Author Topic: SOMAALIYA: baahsanaanta tallaalka iyo tilmaamta tayadiisa  (Read 16330 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Drkheyre

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 126
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
SOMAALIYA: baahsanaanta tallaalka iyo tilmaamta tayadiisa
« on: August 01, 2015, 03:47:36 AM »
SOMAALIYA: baahsanaanta tallaalka iyo tilmaamta tayadiisa

W/Q:- Hassan Kheyre.
Email:- hasanbiday@hotmail.com.

Bishan Luuliyo, ayaa hey'adda caafimaadka adduunka iyo sanduuqa carruurta, ee QM, waxay daabaceen baahsanaanta tallaalka waddammada caalamka. Warbixnta ayaa lagu xusay in ay laba-laabmatay tan iyo sanadkii 2000dii tirada dalalka gaaray oo joogteeyay 90% baahsanaanta tallaalka.

Sanadka 2014, xaaladda tallaalka ee dunida, oo dhan, ayaa muujinaya in 129 dal ee tallaali karaan ugu yaraan 90% carruurtooda, gaar ahaan tallaalka 3aad ee cudurrada Gowracatada, Xiiqdheerta iyo Teetanada.

Haddaba, sanadkii 2012dii ayaa 194 dal oo ka mid ah hey'adda caafimaadka adduunka ayaa ansixiyay qorshaha waxqabad ee tallaalka caalamka "Global Vaccine Action plan". Ujeeddada qorshahan ayaa ah, in la hubiyo, qofna uusan weynin tallaallada muhiimka ah, oo himiladuna tahay, in baahsanaanta tallaalka cudurrada Gowracattada, Xiiqdheerta iyo Teetanada uu noqdo 90% dalalka oo dhan sanadka 2015.
Si kastaba ha ahaato, warbixintan ayaa xustay 6 dal u baahnaan doona, in wax laga badalo qorshaha waxqabad, ee tallaalka caalamka, si loo gaaro hadafka qorshahaas.

Somaaliya ayaa ka mid waddammada u baahan isbadalka, iyadoo ay taasi jirto, ayaa 30% ilaa 40% carruurta somaaliyeed, laga tallaalay lixda cudurrada dilaaga ah, waxayne aad uga yar yihiin marka loo eego baahsanaanta tallaalka caalamiga ah, oo kudhow 80%.

Talaalku waa aaladda ugu muhiimsan, uguna wax tarka badan, ee loo adeegsado ka hortagga iyo xakameynta cudurrada faafa, ee dilaaga ah qaarkood, cudurradaasi waxay qarniyadii hore ka mas'uul ahaayeen naafeynta iyo dhimashada malyuumaad caruur ah. Talaalka waxa laga sameeyaa isla geermiska cudurka keena, oo laga qaaday awooddii ay ku samayn lahayd waxyaabihii qofka dhaawaca u keeni lahaa, taasi waxay u suurogalinaysaa in qofku samaysto difaac dabiici ah, uuna iska caabbiyo jeermiska cudurka keena.

Caqabadaha hortaagan in lagu baahiyo tallaalka soomaaliya ayaa ah:-
-Yaraanshaha xarumaha tallaalka. -Dadwaynaha soomaaliyeed oo aan wacyigalin fiican ka haysan faa'iidooyinka talaalku u yeelan karo ilmahooda, -dadka qaar oo aan iyagu ogaynba in cudurro badan oo dhallaanka ku dhaca loo hayo talaal iyo ugu dambeyn, -dadka soomaaliyeed oo iyagu ka aamin baxsan talaalka, waayo, waqtigan tallaalka waxaa maalgaliya misana fuliya hay’adaha reer galbeedka.

Haddaba, arrimahan oo dhan, waxa lagaga hortagi karaa, in la kobciyo helitaanka adeegyada talaalka iyo in la wacyigaliyo bulshada, loona sheego faa'iadada aan la koobi Karin, ee uu leeyahay talaalku.




 

JADEECADA, QAAMOW-QANSHIIRKA, JADEECADA JARMALKA (RUBELLA) IYO TALLAALKA MMR

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Caruurta

Replies: 0
Views: 26563
Last post March 25, 2011, 09:18:39 PM
by SomaliDoc
Dood Wanaag: Maxaa Kala Haysta Soomaalida Minnesota iyo Tallaalka MMR?

Started by Waxbaro!Board Feel Free Here

Replies: 2
Views: 18452
Last post April 25, 2011, 05:41:18 PM
by MuslimDoc
Waa maxay tallaalka MMR? Muxuu dhib leeyahay?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Caruurta

Replies: 0
Views: 28054
Last post March 25, 2011, 09:27:19 PM
by SomaliDoc
Tallaalka Koroona (Su'aalo iyo Jawaabo Muhiim ah).

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 12691
Last post April 10, 2021, 02:41:22 PM
by Milica_soomali
Tallaalka Qaaxada (BCG)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Caruurta

Replies: 0
Views: 23329
Last post November 10, 2010, 08:43:31 PM
by SomaliDoc