Author Topic: Su'aal: Maxaa caanaha naasaha lagu badin karaa?  (Read 71430 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline Umu Amira

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: Maxaa caanaha naasaha lagu badin karaa?
« on: August 06, 2015, 11:02:01 PM »
Hooyoyinka qaar ayaa ka cawda caana yari naasaha marka maxaa caanaha naasaha lagu badinkaraa? Subaxdi inta aanan wax cunin naaska ma siin karaa cuniga?




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxaa caanaha naasaha lagu badin karaa?
« Reply #1 on: August 10, 2015, 12:05:59 PM »


Waa su'aal muhiim ah, waxaana halkaan kuugu sheegayaa dhowr talo oo haddii aad sida ay tahay u raacdid in cunugaaga uu heli doono caano ku filan.

1- Nuuji, Nuuji oo joogto u nuuji: Midda ugu muhiimsan oo hooyooyinka u baahan in ay fahmaan waa in kullamaa cunugaaga nuujisid kullamaa tayada iyo tirada caanaha naaskaaga ay samaynayaan ay bataan, haweenka qaar ayaa aaminsan in ilmaha oo joogto loo nuujiyo in caanaha ay ku guraan, waana khaladka ugu badan ee u baahan in hooyooyinka laga saxo, khaladka labaad ayaa ah in hooyada ay hal naas cunuga siiso markiiba, laakiin sida saxda waa in labada naas la isku mariyaa halkii fadhi, taasi waxay keenaysaa in caano badan labada naasba ay soo galaan.
Maxaa yeelay ilaahay wuxuu ugu talagalay in soo deynta caanaha ay ku xiran tahay baahida inta ay la egtahay, haddii tusaale ahaan hooyadu ay dhasho mataano, naasaha waxaa loo galiyaa caano ku filan, haddii ay dhasho cunug aanan safiican u qaadanin naaska, in caano ku filan loo geliyo.

2- Ha walwalin: hooyooyin badan ayaa aaminsan in caanaha naaskooda uu yar yahay iyadoo taasi aanan waxba ka jirin, waxaa laga yaabaa in hooyadu ay qiyaas gooni ah ku qiyaasto in caanaha ay yaryihin, waxyaabaha haweenka soomaalida wax ku qiyaasaan waxaa ka mid ah in cunugu haduusan dilqin ama ku sixan naaska markuu nuugayo in caanaha ay yaryihin, laakiin taasi caafimaad ahaan sax ma ahan, caafimaadka wuxuu wax ku qiyaasaa in cunuga uu yahay qof firfircoon oo foojigan oo joogto cunno u rabo, baambariskane ama xafaayadane aysan qalalneyn, midda kale markii aad caano siiska bilabaysid maalmaha ugu horreeya waa caadi in ay caanaha yaryihiin maadaama jirkaaga uu isku habeynayo baahida jirto iyo inta loo baahan yahay inuu xadido.

3- Isku day in aad nasato: hurdo la'aanta waxay keentaa caano yari, nasiinada, cunista cunno kugu filan, in niyada ay kuu dagan tahay, nasiino iyo firaaqo in aad heshid intaba waxay kordhiyaan caanaha naaska, waana sababta hooyooyinka shaqeeyo ama ilmaha kale koriyo ay kaga caano yaraan karaa hooyooyinka kale.

4- Ka fogow stress-ka, niyad jabka iyo isku-buuqa: niyad kaca iyo diiqada inta waxay hoos u dhigaan hormoonka kontaroolo soo deynta caanaha, waa muhiim hooyada nuujinaysa in iyada iyo ninkeeda ay iskaga kaashadaan howlaha guriga iyo sidii buuqa guriga ka jira loo yarayn lahaa, culeeskane loo wada qeybsan lahaa, waa in waalidku tixgaliyaa oo uu fahmaa in nolosha guriga ay isbadalayso ayna u baahan tahay dulqaad si uu culeyska uga fududeeyo xaaskiisa oo uusan culees dheeraad ah ku noqon.
Waa in guriga martida laga yareeyo usbuucyada ugu horreeyo inta cunuga iyo hooyadiisa ay isfahmayaan, naaskane uu kala qabasanayo.

5- Cab biyo badan: cabitaanka oo la badsado khaas ahaan biyaha caadiga ah waxay kordhiyaan caanaha hooyada, waxaa kaloo fiican in aad badsato cunnooyinka biyaha leh sida qaraha, tufaaxa, cinabka, ananaaska iyo wixii la mid ah.
ku dadaal biyaha caadiga ah in aad joogtayso.

