Author Topic: Su'aal: maxay ku kala duwan yihiin OCD & GAD?  (Read 8634 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Barkhat

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 46
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: maxay ku kala duwan yihiin OCD & GAD?
« on: July 27, 2015, 01:01:04 AM »
Marka hore salaam qaaliya iga gudooma, intaa ka gadaal walal waxaan kala garan waayay labadan xanuun ka i haya, kuwaas oo kala ah obsession compulsion disorder (ocd) iyo generalized anxiety disorder (gad)

calaamadaga aan dareemayana waxa ka mid ah oo ugu badan;
1 welwelsanaan markasta iyo meelkasta ah.

2 dhibsasho oo aanan jeclayn in lay mashquuliyo, sida in telka layga soo waco oo wax uun layga codsado ama wax la iga dalbado.

waxaan kale oo dhibsanayaa waxkasta oo welwelka igu siyaadin kara.
xitaa mararka qaarkood waxa dhacda in aan wadada uga leexdo qofka i garanaya si aanu ii mashquulin oo aanu cabaaar i istaajin, waxaad moodaa in aan ka wahsanayo (caajisanahay).


waxaan kale oo ka daalayaa shaqada oo aan si uga cago jiidayaa.
dictoor aan u tegayna wuxuu igula taliyay in aan raadsado dictoor ku taqasusay cilmi nafsiga oo sida uu ii sheegay itoobiya iigu dhoow, anigana qarashka ayaan ii saamaxayn in aan u safro dalka itoobiya  iyo meelaha la midka ah.
hadaba maxaad igu sii caawinkartaan talo iyo tusaale,  intaan dictoorkaa awood dhaqaale u helayo insha alaah?.

xanuunkani dhibta ugu wayn ee uu igu hayaa waa welwelkaa iyo madax xanuun mararka qaarkood ah, haddaan is idhaahdo welwelka iska yareena waxaad moodaa in aanan awoodi karin.

waxa qudha ee aan ku yare ladnaadana waxa ka mid ah marka aan niyada usii daayo ee aan idhaahdo kaba soo qaad hadday sidaasi dhacdo, maxaa ku helaya?.

calashaan haddaan ka welwelo in gaadhiga layga jebiyo waxaan qudha oo aan ku yare raysanayaa markaan idhaahdo kaba soo qaad iyadoo la jebiyayba. maxaa ku gaadhaya. markaan sidaa idhaahdo albaabkaasi wuu iga xidhmayaa, laakiin mid kale oo ka daran ayaa igu furmaya, haddaan kaa xaliyana mid kale ayaa hadana daba yaala.
welwel uuun baan ku jiraa, laabtana markasta naxsanaan baa igaga jirta, xitaa aniga oo aan garanayn waxa aan ka welwelayo ayaan laabta (chest) culays naxdin la moodo ka dareemayaa, markastana waan dhididayaa (sweatting) gacmahaygu waa kulayl, dictooraduna xanuun  jidhka ahi kuma hayo ayay leeyihiin oo qaar baa ciraashyo ii gudbiyay si jin layga baadho, iyana isoo celiye arrintu waxay taagan tahay in aan aado dictoor cilmi-nafsi yaqaana, awoodiina ii saamixi mayso itoobiya in aan tago welwelkiina wuu i qaadaa dhigayaaye bal walal ila taliya?.


Dhamaan Ummada Soomaaliyeed, Waad Wada Salaamantiin Meelkasta Oo Aad Joogaan.


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: maxay ku kala duwan yihiin OCD & GAD?
« Reply #1 on: July 28, 2015, 11:38:37 AM »
Barkhat caafimaad ayaa eebbe kaaga baryayaa, midda xigta labada xanuun ee aad tilmaantay waa isku ekaan karaan marmarka qaar, qofkane labadaba wuu lahaan karaa, mid ka mid ah wuu u badnaan karaa.
In la kala ogaado waxay u baahan tahay waraysi dheer, waana muhiim sida aad tilmaantay in aad takhtar cilmi nafsi heshid.

Haddii aan isku dayo in farqiga u dhaxeeya ee waaweyn in aan kuu tilmaamo.

Cillada welwekla caamka ah (GAD) waxaa lagu yaqaanaa welwel joogto ah sida aad tilmaantay oo markii albaab welwel kaa xirmo in mid kale kuu furmo, waxaa la socdo murqo xanuun khaas ahaan kuwa qoorta iyo hurdo la'aan ama hurdo aan raaxo lahayn.

