Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Sangoror iyo ilmaha oo caloosha ku maydo?

(1/1)

Ceebla:
Asc walaal waxaan ahay xaas waxaa igu dhacaday markii aan uur yeesho ayaa dhiig sanka laga furayaa oo waan dhiig baxayaa  sidaan u wado dhiigaa ayaan gaarayaa 9 bilood markaas ayuu caloosh ku maydayaa ilmaha biyahana way ku yaraanayaan  meel aanan tagin ma jiro oo dhakhaatiir badan ayaan u tagay wax yaqaanan waan waayey hada ilmahii 3 waaye dhiigiina waa iga socodaa  markaan gaaro 3 bilood ayuu bilaabmayaa wax alaale wixii dhaacaan ahna waay ku yaraanayaan  marka walaal ii soo jawaab ilaahay ha kuu danbi dhaafo

Ceebla:
walaal waa gabartii sanka dhiigu ka socoday waxaan iloobay markii ilmihu iga yimaado ma isku arkayo dhiigii waa uu iga tagayaa ilaa hadna aan uur ka yeesho oo aan gaaro 3 bilood markaa ayuu bilaabanayaa waxaa kale oo aan isku arkay sidii anigoo lay gabin ayaan gabanayaa oo indhaha ayaan dhaqaajinayaa oo aan isku qabanayaa hadii aan uur yeesho iyo hadii kaleba waa joogto taasi mahadsanid alle ha ku barakeeyo huuno

SomaliDoc:
Ceebla, waxaad u baahan tahay in aad la kulantid dhakhtar "hematologist" oo ku taqasusay cudurrada dhiigga, sababtuna waa astaamaha aad tilmaantay oo sheegaya iyo ay jirto cillad dhiig xinjiroobista ah, waana noocyo badan yihiin, waxaana qofka lagu sameeyaa baaritaanno dhowr ah si loo kala sooco.

Xanuunka ugu caansan oo aan is leeyahay way dhici kartaa in aad qabto waa xanuun loo yaqaanno "Antiphospholipid Syndrome" waa xanuun cillad dhiig xinjiroobista ah, wuxaana lagu gartaa dilan isku xigxiga, sangororkane wuu leeyahay, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan xanuunkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1897.0.html

Waxaa jiro xanuuno dhowr ah oo u ekaan karo midkaan oo kulligood yeelan karo sangoror iyo dilan intaba oo joogto ah, marka fadlan haddii aad ku nooshahay meel takhtarkaa iyo baaritaananda loo baahan yahay laga heli karin waa in aad raadsatid, si laguu daaweeyo.
Caafimaad baan kuu rajaynayaa.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version