Author Topic: Su'aal: Kalyo-xanuun, Macaan, Dhiigkar, Infection-dhiiga iyo Kelestorool?  (Read 7732 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Mumtaz Isack

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
asc waxaan ahay gabadh yar oo 19 jir ah aniga oo yar ayaa waxa layga soo helay kalyo xanuun oo waxaa lay dhahay kalyahaaga ayaa borotiinka sii daynayo markaan qabay 6 sano ayaa hadana layga helay kelesterool hadana bil kadib waxaa lay dhahay sonkor iyo dhiikar ayaad qabtaa ka horna gastari ayaan lahaa markaas waxaasoo xanuuna xiniinadoodaan qaataa ee hadii aan guursado wax caqabad ah nolosha makala kulmi karaa kiniinadaas aan cunaana wax dhib ah ma igu keeni karaan lana soco xataa infection dhiiga ah ayaan qabaa ee qofkaan guursanayo ma u gudbi karaa?




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Mumtaaz, caafimaad ayaan alle kaaga baryayaa, intaas oo cudur ah alle dambi dhaaf hakaaga dhigo.
Haddii aan su'aalahaaga u gudbo, badanaa qof da' yar intaa cudur in ay ku dhacaan badanaa madhacdo illaa inuu qofka ku dhashay ama qabo xanuun isku wadi xiriirin karo sida in qaabka jirka u shaqeeyo ama ula tacaalo dheecaanada jirka ama maadooyinka uu soo saaro in ay cillad ka jirto, waana xanuunada loo yaqaano 'systemic disorders' oo ah macnaheeda in habdhis kasta ee jirka ku jiro in ay ku dhici karaan, sidaasne ay ku timaado xanuuno badan.

Tusaale ahaan hadii aad qabto xanuun ka mid ah xanuunada loo yaqaano "metabolic disorders" way dhacdaa in aad intaasba kugu dahcaan, marka maadaama aad dhakhtar la xiiriiri jirtay inta aad yarayd illaa iyo hadda maxay dhakhaatiirta ku fasireen intaas oo cudur in ay lagaa helo, ma wax dhaxal ku yimid mise iyagaa midba midka kale keenay.

Badanaa cilladaha ku dhaca kelyaha sida aad tilmaantay ee borotiinka in ay sii daynayso waxay noqon kartaa "nephrotic ama nephritic syndrome" waxay tilmaamaysaa in ay jireen wax dhaawacay kilyaha oo keenay in ay borotinka xajin waayaan.

Marka waxaa muhiim ah in la ogaado cillada aadan sheegin weli oo intaan xanuun keeni karto ama fasiri karto, kadib ayaa la ogaan karaa waxa la filan karo mustaqbalka iyadoo la fiiriyo xanuunada heerka ay ku socdaan iyagane waa muhiim, daawooyinka aad qaadato xaddigooda iyo heerka ay marayaan iyagane waa muhiim.

Midda ku saabsan infekshanka dhiigga, akhriso qoraalkaan si aad fikrad uga qaadatid maadaama soomaalida ay qalad ka fahansan yihiin: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5579.0.html

Haddii aad faahfaahin u baahan tahay ama jawaabta aad su'aal kale ka qabto, halkaan ku soo waydii.

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xiniiyo Xanuun iyo Xiniiyo Dheeraansho?

Started by Ahmed Ali MohamoudBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33207
Last post August 10, 2015, 11:08:40 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wadna xanuun iyo wadna garaac jogto ah?

Started by Fitah KhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 32236
Last post September 16, 2016, 09:11:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun xiniinta midig iyo lugta midig?

Started by DaadireeyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 23431
Last post April 13, 2017, 11:46:51 AM
by Daadireey
Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?

Started by AweisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 41555
Last post March 09, 2011, 10:28:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun lugta xaga hoose ee u dhaxaysa labada kuraamood kuna qotonta cidhibta?

Started by GaadhhayeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29366
Last post December 23, 2010, 07:28:23 PM
by SomaliDoc