Cillada shakkiaga iyo waswaaska waxaa lagu yaqaanaa in fikrad ama ficil gooni ah ay markasta kugu soo laalaabtaan oo aan si sahal ah ku tagaynin sida midda welwelka oo kale, tusaalooyin badan iyo qaabka labadaan xanuun lagu kala fahmo iyo marka ay isla socdaan intaba waxaad ka ahkrisataa qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5865.0.html

waxa ay iskaga midka yihiin oo loogu wareero waa welwelka oo hadane soo laalaabanayo.
Welwelka la socdo GAD waa mid caam ah kuma koobno arrin gooni ah meesha tan OCD ay arrimo gooni ah ku koobnaan karaan.
Waxaa kaloo dadka OCD qabo ay isku dayaan in fikradda ama ficilka ay ku dhagan yihiin in ay ku soo celceliyaan si uu welwelka uga yaraado meesha dadka qaba cillada GAD haddii ay ku soo celceliyaan waxa welwelka ku hayo ama ay ka sii fakaraan ay ku sii welwelaan.

Waxaan filayaa in aad fikrad ka qaadatay farqiga u dhaxeeyo.

Su'aasha kale ee ku saabsan qaabka loola tacaali karo welwelka khaas ahaan tusaalaha aad tilmaantay waa mid fiican in aad welwelkaaga xakamayn karto oo soo afjari karto, waana dariiqo ka mid ah qaababka loo xalliyo in aad ka daba gaysid welwelka oo aad ka soo qaadid in arrinta aad ka walwalaysid ayba dhacday, halkaasne uu welwelka ku istaago.
Waa arrin la baro dadka welwela si ay ula tacaalaan welwelka.

Siyaabaha aad ula tacaali karto murugada iyo welwelka, halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,826.0.html

Wixii talo ah iyo faahfaahin aad u baahan tahay, waad na soo waydiin kartaa.
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Barkhat

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 46
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: maxay ku kala duwan yihiin OCD & GAD?
« Reply #2 on: July 30, 2015, 05:34:25 PM »
Dr aamiin wll.

Waad mahadsan tahay wll, aniga laf ahaantayda intaas baa faham wayn iga siisay labadan xanuun iyo calaamadaha lagu kala saaro.

waxaan ku leeyahay walal waad ii dedaashay, waxaadna i siisay xog aan aad ugu baahnaa.
Thanks my dear doctor.
Dhamaan Ummada Soomaaliyeed, Waad Wada Salaamantiin Meelkasta Oo Aad Joogaan.

Offline Barkhat

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 46
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: maxay ku kala duwan yihiin OCD & GAD?
« Reply #3 on: August 03, 2015, 06:55:25 PM »
Diktoor bacda salaan,

in badan baan calaamadaha xanuunadan baadhayay
waxayna is waafeqeen xanuunka
GAD sidiii horeba la iigu sheegay
bal calaamadaha waxaan kaga duwanahay oo qudha, anigu ma lihi
dry mouth ee waxaan leeyahay candhuuf badan oo ilaa caruurnimadaydii candhuuftaa badan waan lahaa, inta badana candhuufta waan tufaa sidii qof yalaalugoonaya oo kale ayaan candhuufta tufaa.
xanuunkan aan dareemayo iyo astaamaha aan weligay lahaana waxay ku kala duwan yihiin oo qudha candhuuftaa igu badan, halka calaamadaha uu caanka ku yahay ay yihiin dry mouth.

hadaba diktoore markaad cilmigaaga la kaashatid labadaa ciladood ma dhicikaraan iy is daba mari karaan?.
Dhamaan Ummada Soomaaliyeed, Waad Wada Salaamantiin Meelkasta Oo Aad Joogaan.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: maxay ku kala duwan yihiin OCD & GAD?
« Reply #4 on: August 04, 2015, 10:35:48 AM »
Xanuunka Generalized Anxiety Disorder, af-qaleelka laguma tiriyo calaamadaha qasab ay tahay in qofka laga helo si loo dhaho wuu qabaa, kuwa muhiimka ah oo qasab tahay in laga helo waa kuwaan soo socda:
1- Welwel joogto ah.
2- Mushkiladaha oo la weyneeyo oo dhibkii yarba wax wayn laga dhigo.
3- Kacsanaan iyo xasilooni la'aan.
4- Markuu daran yahay wuxuu keenaa murqo iyo seedo xanuun / giigsanaan iyo kacsanaan.

Intaas ayaa ugu muhiimsan inta kale way soo raaci kartaa, dadka qaarne waa laga helaa dadka qaarne lagama helo kuwaas waxaa ka mid ah:
1- Madax xanuun
2- Af-qaleel
3- Dhidid badan
4- Lalabo
5- Waxa laguu sheegayo oo aadan fahmi karin ama maskaxdaadu maqan tahay
6- Musqusha oo ku laalaabato
7- Caajis iyo daal
8- Hurdada oo dhakhso kaa imaanayn ama aadan ku nagaan karin.
9- Jarayn gacmaha ama lugaha.
10- Qofka oo si sahlan looga nixin karo.

Badanaa xanuunada markii laguu sheego astaamahooda ma ahan qasab in kulli aad iska wada heshid si laguu dhaho waad qabtaa, takhtarka aqoonta lihi wuu isku dardarsadaa, waraysiga, wiisiteynta iyo baaritaanada kale intaba si uu u gaaro ogaansho sax ah.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66529
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69541
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62466
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46733
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 44986
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc