Author Topic: Caado Dhaqameed Caafimaadka U Daran!  (Read 22628 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Waxbaro!

  • Global Moderator
  • *****
  • Posts: 242
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Aqoontu Waa Iftiin
Caado Dhaqameed Caafimaadka U Daran!
« on: January 07, 2008, 06:16:10 PM »

Waxaa igu dhaliyay in aan mawduucaan ka hadlo, mar uu su'aal i waydiiyay nin ajnabi oo dhakhtar ah oo aan isla shaqeyn jirnay, fikrada ka dambaysa in qof jiran, koob biyo lagu shubay qof walba candhuuf ku tufo, kadibne la cabsiiyo.

Waxaan ugu jawaabay, anigoo markaas la yaaban su'aashiisa: Taasi "Tahliil" ayaa lagu magacaabaa, waana la isku daaweeyaa oo quraan ayaa lagu akhriyaa, in cudurrada la iskaga daaweeyane diinteenna ayaa noo sheegtay, candhuufne laguma tufee, duco ayaa lagu tufaa???

Isagoo jawabteyda ka yaabay ayuu iigu jawaabay: ditoore, waxaa iiga jawaabtaa, markii gabar yar oo malariyo qabto la cabsiiyo biyo ay 50 qof ka badan candhuuf ku soo tufeen, ixtimaalka gabadhaas inay tiibisho qaado meeqo ayey la egtahay? hadii aysan qaadine kuwa kale ayaa ka qaadayo, anigoo ixtiraamayo dhaqankiina lakin caafimaad ahaan uma roona "Tahliisha" khaas ahaan wadan aad ugu badan yihiin dadka qaba tiibishada!!!.

Waxaan idinka doonayaa marka inaad ra'yigina ka dhiibataan arintaan, maxaa ka dhihi laheed arintaan? sidee looga hortagi karaa in tiibisho laga qaado "Tahliisha"?!

Hadii ay jiraane caadooyin kale ee dadkeena somalida isticmaalaan, caafimaad ahaane qatar keeni kara bal noo sheeg?!

Waxbaro!


Your posts reflects your personality, so be Wise and Polite!


Offline Dr.Noora

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 236
  • Points: +15/-0
Re: Caado Dhaqameed Caafimaadka U Daran!
« Reply #1 on: January 08, 2008, 01:46:35 AM »
Salaam

Tahliisha maaha dhaqan ee soo alifeen bulashada ama wax lakala dhaxlay laakiin tahliisha waa qaab isku daaween quraan oo ka imaaday sunada Nabigeenana laga soo wariyay , laakiin su'aasha muhiimka ah aa waxeey tahay , Dadka ma u akhriyaan Tahliisha sida laga soo wariyay Rasuulka ama ku imaaday Sunada..

mabanaana in tahliisha lagu candhuufo , laakiin tahliisha waa in lagu afuufaa quraanka uu akhriyay qaabkaas hadii loo akhriyana jiro ma u keeno qofka jiran , mana saacideeso inee intiqaaliso amraada mucdiga ah..


ولأهمية موضوع النفث والكيفية المتعلقة به ، فسوف أنقل كلاما مختصرا لبعض أهل العلم ومن هؤلاء النووي والزمخشري نقلا عن المناوي أورداه في كتابي صحيح مسلم بشرح النووي وفيض القدير بشرح الجامع الصغير ، مع الإشارة إلى ذلك في موضع آخر من الكتاب في هذا الفصل ، المبحث الثالث ( موقف الاسلام من الرقى ) تحت عنوان ( الرقية بالمعوذتين ) مفاده الآتي :

