Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Naaska haduu caano leeyahay uur ma la qaadi karaa?

(1/1)

Umu Mohamed:
Asc doctors
waxan qabaa su aal taas oo ah ::waxaa iga noqday ilmo markaan dhalay  , hadana afar bilood kadib uur ayaan qaaday caano ayaan lahaa markaan uurka qaaday,
 laba bilood markaan lahaa uurkii ayuu soo dhacay kadib caano badan ayaan yeeshay  labadbilood een uurka lahaa  caano malahayn 
hadaba su aashaydu waxaweeyaan
 1.(Naasku haduu caano leeyahay uur malaqaadikaraa)
2.(Marka uu naasku caanaha leeyahay ma soo tuuraa uurka)

Waad ku mahad santihiin wakhtigiina
waxaan rajaynayaa inad iga jaahil saartaan idinkoon madsan fadlan!!! :)

SomaliDoc:
Su'aalahaaga horay ayaan uga jawaabnay ee halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2529.0.html
Haddii aad faahfaahin dheer u baahan tahay waad na soo waydiin kartaa.

Umu Mohamed:
Thanks

Lkn anuu waxaan ka walwal qabaa
Naaska oo caanuhu ka gudhi waayaan
Waayo waxaan maqlay inuujiro xanuun caanaha oo joogsanwaaya kadibna aan uurla qaadi karayn
Fadlan iga jaahil saar haduu jiro ?

SomaliDoc:
Caanaha oo joogsado ama in aad uur yeelan waydo markaa nuujinaysid waxay ku xiran tahay heerarka hormoonada, dadkane way ku kala duwanaan karaan, waxaa jiro haween aanan uur qaadaynin inta ay naas nuujinayaan iyo kuwa uur qaadi karo iyagoo naas nuujinayo, markuu uurka yimaadane si aayar ah ayay caanaha u guraan oo u sii yaraadaan, ma dhacdo in hooyada oo uur leh in caanaha ay sii joogaan oo sidoodii sii ahaadaan.
Waana qaabka ay hormoonada u shaqeeyaan ilaahay ayaana sidaa ugu talagalay ee ma ahan cudur.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version