Author Topic: Su'aal: Waa Maxay Faaidada Subaga Idaha?  (Read 141767 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline Husni

  • Newbie
  • *
  • Posts: 9
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waa Maxay Faaidada Subaga Idaha?
« on: August 05, 2015, 11:30:02 AM »
Mar 1&2&3aad wan idinka mahad celinaa sida wanagsan oo aad iskugu howsheyn ina sare inoku qataan aqonteyn allaah ha idinka abaal mariyo allah ha idin xafido

Waxan wata suaal
Intabadan mamooyinka waxey sameyaan marka uu kudhaco ilmaha hergab waxay kula tacalaan in ay iskugu daraan malab+suwaga idaha sida barida lashilay saliidayda iyago kushegayo in uu cunuga lakusi argin hergabka malasii gara ilamaha maxey faaido uledahay hadii lasiiyo.

Suasha xigta intabadan dadka qabo prasite ama goryanada hadii lasiiyo suwaga idaha birida markii lashiilo asago bahan hadu qando kacabo qofgaas maxuu uso kordhi kara mise malaku dawey karaa?




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa Maxay Faaidada Subaga Idaha?
« Reply #1 on: August 06, 2015, 05:21:33 PM »


Husni waad ku mahdsan tahay su'aashaada ku saabsan Subagga Idaha.

Soomaalidu waxay siyaabo kala duwan ugu daaweysaa subagga idaha xanuuno kala duwan, waxaana ka mid ah:
1- Gooryaanka iyo bakteeriyada caloosha.
2- Hargabka iyo ifilada.
3- Xanuunada lafa xanuunka sida Riixa iyo roomaatiisamka.
4- Baxnaaninta iyo ka soo kabsashda dhaawacyada iyo lafo jajabka.
5- Xanuunka shoqosha ama idiinyada.
6- Xanuunka neerfaha ee sinta ku dhaco ee loo yaqaanno "Sciatica"
7- Xasaasiyadda iyo xauunka neefta / xiiqda.
8- Gaas calooleedka, nooca "Ulcer" ka ah.
9- Dilanka haweenka.
10- Korriimo la'aanta caruurta.

Waxay kaloo soomaalida sheegtaa in raganimada uu xoojiyo iyo in difaaca jirka sare u qaado oo wixii jirka lid ku ah aysan si sahlan wax u gaarsiinin sida in qofka ay qaban wayso daawada suuxdinta iyo wixii la mid ah.

Marka su'aasha isweydiinta mudan waxay tahay: Maxaa ka jiro in Subaga Idaha uu daaweeyo xanuunadaas kor aan ku soo xusay?

Marka hore Subaga Idaha ee laga shiilay barida inuu daawo yahay waxaa noo sheegay rasuulkeena nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, waxaana jiro xadiith ka hadlayo sida loogu daaweeyo xanuunka neerfaha ee sinta ku dhaco oo dad badani ka sheegtaan, bal fikrad ka qaado xanuunkaan oo ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4611.0.html
Xadiithkaas waxuu ku shardiyay in subaga idaha uu wax ka taro xanuunkaan in idahaas la daajiyay cows dabiici ah oo banaanka la daajiyay oo aan la siinin waxyaabo la farsameeyay, waxaa kaloo shardi looga dhigay in markii daawayn loo isticmaalayo in caloosha oo faaruq ah la isticmaalo weliba subaxii hore.