قال النووي : ( قولها كان رسول الله صلى الله عليه وسلم إذا مرض أحد من أهله نفث عليه بالمعوذات هي بكسر الواو والنفث نفخ لطيف بلا ريق 0 فيه استحباب النفث في الرقية ، وقد أجمعوا على جوازه ، واستحبه الجمهـور من الصحابة والتابعين ومن بعدهم 0 قال القاضي : وأنكر جماعة النفث والتفل في الرقى ، وأجازوا فيها النفخ بلا ريق ، وهذا المذهب والفرق إنما يجيء على قول ضعيف 0 قيل : إن النفث معه ريق 0 قال : وقد اختلف العلماء في النفث والتفل ، فقيل : هما بمعنى ، ولا يكونان إلا بريق 0 قال أبو عبيد : يشترط في التفل ريق يسير ، ولا يكون في النفث ، وقيل عكسه 0 قال : وسئلت عائشة عن نفث النبي صلى الله عليه وسلم في الرقيـة ، فقالت : كما ينفث آكل الزبيب لا ريق معه 0 قال : ولا اعتبار بما يخرج عليه من بلة ، ولا يقصد ذلك ، وقد جاء في حديث الذي رقى بفاتحة الكتاب : فجعل يجمع بزاقه ويتفل 0 والله أعلم 0

قال القاضي : وفائدة التفل التبرك بتلك الرطوبة ( يقول الدكتور ابراهيم البريكان – حفظه الله - : هذا بالنسبـة له صلى الله عليه وسلم دون غيره ، إذ التبرك بآثار غيره أمر محرم بل هو من الشرك الأصغر أو الأكبر بحسب اعتقاد المتبرك ) 0 والهواء والنفس المباشرة للرقية ، والذكر الحسن 0
لكن قال : كما يتبرك بغسالة ما يكتب من الذكر والأسماء الحسنى 0 وكان مالك ينفث إذا رقى نفسه ) ( صحيح مسلم بشرح النووي – 13،14،15 – 351 – 352 ) 0

د.نـــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــوره



you're the peace in my soul
that's why I will never really be alone

Dalxiis kaagamaan tagin Dalkeegoow
Dr.Noora

Offline Waxbaro!

  • Global Moderator
  • *****
  • Posts: 242
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Aqoontu Waa Iftiin
Re: Caado Dhaqameed Caafimaadka U Daran!
« Reply #2 on: January 10, 2008, 01:05:52 AM »
Dr.noora kuguma raacsani in tiibishada aysan ku gudbin tahlisha, maxaayeelay sida aad ogtahay waxa ay ku gudubtaa neefsashada!!
Lakin mushkilada aan ka hadlayo waxa weeye in inta galaas biyo lagu qaado kadib wixii dad masaajidka ku dukanayay tahliil ku soo tufaan caafimaadka qofkii caba wax ma u dhimaysaa mise maya?

Quraanka waa daawada ugu fiican ee la isku daaweeyo hadii qof caafimaad qabo tahliil u tufo qof jiran wax dhib ah ma lahan, haduu qofka jiran isagaba tufto yaa diiday?!

Midda kale, haddii aad dugsi soo martay waad xasuusan kartaa tahliisha dugsiga laga tufo iyo caruurta qaabka ay wax ugu tufaan.

Mahadsanid

Waxbaro!
Your posts reflects your personality, so be Wise and Polite!

Offline Diagnostic

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 281
  • Points: +112/-0
  • Gender: Male
  • Professional Diagnosis
Re: Caado Dhaqameed Caafimaadka U Daran!
« Reply #3 on: January 10, 2008, 11:54:55 AM »
Waxaa kaloo qatar ah cudurada laga qaado biraha lagu gubo dadka jiran, waxaa dhici karta dhawr qofood oo kala cudur ah in lagu gubo hal bir tasoo keeni karta dheecaanada dadka jiran inay isku gudbaan.????
In diagnosis think of the easy first.
Martin H. Fischer