6- Is nafaqeey: Haddii aad doonayso in cunugaaga wax aan naas ahayn in aad siiso ku dadaal in aad is nafaqayso oo aad gaajada iska ilaaliso, hooyada nuujiso waa in ay cunto cunno isu-dheelli tiran, waa in ay badsataa cunno khudrad iyo fruit leh, waana in ay ka fogaato calool fadhiga.

7- Ka fogow isticmaalka masaasadda: hooyooyinka ku bilaabo ilmahooda oo yaryar in ay masaasad wax ku siiyaan, waa in ay ogaadaan in caanaha naaska ay bilaabi doonaan in ay guraan, masaasada caafimaadka uma roono ee ku dadaal in cunugaa 6-da bilood ee ugu horeysa in aan naas wax aan ahayn aadan siinin.

8- Isticmaal xulbada: xulbada waa geedka ugu muhiimsan oo la isku waafaqay in caanaha ay badiso, haddii aadan horay u isticmaali jirin, halkaan ka baro xulbada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4120.0.html

9- Ka fogow cunnadaan: waxaa jiro cunnooyinka qaar ka tirsan oo naasaha caanaha yareeyo waxaana ka mid ah: tuunta, basasha iyo nacnaaca oo ah caleen caraf leh oo shaaha lagu darsado, waxaa kaloo jiri karo cunnooyin kale laakiin hooyooyinka way fahmi karaan in cunugooda dhibsanayo dhadhanka caanaha sidaas awgeed waa inay ka fogaataa cunnooyinkaas.

10- Haddii aad naasaha listo: haddii aad tahay hooyooyinka naasaha u liso caruurtooda oo ka maqan waxay takhaatiirta ku taliyaan in caanaha markii aad lisaysid in aad cunugaaga hadaaqiisa ama araggiisa meel kuu muuqato in aad ku listo, hadii kale aad ursato dharkiisa ama caraftiisa intaasba waxay keenaysaa in caano badan ay naasahaaga soo galaan, waa arrin cajiib ah oo na dareensiinayso alle awoodiisa iyo sida uu hooyada iyo cunugeeda iskugu xiray waana wax caafimaadka aanan laf ahmi karin ilaa iyo hada sida ay iskugu xiran yihiin.
Hooyada markii ay maqasho cunugeeda oo oynayo naasaha way iska da'aan wayna arkaan hooyooyinka qaar.

11- Naasaha salsalaax / Xood xoodi: naasaha oo la salaaxo waxay keenaan in caano badan ay soo galaan, naaso salaaxa ka soo bilaw naasaha korkooda oo u salaax dhinaca ibta, waliba inta cunuga uu nuugayo in la salaaxo ayay ka faa'ido badan tahay in aad salaxdid marka kale, haddii xaaskaaga kuu salaaxi karo iyadane waxaa la sheegaa in ay ka faa'ido badan tahay, waxyaabaha kale oo cajiibka ah oo ilaahay caruurta yar oo ku ilhaamiyo waxaa ka mid ah in ilmaha qaar ay naaska hooyada salaaxdaan iyaga marka ay nuugayaan, waana arrin uu caafimaadka fasiri karin.

12- Ka war qab daawooyinka aad qaadato: waxaa laga yaabaa cillada caano yarida in ay ka socoto daawooyinka aad qaadato, daawooyinka ugu badan ee caanaha yareeyo waa kuwa loo qaato xasaasiyadda, samboorka, neefta iyo kuwa kaadida badiyo iyo daawooyinka uurka ka hortago, la tasho takhtarkaaga inuu daawooyinka kaa hubiyo ama kaala taliyo.

Waxaan diyaar kuula nahay in aan kaa caawino, talane kaa siino xanuunada iyo waribxinada caafimaad ee aad u baahan tahay, haddii aad su'aalo qabtid na soo waydii.

Halkaan ka akhriso qoraallo ku saabsan naas nuujinta:
A- FAAIDADA NAAS NUUJINTA: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,382.0.html
B- NAAS NUUJINTA IYO UURKA: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2529.0

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Umu Amira

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Maxaa caanaha naasaha lagu badin karaa?
« Reply #2 on: August 10, 2015, 09:43:42 PM »
Waad mahadsantihiin waana ka faa ideeystay


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55927
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 162236
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 57943
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62270
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig
Su'aal: maxaa farqi u dhaxeeyo ragga leh jocorta iyo ragga aan laheen?

Started by JaakeyeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 28948
Last post June 11, 2017, 12:22:58 PM
by SomaliDoc