marka 4bamka caanaha hooyooyinka isga lisaan waxa dhibaato ah ma u gaysan karnaan hooyooyinka isticimaala 5hooyada marka ay dhalaan waxay ku xirtaan caloosho waxa dhib ma u keesan krtaa caafimdkeeda thanks drs




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Suaalo ku saabsan hooyada uurka leh
« Reply #1 on: October 05, 2015, 12:33:18 PM »
1- Barafka jawaab laga bixiyay halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6012.0.html
2- Ilmaha aanan soo dagin foosha uu dhamaad ah, cunugane uu toosan yahay waxaa keeni karo in madaxa cunuga uu wayn yahay ama kafka hooyadu uu yar yahay, labadaas cilladood ayaa ugu weyn, xaaladu haddii ay saas noqotane waa la qalaa hooyada si loo kala badbaadiyo.
3- Korriinka uurjiifka kuma xirno miisaanka hooyadu oo wuxuu ku xiran yahay sida uu u helo nafaqo ku filan, inkastoo caafimaadka hooyadu ay muhiim u tahay korriinka uurjiifka laakiin waxaa dhici karto cillado kale oo keeni karo in ilmuhu nafaqo darro ku koraan xilliga uurka, waxaa kaloo muhiim ah in la ogaado in cuntada oo la yaraysto xilliga uurka in ilmaha ay yaraynayso miisaankooda sida haweenka qaar ay aamisan yihiin, akhriso qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1653.0.html
4- Haddii ay hooyadu caanaha ku bataan way iska lisi kartaa wax dhib ahne uma keenaan.
5- Haddii hooyadu caloosha ay maro ku xirato foosha ka dib wax dhib ma keento oo waxay ku caawisaa minka inuu aruuro, xanuunkane wuu ka yaraadaa, caafimaadkane wax uma dhibto.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Sidee uurka looga hortagi karaa hadduu dhakhtarka ku taliyo?

Started by CeeblaaweBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 75946
Last post June 28, 2015, 11:26:21 AM
by SomaliDoc
Su'aal ku saabsan jirka dhexdiisa iiga socdo hawo guureyso?

Started by Maxamed1969Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 19127
Last post August 13, 2010, 03:34:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal ku saabsan gooryaanka caloosha iyo wax yeelada uu ugeeysto qofka qabo?

Started by DeeriusBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 28313
Last post October 27, 2012, 09:40:12 PM
by SomaliDoc
Su'aal: maxaa sababa gabadha uurka leh oo aan kaadida xejin karin?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 40080
Last post March 30, 2011, 01:35:12 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Haween uurka laga joojiyay, masiin karaa plis 21?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 20919
Last post May 14, 2011, 10:14:27 PM
by SomaliDoc