Author Topic: Jahawareerka Sonkorowga (Complications)  (Read 17176 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Waxbaro!

  • Global Moderator
  • *****
  • Posts: 242
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Aqoontu Waa Iftiin
Jahawareerka Sonkorowga (Complications)
« on: January 19, 2008, 12:18:13 AM »
Indhaha
Arag cawlan (oo aan kala caddayn)
Tani waxay dhici kartaa marka ugu horreysa ee aad isku billowdo iska daaweynta sonkorowga. Waxay u dhacdaa, is daaweynta ka hor, heerarka gulukoosta jirkaagu ma aysan xakameysneyn aad ayeyna u sarreeyeen. Tani waxay saameyneysaa marinnada isha, iyadoo sababaysa aragga oo cawlma ilaa waqti.
Marka ay heerarka gulukoosta jirkaagu caadi ku soo noqdaan, waa inuu araggaaguna soo hagaago.

Indho-Caad ama Arag Cawlan
Tani waxay dhici kartaa marka aad ilaa waqti sonkorow soo qabtay (sanado), isla markaana heerarka gulukoosta dhiiggu ay sarreeyeen. Gulukoostu waxay ku korortaa muraayadda isha iyadoo daruur ka dhigeysa, sidaas awgeedna ileysku kama gudbi karo dhinaca danbe ee isha (wiilka isha). Waxaa jira qalliin, laga yaabo in la isaga fiiqo muraayadaha wax gaareen ee isha laguna beddelo mid caag ah.

Cudurka Wiilka Isha
Kani waa magaca la siiyey waxyeellada soo gaarta lakabka dhinaca danbe ee isha. Haddii heerka gulukoosta ishaadu ay si joogto ah u sarreyso, markaas marinnada dhiigga ee yar-yar ee lakabkaan ku jira ayaa waxyeellooba. Marinnadu waxay noqon karaan kuwo xannibmay marinnada kalena way weynaadaan waxayna oggolaadaan inuu dhiig fara badan maro.
Mararka qaarkood marinnadu waxbay sii daayaan ka dibna dheecaan ayaa dusha ku urura isla markaana dheecaan aan loo baahneyn ayaa u gudba dhinaca danbe ee isha.
Marka retinopathy (waxyeello soo gaarto wiilka isha) ay noqoto mid daran, jirku wuxuu isku dayaa inuu sameeyo marinno dhiig oo cusub si socodka dhiiggu uu u hagaago. Marinnadaan cusub aad ayey u liitaan isla markaana si fudud ayey u dhiigi karaan taasina waxay keeni kartaa lumidda aragga oo halis ah.
Daaweyn shucaac ayaa la isku sameyn karaa si caawino la isaga siiyo waxyeellada indhaha soo gaartay. Tani ma ahan mid ku guuleysata dhammaan noocyada waxyeellada indha. Waa muhiim in aad indhaha si joogto ah isaga baarto si markaas wixii waxyeello ah sida ugu dhakhsaha badan ee suuragalka ah loo daaweeyo.

Kelyaha
Kuwaani waxay u shaqeeyaan sidii kala miire oo kale si ay gacan uga geystaan wasaq ka saaridda (qashinka) jirka. Sonkorowga habka kala miiristu wuu waxyeelloobi karaa heerarka gulukoosta dhiigga iyo cadaadiska dhiigga (nephropathy) ee sarreeya awgood. Waxyeelladaan macnaheedu wuxuu yahay borotiin faaiido leh inuu ka baxsanayo jirka iyo sidoo kalena uu raacayo wasaqda. Baaridda kaadidaada (biyaha) ayaa tan hubin karta, sidaas awgeedna sambal ayaa lagaa codsan doonaa marka aad tagto rugta caafimaadka. Mararka qaarkood borotiinku wuxuu noqon karaa tilmaame jeermis kaadida ku jira sidaas awgeedna takhtarku wuu hubinayaa.
Haddii borotiinku uu yahay waxyeello kelyaha soo gaartay awgeed markaas waxaad u baahan doontaa inaad rugta caafimaadka u aaddo si joogto ah si loola socdo wixii isbeddelo ah ee kale.
Tani aad ayey muhiim u tahay, maadaama uu cadaadiska dhiiggaagu kor u kici karo, taasoo u baahan in la daaweeyo iyo sidoo kalena wixii waxyeello ah ee kelyaha soo gaaray. Waa suuragal in waxyeellada kelyaha soo gaartay ay mid daran noqoto oo ayba shaqada joojiyaan markaasna waa in kelyo nadiifiye lagugu daaweeyo (makiinadda kelyaha) ama kelyo dad kale lagugu tallaalo.

Xididdada
Waxyeellada xididdada (neuropathy) waxay saameyn kartaa xididdo badan oo jirka ku jira.
Waxaa jira saddex kooxood oo xididdo ah, oo ka mid noqon kara:
• Waxyeellada xididdada dareenku waa nooca ugu badan waxayna inta badan saameysaa xididdada ku jira cagaha iyo lugaha iyo mararka qaarkoodna gacmaha.
• Waxyeellada xididdada halbowleyaashu (Autonomic) sidaas uma badna. Waxay saameysaa xubnaha shaqeeya annagoon ogeyn — caloosha, wadnaha, kaadi haysta, qanjirrada dhididka iyo xubnaha galmada.
• Waxyeellada xididdada dhaq-dhaqaaqu waa dhif. Waxay keentaa daciiftinnimo iyo suulinta murqaha fartiimaha ka hela xididka wax gaareen. Tan waxaa laga yaabaa iney ka mid noqdaan indhuhu ama murqaha bowdada.

Habka wadnaha iyo halbowleyaasha
Waxaa sidoo kale laga yaabaa inaad isku aragto adkaanshada qaar ka mid ah marinnada dhiigga (hawlbowleyaasha) kuwaasoo halis kuu gelin kara wadne qabad ama wadne ku soo bood, ama cudurka marinnada dhiigga (dhibaatooyinka ku yimaada wareegga dhiiggu ku marayo lugaha iyo mararka qaarkood gacmaha).

Si wanaagsan u xakamaynta heerarka gulukoostaada, cadaadiska dhiigga iyo dufanka dhiiggu, waxay si weyn hoos ugu dhigi kartaa halista jahawareerka la xiriira sonkorowga. Waa muhiim inaad si joogto ah u tagto rugta caafimaadka sonkorowga si laguula socdo isla markaana wixii calaamado jahawareer ah wax looga qabto sida ugu dhakhsaha badan ee suuragalka ah.

Waxbaro!


Your posts reflects your personality, so be Wise and Polite!


 

Daawooyinka afka ee Sonkorowga (Oral Diabetes Medicines)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 2
Views: 28343
Last post December 05, 2011, 05:55:24 PM
by SomaliDoc
Kaadi Sonkorowga Waqtiga Uurka

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 0
Views: 14587
Last post January 07, 2008, 09:30:11 PM
by SomaliDoc
Sonkorowga Uurka (Gestational Diabetes)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 0
Views: 36177
Last post February 25, 2009, 10:06:56 PM
by SomaliDoc
Indho-beelka sonkorowga keeno

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Indhaha

Replies: 0
Views: 23104
Last post November 10, 2010, 08:09:17 PM
by SomaliDoc
Garashada Sonkorowga (Diabetes)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 9
Views: 71644
Last post June 04, 2008, 10:45:32 AM
by SomaliDoc