Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: dhiig madow oo uskag la moodo?

(1/1)

Hodan:
asc

waan salaamayaa khakhaatiirta qaaliga nagu ah intaa kadib waxaan doonayaa in hal su;aal layga jawaabo waxayna tahay,

caadada ayaa wakhtigeedii dib uga dhacdahay 2 cisho garaac badan oo jiray intaanay wakhtigeeda gaadhin iyo waliba in markii danbe iga yimid dhiig madow oo aan badnayn oo yar  mararka qaarna  ahaa uskag yar oo cawlan markaa weeka uu socdayna xanuun iyo garaac ayuu watay  ma ihi dadka caadada ku xanuusada laakiin doorkan ma garan karo waxa jira  iga jaahil saara arrintaa


waad mahadsan tihiin .

SomaliDoc:
Hodan, waxyaabo badan ayaa keeni kara iyadoo caadada kuu saxan in ay wareerto ama hakato, dhiigga madaw aad dareentay waxay u badan tahay inuu gudaha ku haray oo inta aad xanuunka dareemaysay iyo majiirka uu sababta isaga u ahaa, kadibna ilaahay kaa keenay.
Halkaan ka akhriso qroaal ku saabsan waxa keeno caado wareerka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2145.0.html
Waxaa kaloo halkaan ka akhrisataa waxa keeno in caadada lagu xanuunsado: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2154.0.html
Haddii aad su'aalo ama faahfaahin labadaas qoraal ku saabsan aad qabtid halkaan ku soo waydii.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version