Diseases and Conditions > Qaybta Wacyi Galinta
Caado Dhaqameed Caafimaadka U Daran!
Waxbaro!:
Waxaa igu dhaliyay in aan mawduucaan ka hadlo, mar uu su'aal i waydiiyay nin ajnabi oo dhakhtar ah oo aan isla shaqeyn jirnay, fikrada ka dambaysa in qof jiran, koob biyo lagu shubay qof walba candhuuf ku tufo, kadibne la cabsiiyo.
Waxaan ugu jawaabay, anigoo markaas la yaaban su'aashiisa: Taasi "Tahliil" ayaa lagu magacaabaa, waana la isku daaweeyaa oo quraan ayaa lagu akhriyaa, in cudurrada la iskaga daaweeyane diinteenna ayaa noo sheegtay, candhuufne laguma tufee, duco ayaa lagu tufaa???
Isagoo jawabteyda ka yaabay ayuu iigu jawaabay: ditoore, waxaa iiga jawaabtaa, markii gabar yar oo malariyo qabto la cabsiiyo biyo ay 50 qof ka badan candhuuf ku soo tufeen, ixtimaalka gabadhaas inay tiibisho qaado meeqo ayey la egtahay? hadii aysan qaadine kuwa kale ayaa ka qaadayo, anigoo ixtiraamayo dhaqankiina lakin caafimaad ahaan uma roona "Tahliisha" khaas ahaan wadan aad ugu badan yihiin dadka qaba tiibishada!!!.
Waxaan idinka doonayaa marka inaad ra'yigina ka dhiibataan arintaan, maxaa ka dhihi laheed arintaan? sidee looga hortagi karaa in tiibisho laga qaado "Tahliisha"?!
Hadii ay jiraane caadooyin kale ee dadkeena somalida isticmaalaan, caafimaad ahaane qatar keeni kara bal noo sheeg?!
Waxbaro!
Dr.Noora:
Salaam
Tahliisha maaha dhaqan ee soo alifeen bulashada ama wax lakala dhaxlay laakiin tahliisha waa qaab isku daaween quraan oo ka imaaday sunada Nabigeenana laga soo wariyay , laakiin su'aasha muhiimka ah aa waxeey tahay , Dadka ma u akhriyaan Tahliisha sida laga soo wariyay Rasuulka ama ku imaaday Sunada..
mabanaana in tahliisha lagu candhuufo , laakiin tahliisha waa in lagu afuufaa quraanka uu akhriyay qaabkaas hadii loo akhriyana jiro ma u keeno qofka jiran , mana saacideeso inee intiqaaliso amraada mucdiga ah..
ولأهمية موضوع النفث والكيفية المتعلقة به ، فسوف أنقل كلاما مختصرا لبعض أهل العلم ومن هؤلاء النووي والزمخشري نقلا عن المناوي أورداه في كتابي صحيح مسلم بشرح النووي وفيض القدير بشرح الجامع الصغير ، مع الإشارة إلى ذلك في موضع آخر من الكتاب في هذا الفصل ، المبحث الثالث ( موقف الاسلام من الرقى ) تحت عنوان ( الرقية بالمعوذتين ) مفاده الآتي :
قال النووي : ( قولها كان رسول الله صلى الله عليه وسلم إذا مرض أحد من أهله نفث عليه بالمعوذات هي بكسر الواو والنفث نفخ لطيف بلا ريق 0 فيه استحباب النفث في الرقية ، وقد أجمعوا على جوازه ، واستحبه الجمهـور من الصحابة والتابعين ومن بعدهم 0 قال القاضي : وأنكر جماعة النفث والتفل في الرقى ، وأجازوا فيها النفخ بلا ريق ، وهذا المذهب والفرق إنما يجيء على قول ضعيف 0 قيل : إن النفث معه ريق 0 قال : وقد اختلف العلماء في النفث والتفل ، فقيل : هما بمعنى ، ولا يكونان إلا بريق 0 قال أبو عبيد : يشترط في التفل ريق يسير ، ولا يكون في النفث ، وقيل عكسه 0 قال : وسئلت عائشة عن نفث النبي صلى الله عليه وسلم في الرقيـة ، فقالت : كما ينفث آكل الزبيب لا ريق معه 0 قال : ولا اعتبار بما يخرج عليه من بلة ، ولا يقصد ذلك ، وقد جاء في حديث الذي رقى بفاتحة الكتاب : فجعل يجمع بزاقه ويتفل 0 والله أعلم 0
قال القاضي : وفائدة التفل التبرك بتلك الرطوبة ( يقول الدكتور ابراهيم البريكان حفظه الله - : هذا بالنسبـة له صلى الله عليه وسلم دون غيره ، إذ التبرك بآثار غيره أمر محرم بل هو من الشرك الأصغر أو الأكبر بحسب اعتقاد المتبرك ) 0 والهواء والنفس المباشرة للرقية ، والذكر الحسن 0
لكن قال : كما يتبرك بغسالة ما يكتب من الذكر والأسماء الحسنى 0 وكان مالك ينفث إذا رقى نفسه ) ( صحيح مسلم بشرح النووي 13،14،15 351 352 ) 0
د.نـــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــوره
Waxbaro!:
Dr.noora kuguma raacsani in tiibishada aysan ku gudbin tahlisha, maxaayeelay sida aad ogtahay waxa ay ku gudubtaa neefsashada!!
Lakin mushkilada aan ka hadlayo waxa weeye in inta galaas biyo lagu qaado kadib wixii dad masaajidka ku dukanayay tahliil ku soo tufaan caafimaadka qofkii caba wax ma u dhimaysaa mise maya?
Quraanka waa daawada ugu fiican ee la isku daaweeyo hadii qof caafimaad qabo tahliil u tufo qof jiran wax dhib ah ma lahan, haduu qofka jiran isagaba tufto yaa diiday?!
Midda kale, haddii aad dugsi soo martay waad xasuusan kartaa tahliisha dugsiga laga tufo iyo caruurta qaabka ay wax ugu tufaan.
Mahadsanid
Waxbaro!
Diagnostic:
Waxaa kaloo qatar ah cudurada laga qaado biraha lagu gubo dadka jiran, waxaa dhici karta dhawr qofood oo kala cudur ah in lagu gubo hal bir tasoo keeni karta dheecaanada dadka jiran inay isku gudbaan.????
Munim:
Thanks Waxbaro! mowduucan
runtii wa sax sida loo sheegay tahliisha in ay tahay cilaaj qur'ani ah lakin waxa muhiim ah in aan oganaa sida loo tufo tahliisha.
dabcan aniga waa arakay qaabka ay u tufaan dugsiyada quranka somaliya waxa ayna ledahay qataro farabadan oo waxad arkeesa in ciyalka dugsilayda mararka qaar ay ugu talagalan in ay candhuufta ku tufan iyadoo ay ka tahay ilmanimo mararka qaarna macalinka dugsiga ayaba ka dalbanayo in candhufta lagaarsiiyo tahlisha iyado loo arko in ay tahay BARAKAH iyo DAAWO.
sida aan ka warqabnana T.Bda wa ay ku gudubta candhuuta iyo neefsashada.
marka si la isku wafijiyo isku dawaynta tahliisha iyo ka foganshaha dhibatada caafimad ay keenikarto in aytahay arinta NIYADA yacni in weelka tahliisha loo niyeesto qura'anka la aqriyay iyadoo dadka aan la hordhigin sidaasna u ku nabad galo qofka bukanka maxajira diinteena suban waxa ay na dhaysa انما الأعمال بالنيات
Navigation
[0] Message Index
[#] Next page
Go to full version