Author Topic: Su'aal: Waa maxay cudurka Celiac Disease?  (Read 7041 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Baar

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waa maxay cudurka Celiac Disease?
« on: July 30, 2015, 09:31:10 PM »
Asalamu Calaykum, Walaal waxaan idin weydiinayaa cudurka celiac disease, waxa ay tahay iyo daaweynteeda?




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa maxay cudurka Celiac Disease?
« Reply #1 on: August 01, 2015, 01:35:22 PM »
Si aad u fahanto waxa uu yahay xanuunkaan waa in aan fikrad ka siiyo qaabka difaaca jirka u shaqeeyo maadaama cilladaan ay ka timaado difaaca jirka.

Jirka wuxuu eebe ugu talagalay inuu iska difaaco wixii jirka soo galo oo caafimaadka u daran, waxaas waxay noqon karaan wax qofka cuno, cabo, neersado ama lagu duro ama dhaawac furan ay ka soo gudbaan.
Jirka wuxuu sameeyaa waxyaabo aad u yar yar oo weerara waxaas jirka ku cusub si looga takhalluso.
Marmarka qaar waxaa dhacda in jirka uu weeraro waxyaabo dabiici ah oo aan dhib keenin sida cunnada waxyaabo ka mid ah oo dadka kale aanay dhibaato ku qabin.

Waa maxay Celiac Disease?

Xanuunka celiac waa cillad difaaca jirka ah oo lid ku ah maado la yiraahdo gluten oo cunnada qaar ku jirto, sidaas awgeed wixii cunno ah oo maadada gluten jirku ku arko wuu weeraraa, weerarkaas ayaa waxaa ku dhaawacma unugyada mindhicirrada khaas ahaan meelaha cunnada laga dhuugo maadaama jirka uu diidan yahay in cunnadaas jirka uu nuugo.
Markii jirka uu weeraro cunnadaas, weerarkaas waxaa ku waxyeellooba meelihii jirka wax laga dhuugi jiray, sidaas awgeed qofka safiican jirkiisa wax uma dhuugi karo oo kama faa'idaysan karo waxay rabto ha ahaanto oo cunto ah, taasina waxay keentaa nafaqo-darri.

Maxaa lagu gartaa xanuunka Celiac Disease?
1- Dibbiro, calool xanuun, shuban, saxaro aan midab lahayn iyo miisaanka oo luma.
2- Maqaarka jirka oo is badal ama faruurac yeesho.
3- Dhiig-yari (birta oo qofka ku yaraato maadaama aan waxba la dhuugaynin)
4- Caruurta waxaa lagu arkaa cillad korriinka ah.
5- Qalal marmarka qaar.
7- Kabuubyo lugaha ah taasoo ka dhalato kaalsiyamka oo qofka ku yaraado maadaama nafaqo darri ay dhici karto.
8- Biijo iyo afka oo nabro yeesho taasoo ka timaado nafaqo darri.
9- Haddii gabar tahay caadada oo ak soo daahdo ama khalal uga dhaco ama weydaba.

Xanuuno kale ma keeni karaa cudurkaan?
Waxa jiro xanuuno kale oo difaaca jirka cilladi ku dhacdo oo la socon karo celiac disease waxaana ka mid ah:
1- Sonkorowga nooca 1-aad
2- Cilald qanjirka thyroid-ka
3- Xanuunka Lupus
4- Roomaatiisamka

Waxaa kaloo la socon karo xanuunada ka dhasho nafaqo darrida iyo macdanta oo jirak ku yaraato sida:
1- Lafo-beelka ama lafo-burburka
2- Dilan ama ma dhalaysnimo
3- Korriimo darri iyo lafo qallooc.

Siduu takhtarka ku ogaan karaa in aan xanuunkaan qabo?
Xanuunkaan wareysi ayaa ugu muhiimsan, maadaama uu yahay cillad qofka ku dhasho, hadduu cunugga yaryahay waa in hooayda la wareesto khaas ahaan warbixinta la xiriiro dheefshiidka, korriinka cunugga iyo cilladaha kale ay ku aragtay, qofka hadduu iska warbixin karo isagaa la wareestaa, kadib takhtarka wuu wiisiteyn doonaa qofka xanuunsan isagoo raadinayo haddii ay jiraan astaamo la xiriiri karo cilladaan iyo haddii wax kale oo u eg ay yihiin, kadib baaritaanno ayaa la idiin diri doonaa, waa dhici kartaa in takhtarka inuu dalbado in cad laga qaado unugyada mindhicirka ee dhaawac gaaro si loo baaro, waana midda lagu hubin karo in xanuunkaan uu jiro.

Sidee loo daaweeyaa Celiac Disease?
Waa in qofka uu ka fogaado cunno kasto oo ay ku jirto maadada gluten, waana in qofka is kontaroolo oo uu ogyahay wixii loo ogolyahay iyo wixii inuu ka fogaado ay tahay, hadduu ilmo yar ay yihin waa in waalidku uu ka mas'uul noqdo wuxuu cunugga ku cuno guriga iyo banaanka intaba.

Xanuunkaan ma ahan mid bulshada ku badan, in la fahmo markiisa horane dhib ayaa lagala kulmaa maadaama siyaabo kala duwan qofka u sheegan karo, laakiin markii la ogaado la tacaaliddiisa way sahlan tahay, waana muhiim in la ogaado intuu qofka yar yahay.

Daawaynta waxaa ugu muhiimsan in laga hortago wixii ay gluten ku jirto iyo in la saxo macdanta iyo nafaqada jirka iyo in daawo loo qaato hadduu jiro xanuun kale oo la socdo.

Haddii aad su'aalo dheeraad ah qabtid ama faahfaahin aad u baahan tahay na soo waydii.

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66582
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69591
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62525
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46776
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 45019
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc