Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Xaniinta midig ayaa isii yaraaneysa?

(1/1)

Abuukar Xussen Ali:
asc waan adin salamay salaan kabacdi waxaaan rabaa inaan idin weydiiyo su aal ku saab san dhaqatar ayaan u tegey wuxuuna ii soo qoray dawadaan aad magacay yadooda arki dontaan TAMSOLIN0.4MG   IYO MIDDAAN KAALE OO AH OJEN-400  IYO MIDDAN KALE AMITRIPTYLINE  TEPLETESBP25MG aniga waxaan kacabanayaa xaniinta midig ayaa isii yaraaneysa marka marka kadanbeysa marka dhamaan sha haas xaniinta ameey wax dhib  ah kenee mexeysa dawadaan u terikartaa waad mahad san tihiin

SomaliDoc:
Horay ayaa lagaaga jawaabay su'aashaan, jawaabtuna waa tan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5880.0.html
Fadlan haddii aad faahfaahin uga baahan tahay jawaabta ama su'aalo kale u baahan tahay ku soo gudbi bogga isla su'aashii hore ee su'aal cusub ahaan ha u soo gudbin.
Midda ku saabsan daawooyinka:
Tamsolin waa daawo loogu talagalay bararka qanjirka ragga ee prostate-ka inay yarayso, halkaan ka akhriso qoraallo kusaabsan waxa uu yahay qanjirka borostaatada iyo cilladaha ku dhaco.
1- Bararka Qanjirka Borostaatada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1105.0.html
2- Dhibaatooyinka ku dhaca qanjirka prostate-ka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2119.0.html
3- Sidee lagu ogaan karaa in aan qabo cillad prostate-ka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3162.0.html
OJen 400, waa daawo antibiotic oo loo qaato caabuqa ama infekshanka ku dhaco jirka.
Amitryptyline waa daawo qofka dajisa oo hurda siiso waxaa kaloo lagu daaweeyaa daalka iyo murqo xanuunka.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version