Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Hawo caloosha iyo moxoga qalliin ka dib?

(1/1)

Hodan:
aad ayaad u mahadsantihiin sida wanaagsan ee aad iigu soo jawaabteen  waxa kale oo aan doonayay  wiil ayaa laygu qalay  4 sanno uur ma qaadin cilada aan isku arkayna waa caloosha oo hawo leh dibiro moxoga oo aan moodayo in hawo igaga jirto  dhakhter ayaan u tegay waxayna dhaheen waxba kuma hayaan ee  dawo 3 bil soconaysa oo marka caadada 4 cisho markay marayso  aan cunayo  markaa dawadiina waa dhamaystay wali wax uur ah ma hayo  markaa ma dhici kartaa in qaliinku keemayo problem-ka?

SomaliDoc:
Ilaah ayaa og in cillada ay qalliinka ka timid iyo in kale, maxaa yeelay qalliinka qaabka lagugu sameeyay, haddii cillad ay dhacday qalliinka la xiriirto intaba ma ogaan karno, midda kale caadada haddii aysan saxnayn way keenaysaa in aad uur qaadi wayso, midda kale dibirada la dareemo qalliimada caloosha lagu sameeyo ka dib usbuucyo ma dhaafto.
Midda kale ma leedahay daaco ama dhuuso badan, cunanda ma ku xiran tahay dibirada, wax aan dibbirada ahayn oo astaamo kale ma leedahay?

Navigation

[0] Message Index

Go to full version