Author Topic: Caga Qallaylka iyo Caga Jeexjeexa  (Read 41481 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Caga Qallaylka iyo Caga Jeexjeexa
« on: August 20, 2015, 05:29:33 PM »


Waa Maxay Caga Qallayl iyo Jeexjeex?

Maqaarka lugaheena caadiyan wuu ka duwan yahay maqaarka jirkeena oo kale, eebe uma samayn qanjirrada saliidda soo daayo saas awgeed waxay cagta ku tiirsan tahay kumanaan qanjirrada dhididka ah.

Haddii marka ay jirto cillad saamaynayso qanjirrida dhididka ee lugaha waxay keenaysaa caga qalleel iyo inay jeexjeexmaan.

Dadka uu aad ugu badan yahay cago qallaylka iyo jeexjeexa waa dadka macaanka / sokorowga qabo, dadka jimicsiga ciyaaro ama aadka u lugeeyo iyagoo kabo furan qaata.

Caga qallaylka waxay noqon kartaa xaalad ku meel gaar ah oo iska baab'i karto dadka qaarkiisne way ku dheeraan kartaa oo muddo ayay ka sheegtaan.

Badanaa caga qallaylka aan caadiga ahayn waxaa la socdo calaamado kale oo ay ka mid tahay:
  • Cuncun
  • Midabka isbadalo
  • Maqaarka oo fiiqfiiqmo
  • Dildillaac dhiig yeelan karo
  • Faruuru ama nabro ka soo yaaco

Maxaa keeno cago qaleelka iyo dildillaaca?
  • Adigoo si joogto ah ugu qubeysto ama ugu dhaqdhaqdo biyo kulul
  • Xanuun ku dhaco maqaarka, kaas oo nqoon karo "Eczema amd Psoriasis"
  • Isticmaalka saabuunada qalleelka keeno
  • Xanuun guud sida sokorow ama thyroid
  • Xilliyada qaboobaha ama dabeesha ay jirto
  • Xafiisyada cubka ah ee mukayafyada leh
  • Duqnimada
  • Qoraxda oo wax badan isku dhigtid

Dhakhtarkee u baahanahay?
Haddii aad ka heli kartid meesha aad ku nooshahay dhakhtar ku taqasusay cagaha oo loo yaqaano "Podiatrist" la xiriir, haddii kale u tag dhakhtar ku taqausay cudurada maqaarka.

Sidee loo daaweeyaa cago-qaleelka?
Waa muhiim in aad ogaatid marka hore cillada keentay cagahaaga in ay qallalaan si aad ula tacaashid, dadka way ku kala duwan yihiin xaaladaha maqaarkooda, dad baanan u adkaysan karin dabeesha iyo kuleelaha oo jirkooda si dhakhsa ah u qallala.
Daaweynta iyo la tacaalidda caga qalleelka waxay badanaa ka bilaabataa guriga oo markii qofka uu ka daalo ayaa badanaa dhakhtarka loo tagaa.

Waxyaabaha aad samayn karto oo aad kaga hortagi kartid kor-qallaylka waxaa ka mid ah:
1- Adigoo isticmaala kareem ama wax maqaarka subkiyo sida Vaseline-ta markaa qubaysatid ka dib.
2- Adigoo ku qubaysatid saabuunnada korka subkiya ama dufanka leh si jirka uusan kuu qallalin.
3- In aad biyo kugu filan aad cabtid, akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5971.0.html

Waxyaabaha dabiiciga ah ee lagu xallin karo cago qaleelka:
  • In aad cagaha dhaxdhigtid biyo liin lagu daray muddo 10 daqiiqo ah, tani waxay kaa saacidaysaa in qolfaha dhintay ee cagta in ay kaa nadiifiso, kuwa kalane ay jilciso, markii aad biyaha ka soo bixiso 10 daqiiqo ka dib, cagaha ku xoq shukumaan nadiif ah si qolfaha uga kacaan.
    Ogow haddii dildillaaca uu gudaha gaarsiisan yahay cagta waxay keeni kartaa xanuun badan markaa isticmaashid liinta.
  • Saliid zaytuun iyo liin qolofteeda leh isku shiid, waxaa ka soo baxayo kareem aad lugaha marsan kartid oo la dagaallamayo qalleelka iyo jeexjeexa.
  • Waxaad isticmaali kartaa kareemka Vaseline-ka oo dabiiciga ah oo aan la carfin ama daawo kale lagu darin, waxaadna marsataa markaa jiifanaysid
  • Ka fogow isticmaalka kareemyada badan, waxaa dhici karto in aad allergy ku tahay oo dhibka uu keenay isagaba ama kaaga sii daro
  • Qubeyska xad dhaafka ah ama dabaasha joogtada ah weliba biyaha badda waxay keenaan kor qalleel waa in aad iska yaraysaa ama biyo macaan aad ka daba marisaa qubeeska
  • Haddii aad dhul qabow ku nooshahay, iska fogey heater-ka oo ha ag jiifanin
  • Haddii aad dhar ama alaabta guriga aad dhaqdid oo aad dhibsanaysid oomada ama waxyaabaha kale ee lagu dhaqo, gasho gacmo gashi, lugahane ka ilaali inay gaaraan

Haddii aad qabtid su'aalo dheeraad ah, ku soo gudib halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Caga xanuun ayaan dareemaa waliba olol leh?

Started by Marwo Hinda XashiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4353
Last post June 26, 2018, 11:09:30 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Sidee loo baabi'in karaa Caga xanafta leh?

Started by AshomBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3305
Last post May 06, 2016, 09:50:29 PM
by SomaliDoc
SU'AAL: MAXAA KEENA CAGA BARARKA?

Started by Yaasir32Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5584
Last post August 27, 2015, 12:29:30 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Caga olol aad u fara badan?

Started by Khansa AbdirahmanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4576
Last post May 19, 2018, 10:04:25 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Caga Xanuun?

Started by Abu MuxamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 2845
Last post August 31, 2016, 08:39:07 PM
by SomaliDoc