Sababta labadaas shardi iyo faa'idada Subagga u leeyahay xanuunkaan waxaa la ogaaday mar dhaw, cilmibaarayaal u dhashay dalka Australia ayaa waxay qoreen research ay kaga hadlayaan arrimahaan soo socdo:
1- Barida wanka ama idaha waa sida kuruska geela oo kale waxaa lagu keediyaa wixii nafaqo ah oo hadhow xilliyada abaarta ah uu ka faa'idaysto xayawaanka inuu jirkiisa ku nafciyo, sidaas awgeed xoolaha wixii la siiyo ayay keedsadaan, haddii geedo dabiici ah uu daaqo oo aan la siinin waxyaabo la farsameeyay ama aan la daajin meelo wasakh ah ama magaalada aanan lagu korin, faaidadiisa way ka badan tahay midka lagu soo koriyaya waxyaabaha aan dabiiciga ahayn.
2- Midda kale sida la wada ogyahay subaga xoolaha waxaa loo qeybiyaa laba nooc, nooc waxaa la yiraahdaa jirka dhibaato ayuu u leeyahay waa nooca Kolestaroolka keeno oo la dhaho "Saturated Fat", noocne waxaa la yiraahdaa faa'ido ayuu leeyahay oo waxaa loo yaqaanaa "unsaturated fat", sidaa awgeed haddii idaha la daajiyo dhul nadiif ah oo dabiici ah, subaga laga heli karo barida wuxuu noqonaa mid si dabiici ah ku yimid waana "Unsaturated Fat", waxaana subagaan ku jirto maado la yiraahdo "OMEGA".
Maadadaan waaye waxa jirka faa'ido uu ka helo oo inta kor ku xusan iyo ka badanba waa laga helaa.

Haddii marka la cuno ama la cabo subagga idaha caloosha oo cunto ku jirto ama lala cuno cunno kale oo dufan leh, waxay ka hortagi kartaa in jirka uu ka faa'ideesto, waana sababta keentay in markii la isku daaweynaayo in subaxii hore la isticmaalo, laakiin markii lagu daweynaayo xanuunada kale ee jirka la marinayo kuma xirno caloosha in ay faaruq ahaato.

Maadaama dagaal culus lagu hayay wax kastoo dufan ah iyadoo laga cabsi qabo cudurka Kolestaroolka, laakiin iyadane waa muhiim in la kala ogaado subaga khatarta ah iyo midka faa'idada leh, waana muhiim in la ogaado subag la'aan jirka ma shaqayn karo oo waa u muhiim, sidaas awgeed in aad dooratid midka faa'idada leh ama aad badsatid cunnada laga helo waa lagama maarmaan.

Xanuunada kor ku xusan oo ay soomaalida ku daaweyso subagaan, qaar ka mid ah waa wax cilmibaaris lagu arkay, qaarne waa wax khibrad iyo aragti lagu arkay. Mana ahan soomaalida kailya dadka isticmaala Subaga Idaha, subaga ugu caafimaadka badan ee la isku daaweeyo waa nooca madaxa madow oo barida weyn leh, seenta gaaban leh, waana wananka u badan dhulkeena.

Waxaa cajiib ah in cilmibaarayaasha sheegaan in subaga idaha uu daawo u yahay wadna xanuunka iyo dufanka xididada wadnaha fadhiisato.

Waxa kale oo la xaqiijiyay waxaa ka mid ah ku daaweynta cilladaha ku dhaco laabatooyinka ama kalabaxyada shanqarta ka yeerto kuwaas oo ay keenaan Roomaatisamka, Tufta / Riixa.

Waxaa kaloo la xaqiijiyay in lagu daaweeyo xanuunka Sciatica oo aan kor uga soo hadlay oo lagu tiriyo xanuuanda aan kaalmaati waxaan ahayn loo haynin, wayna jiraan takhaatiir ku daaweyso oo ku nool dalka Yemen, Sacuudiga iyo Iraq.

Waxaa kaloo iyadane la arkay in dadka qabo xanuunka gaaska ee "Peptic Ulcer" oo aysan keenin bakteeriyada "H.Pylori" iyagane in lagu daaweeyo oo la arkay in boogta caloosha ay si dhakhso ah ku raysato.

Sidaas awgeed waxaan ku soo gabagabaynayaa jawaabtayda in Subaga Idaha oo la isku daaweeyo in uu ka mid yahay talooyinka caafimaad ee rasuulkeena nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee uu noo reebay, waana arrin sanooyin badan la soo isticmaali jiray, waxaana isa soo taraya cilmibaarisyada taageersan isku daaweynta Subaga Idaha.