Offline Munim

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 607
  • Points: +15/-0
  • Gender: Male
  • رضا ك يا امي
Re: Caado Dhaqameed Caafimaadka U Daran!
« Reply #4 on: January 10, 2008, 03:23:29 PM »
Thanks Waxbaro! mowduucan
runtii wa sax sida loo sheegay tahliisha in ay tahay cilaaj qur'ani ah lakin waxa muhiim ah in aan oganaa sida loo tufo tahliisha.
dabcan aniga waa arakay qaabka ay u tufaan dugsiyada quranka somaliya waxa ayna ledahay qataro farabadan oo waxad arkeesa in ciyalka dugsilayda mararka qaar ay ugu talagalan in ay candhuufta ku tufan iyadoo ay ka tahay ilmanimo mararka qaarna macalinka dugsiga ayaba ka dalbanayo in candhufta lagaarsiiyo tahlisha iyado loo arko in ay tahay BARAKAH iyo DAAWO.
sida aan ka warqabnana T.Bda wa ay ku gudubta candhuuta iyo neefsashada.
marka si la isku wafijiyo isku dawaynta tahliisha iyo ka foganshaha dhibatada caafimad ay keenikarto in aytahay arinta NIYADA yacni in weelka tahliisha loo niyeesto qura'anka la aqriyay iyadoo dadka aan la hordhigin sidaasna u ku nabad galo qofka bukanka maxajira diinteena suban waxa ay na dhaysa                انما الأعمال بالنيات 
Education Opens the Doors

Offline Pharmacist

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 231
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Real Pharmacist
Re: Caado Dhaqameed Caafimaadka U Daran!
« Reply #5 on: January 11, 2008, 06:00:26 PM »
Waa mawduuc aad muhiim u ah, una baahan in wacyi galin lagu sameeyo dadka ku dhaqaaqaya waxyaabo aan waafaqsaneen diinteena suuban caafimaadkane u daran.

Su'aasha ku aadan biraha la isku gubo waxay la xukun noqonayaan, biraha ilkaha la isaga siibo, kuwaas oo laga qaado cuduro badan uguna horeeya cudurka AIDS-ka.
Sida saxda ahne waa in la dhaqaa oo biyo kulul lagu karkariyaa meel nadiif ahne lagu xifdiyo, mida gubida ahne shakhsi ahaan waan ka soo horjeedaa, idinkane ra'yigiina waa ka dhiiban kartaa.

Thanks Waxbaro!, Dr.Noora, Diagnostic & Munim
Real Pharmacist
Pharmacist is highly-trained and skilled healthcare professional who perform various roles to ensure optimal health outcomes for his patients.

Offline Waxbaro!

  • Global Moderator
  • *****
  • Posts: 242
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Aqoontu Waa Iftiin
Re: Caado Dhaqameed Caafimaadka U Daran!
« Reply #6 on: January 13, 2008, 07:16:31 PM »
Sida qaladka ah ee somalida u isticmaasho gubida khaas ahaan ilmaha yaryar waa in la joojiyaa lagana wacyi galiyaa waalidiinta, inta aan dhihi lahayn biraha biyo kulul halugu kululeeyo si loo isticmaalo!!!

Inkastoo sida aan u fahmay walaalkey uu ka wado hadiiba ay tahay in la isticmaalo, jeermiska halaga dilo si aysan cuduro kale oo qatar ah aysan ugu gudbin.

Waxbaro!
Your posts reflects your personality, so be Wise and Polite!

Offline Doctoor

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 56
  • Points: +90/-0
  • Gender: Male
Re: Caado Dhaqameed Caafimaadka U Daran!
« Reply #7 on: January 19, 2008, 05:00:00 PM »
Horta waa ku mahadsantihiin mawduuca sida aad uga qeyb qaadateen,
Somalidu waxa ay leeyihiin caadooyin badan oo ay ugu talagaleen in ay isku daaweeyaan, kuwaasoo qaarkood caafimadka wax u dhima, qaarkoodne aad la yaabaysid waxa loola jeedo.

Waxaa ka mid ah kuwa horay aad ugu soo sheegteen, tahliisha oo si khalad ah loo isticmaalo, biraha la isku gubo, ilkaha oo laga siibo si shubanka loo istaajiyo iyo kuwa kale oo badan.

