Author Topic: Su'aal: Waxaan ahay gabar qabta Caado Wareer?  (Read 8660 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Mirhaan

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waxaan ahay gabar qabta Caado Wareer?
« on: August 08, 2015, 08:43:12 PM »
Asc waxaan ahay gabar qabta caado  wareer waxaan isku arkay mudo 4bil waxaan ahay xaas oo aan  is qabno ani iyo ninkeeyga 2sano   marka wax owlaad iskuma dhalin marka xanuun ayaan arkaa dhabarka iyo mindhicirka  iyo geesaha mindhicirka kalyaha hoostooda iyo markuu dhiiga iisoo socdo xanuun ayaan ka dareemaa minka iyo  markaan fadhiisanayo xanuun aan dareemaa minka iyo dhib kale ayaa ii said ah 4bilood markaa xaajo suubineeyno ani iyo ninkeeyga anoo dhiigii hada ka qubeeystay ayaan dareemaa xanuun oo xaajo aan ka gudan karin 2malin kadib caado aan isku arkaa naasahana xanuun iyo barar ayeey keenayaan  marka waxaan u bahanahay wax yabahaas oo dhan waxa keeni kara inaan ogado dr




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxaan ahay gabar qabta Caado Wareer?
« Reply #1 on: August 08, 2015, 11:33:48 PM »
Caado wareerka waa dhibaato ay ka sheegtaan dumar badan, waa lagu kala duwan yahay waxa keeno, maadaama aad tilmaantay in caado wareerka kuula socdo misko xanuun, galmada oo ku dhibto, naasaha oo ku daqnado waa muhiim in aad dhakhtar la xiriirto oo baaritaan dhinaca ugxansidaha, tubooyinka in minkaba la fiiriyo, waxaa dhici karto in ay cillad jirto taasoo hormoonadaada khalal galin karto.
Faahfaahin dheeraad ah ka akhriso qoraalkaan oo kaaga jawaabi doono caado wareerka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2145.0.html
Waxaa kaloo muhiim ah in aadakhrisato xanuunkaan oo haween badan oo soomaali ah ka sheegtaan, wuxuuna leeyahay astaamaha aad tilmaantay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3126.0.html
Waxaa kaloo keeni kara dhibaatadaan hadduu infekshan jiro ee halkaan ka akhriso iyadane qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5709.0.html

Qoraalada kale ee muhiimka kuu ah in aad wax ka ogaatid inta aadan dhakhtar la xiriirin, waxaad ka dhax heli kartaa kuwa aan kor ku xusay.

Haddii aad faahfaahin u baahatid markaa xanuunadaas akhrisid ka dib, waad na soo waydiin kartaa.
Caafimaad baan kuu rajaynayaa iyo caruur.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Mirhaan

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Waxaan ahay gabar qabta Caado Wareer?
« Reply #2 on: August 15, 2015, 07:41:18 PM »
 asc Dr aad ayaad u mahadsantahay jawaabta aad iga siisay caado wareerka sideey ku imaato iyo waxyaabaha keeno Dr waxa la iga baaray shan dhiig oo ukala baxa Amh  oo ka heesto 6,6 iyo slh oo aan ayadana ka heesto 5,2 s_fsh 7,9  iyo s_Trijodtyronin fritt waxee ku sheegeena waxaan ka heestaa 4,3 iyo s_TYROXIN fritt ayadana 14,6 sidaas ayeey idhaheen waxba kaama qaldana markeey dhiigagaas baareen marka Dr waxaan kaa rabaa hadaa fahamtay waxaan eey iga baareen hadee sax yihiin ekfashinka markuu xumaado ma isku badali karaa dhiig meesha laga rabay inaan qooyaan ka arko markuu iga dhamaato caadada oona caado I heeyn hadaan arko dhiig yar oo xab is jiidayo ah oo kaadiduna nadiif tahay maxee noqon kartaa

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxaan ahay gabar qabta Caado Wareer?
« Reply #3 on: August 18, 2015, 12:06:56 PM »
AMH waa hormoonka lagu ogaado awoodda shaqada ugxansidaha.

LSH ama LH waa hormoon qanjir maskaxda ku jira uu soo daayo wuxuuna howlgaliyaa ugxansidaha si loo soo daayo ugaxanta.

FSH: sidoo kale wa hormoon kobciyo shaqada ugxansidaha

Kuwa kale ee TSH, T3 iyo T4 waa hormoonada qanjirka thyroid-ka ee dhuunta wuxuuna saameyn ku leeyahay caado wareerka iyo shaqada ugxan sidaha sidaas ayaana lagaaga baaray, Ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5559.0.html

Sida baaritaanada ka muuqato cilald xaga hormoonada ka jirto ma lahan haddii jawaabta baaritaanada wax algu dhiso laakiin waxyaabo badan ayaa keeni karo caado wareerka.

Iyadoo hormoonada dabiici yihiin ayaa cillad ugxansidaha ama tubooyinka ama gidaarka raximka ama minka ay cilald ka jiri kartaa.

Ama sida aad tilmaantay cilladu waxay noqon kartaa infekshan kugu raagay, amxaa yeelay infekshaka wuu keenaa caado wareerka, wuuna saameyaa uurka, Akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5709.0.html

Marka baaritaanada in la dhameestiro oo meelahaas kale la baaro ayaa habboon.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: waxaan hada wax ka bartaa blood vessels, health & blood components?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 25760
Last post January 29, 2012, 10:50:28 PM
by Dr.Adnan
Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 47819
Last post March 07, 2011, 05:28:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay nabaro yaryar oo afka gudihiisa iga soo baxa?

Started by CabdicasiisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29385
Last post April 19, 2011, 09:51:52 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay inan biyaha ama shahwada ceshan karin?

Started by CalansideBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 35214
Last post December 18, 2015, 08:07:37 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan rabaa inan halkan idinku so gudbiyo dhowr xanuun?

Started by C.risaaqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9867
Last post January 09, 2016, 03:27:06 PM
by SomaliDoc