Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Qalliin ka dib uurka waan ka cabsadaa?

(1/1)

Ramliina:
salaam Admin...
waxaan aad u xiiseynayaa topic gan waxaan ka qabaa su`aal

15 sano ka hor ayaa waxaa layga qalay xanuunkaan,waxaa laygu qalay meel aan adeeg caafimaat oo casri ah oolin  waxaa lay qalay qaabka halka qaliin ee dhararka Alhamdulilaah aad baan u caafimat qabaa oo wax xanuun ah ma dareemo  marka laga reebo caloosha dhanka midigta xigta oo xudunta u dhow aan ka dareemo wax yar mar marka qaar .. waxaan ka cabsadaa uurka maadaama meeshaas yar layga qabto mar marka qaar lamana xariirin dhakhtar ka danbeeyay kuwii i qalay barigaas oo aan ahaa 10sano jir

wax saameyn ah maku leedahay arintaas Uuurka
mahadsanid.

SomaliDoc:
Ramliina, muxuu ahaa xanuunka lagaa qalay? Su'aashaada kuma tilmaamin xanuunka lagaa qalay?
Midda kale 15 sano maadaama laga joogo qalliinka, wax uur ah horay ma u qaadin miyaa qalliinka ka dib?

Ramliina:
waxaa layga qalay qabsin , anoo yar 15 sano ka hor mana guursan wali Dr.

SomaliDoc:
Hadduu qabsin ahaa wax saameyn ah kuma lahan uurka ee haka cabsan.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version