Laakiin caadooyiinka iigu yaabka badnaa oo qaar kamid ah aan arkay qaarka kalane aan maqlay waxaa ka mid ah:
In ilmaha loogu qubeeyo subaxdii hore dhiig dheef la gawracay (ari) oo la leeyahay caafimaad buu ka helayaa.
taasi waxaa iiga yaabka badneed markii aan maqlay in ilmaha xanuunsan somalida qaar ay u daaweeyaan sidatan:
waxaa la soo raadinayaa nin xoogan oo shaqo culus soo qabtay (sida xamaali, dhagax jiabin iyo guri dhisow) ayaa isagoo dhididkiisa leh loo keenayaa cunugii jiranaa, markaasoo galinayaa kilkisha (shiirka) si uu u huuriyo iyagoo aaminsan in huurkaasi uu caafimaad ka helayo.

Marka waxaan idin waydiinayaa hadii ay jiraan caadooyin la yaab leh oo noocaan oo kale ah inaad noo sheegtaan iyo fikrada ka dambeysa cadadaan aan kor kusoo xusay oo in cudur laga qaado maahanee aan caafimaad laga helayn!!!!!!!!!!

Doctoor

Offline Diagnostic

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 281
  • Points: +112/-0
  • Gender: Male
  • Professional Diagnosis
Re: Caado Dhaqameed Caafimaadka U Daran!
« Reply #8 on: January 22, 2008, 01:59:40 AM »
 :o ??? :o ??? :D
Very funny!!!!!!!!!!!!
what a treatment??
Stop suffocating children.

Waligay ma maqlin tanoo kale, cudurka uu qabo cunugaan la huurinayo mxuu yahay?!

Diagnostic
In diagnosis think of the easy first.
Martin H. Fischer

Offline Lovely_Huda

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 51
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Caado Dhaqameed Caafimaadka U Daran!
« Reply #9 on: February 01, 2008, 07:21:37 AM »
hiiii nice topic
i think tahliisha inay qofka caafimaad siiso maahane kama darto ,,,, il aham min da tabcan ma u malaynaayo in tahliil candhuuf lugu tufaayo why should that person inuu candhuuftiisa ku tufo ? mesha duco maa laga rabay mise jiro .... people should be careful  about doing it ... il moshkila mosh fi " tahliisha"  innnama fi naas we tariiqit illy biyicmilohaaa...

Offline Kamal

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 43
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Aqoon la'aani waa iftiin la'aan
Re: Caado Dhaqameed Caafimaadka U Daran!
« Reply #10 on: February 01, 2008, 08:32:19 AM »

tahliishu waa biyo barkaysan, madaama quraan lagu aqriyay dawana u ah dadka aamin islamka. quraanka waa u caafimada iyo hanuun dadka muminiita,sidaas oo ay tahay ....candhuufta shaki aa iga jira,
waase iga su'aale dadka ku nool wadamadda kale ee islaamka ah, arabta,asia, iyo africa, sidaas ma cadaa..
 waxaan  kale arkay arimo badan oo dad wayga kale  sameeyaan, oo la mid ah tan. Cusbitaladda chatholic qaar waxaan ku arkay Biyo la yiraahdo Holy water,waxaa jira sidoo kale dad ku wareego oo wax ku aqriya dadka xanuunsan, ee galada ah,

aniga kaliya ma lihin biyaha dawada loo isticmaalo.....
from wkepidea

 Many Muslims believe that water from the The Well of Zamzam in Mecca is divinely blessed. It is also believed to have supernatural properties.

The Sikhs prepare holy water, which is called amrit, and used in a ritual Sikh baptism.

Among the Mandaeans, baptism is the central sacrament of their religious life.

Hindus believe that the water from the Ganges is holy.

Though the term "Holy water" is not used, the idea of blessed water is also used among Buddhists. Water is put in to a new pot and kept near a Paritrana ceremony, a blessing for protection. Thai 'Lustral water' can be created in a ceremony in which the burning and extinction of a candle above the water represents the elements of earth, fire, and air.[2] This water is later given to the people to be kept in their home. Not only water but also oil and strings are blessed in this ceremony. Bumpa, a ritual object, is one of the Ashtamangala, used for storing sacred water sometimes, symbolizing wisdom and long life in Vajrayana Buddhism. Kundika is the version in Korean Buddhism [3], [4] whereas the vase of holy dew is known to Chinese and Japanese Buddhism
Aqoon la’aani waa Iftiin la’aan