Qaabka loo diyaariyo subaga ayaa ah in barida markii la shiilo, laga sooco subaga cad ee soo hara waana midka la isku daaweeyo siyaabaha la isugu daaweeyane waa in la cabo ama la marsado ama cunnada lagu darsado.

Haddii aad heli karto Wan jabsaday oo baadiye lagu soo koriyay, waxaad ka dareemi kartaa isbadal caafimaad adigoo isbadal ka dareemo dheecaanada jirkaaga sida dhididka, candhuufta iyo kaadida adigoo dareema carafta subaga idaha.

Haddii aad su'aalo dheeraad ah qabtid oo ku saabsan qoraalkaan, fadlana ku soo gudbi qeybta su'aalaha.

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Balqiisahaaji

  • Newbie
  • *
  • Posts: 23
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Waa Maxay Faaidada Subaga Idaha?
« Reply #2 on: August 08, 2015, 05:38:40 PM »
sc Dr aad idin salaama waxan doonayaa in aan idin waydiiyo hal suaal haduu alle idmo  suaashaydu waxa waaye subaga idaha haweenka uurka leh wax saamayn ah maku yeelan karaa ilmaha uur ku jirta

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa Maxay Faaidada Subaga Idaha?
« Reply #3 on: August 09, 2015, 12:49:55 AM »
hilibka iyo subaga idaha waa cunno dabiici ah oo eebe noogu talagalay wax saamayn ahne kuma lahan caafimaadka hooyada uurka leh iyo uurjiifkeedaba, sida aan horay u soo sheegay subagga caafimaadka laga helo oo aan dhibaatada keenin waa midka uu dhalay wanka meel caafimaad leh la daajiyay ooaan wasakh iyo geedo sun noqon kara aanan cunin.

Haddii sidaa ay dhacdo wasakhdaa iyo suntaa waxaa lagu keedin doonaa barida, markii la shiilane way saamayn kartaa hooyada ma uurkeedaba, laakiin subag ahaanta iyo hilib ahaant xoolaha dhib uma lahaan uurka.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Jaamac2020

  • Newbie
  • *
  • Posts: 19
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Waa Maxay Faaidada Subaga Idaha?
« Reply #4 on: May 11, 2016, 10:49:10 AM »
waan arkay dad gooryaanta kudaweeyay waxakaloo maqlay wanka weyn oo 7jirka ah ama sumalka markuu naaxo oo idaha koriwaayo subagiisa qofkii caba xata haduu jrlbis qaniino jelbiska dhimanaya suntuna qofka waxba yeeli meyso

Offline Awil5

  • Newbie
  • *
  • Posts: 9
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Waa Maxay Faaidada Subaga Idaha?
« Reply #5 on: October 04, 2016, 07:15:27 AM »
Dr anigu waxaan qabaaa gaas taric waxan a in badan iskaa ilaalin jiray subaga idaha ah hada labadan subax markaan salaada subax ka imaado 3 canjeelo ah subaga la ii mariyaa marka in aan cabo iyo aan sidaa ku wado kebaa i wanagsan

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa Maxay Faaidada Subaga Idaha?
« Reply #6 on: October 26, 2016, 06:04:31 PM »
Ku darso cunnada aan dabka la marinayn sida canjeelada oo kale, caafimaad ayaa dareemi doontaa insha'llah.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Salxa

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Waa Maxay Faaidada Subaga Idaha?
« Reply #7 on: July 08, 2018, 02:38:36 PM »
waa hagag subaga idaha allaha noo daweeyo ,
lkn subaga goronyada yaa wax ka yaqaano ?

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa Maxay Faaidada Subaga Idaha?
« Reply #8 on: January 09, 2019, 09:40:06 PM »
Salxa, akhriso qoraal ku saabsan subagga goronyada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8358.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66555
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69569
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62501
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46757
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 45003
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc