Health Related Forums > Health News and Events

Very urgent report !!! we would like you to take alook at this !please!

(1/2) > >>

Mankay:
Hey dear members! and admin

Cudur aan la aqoon oo Qaar ka mida caruurta Somalied ku haya Gudaha Magaalada Muqdisho.(Daawo Sawirada)!!!!!!!!!!!

i still don't know what it is yet ? letting you all see and tells what exactly is happening to our children back home ,, i have never seen this kind of disease before ..SUB7ANALLAH

http://shabelle.net/view_contents.php?articleid=383

mankay
salams

Dr.Noora:
wee adagtahay in la dhaho waxaas ee qabtaa anagoo sawir ka fiirineeno bes , waxee u baahantahay baritaano badan iyo dhacaano  in laga qaado jirkeeda kadibna labaaro may be markaas in sabab loo helo amaba ee xataa markaas qabto jiro kamid ah jirooyinka maqaarka laakin duruufta ee kujirto awgeed iyo wadanka oo saa u maleenaayo aan laheen sheybaare yaal tayo sare leh ayaa keeneeso xaalada cunugta yar inee saan usii xumaato..

Allaha Caafiyo.....Sorry......

Admin:
Cudurkan waa nooc ka mid ah cudurada ku dhaca maqaarka loona yaqaano "Ichthyosis".
Weliba waxay gabadhaan ay qabtaa nooca loo sii yaqaano (Harlequin Ichthyosis), kanoo ah nooca ugu daran cudurkaan, indhahane si dhakhso ah ku rida.

Cudurkaan oo intiisa badan ilmaha ay ku dhashaan wax daawane aanan loo heynin ayaa calaamadihiisa waxaa ka mid ah: in maqaarka uu adkaado, midabkiisane is badalo  kadibne uu go'go, cudurkaan oo loo kala qaybiyo 5 nooc ayaa aan loo heyn wax daawo ah maadaama ilmaha ay ku dhashaan, daawada lagu daaweeyo kaliyane ay tahay in jirka la mariyo kareem lagu jilcinayo iyo goojo "Retinoid" ah oo indhaha lagu dhibciyo maadaama indhaha haduu gaaro iyagane ay qalalaaln, adkaadaan kadibne dilaacaan oo ilmaha u indha beelaan.

Cudurkaan "Ichthyosis" oo ku dhaca dadka iyo xoolaha la dhaqdaba maahan cudur la kala qaado, helistiisane way kala duwantahay oo qofba si ayuu ugu dhacaa, waxaana ugu daran markuu indhaha gaaro (Harlequin Ichthyosis).

Cudurkaan oo qofkii aqoon u leh uu garan karo markuu arko, baaritanka kaliya ee lagu ogaan karane waa in jirka laga qaado qolfaha saaran mid kamid ah kadible la baaro, baaritaankaane waa mid aad u sareeya mana umalaynayo in wadanka laga helayo.

Somaliyane kuma cusba oo waan ku arkay dhawr xaaladood, aduunkane waa laga yaqaanaa, haduu jirane cuduro ay keeneen sun lagu buufiyay dad waxaa loo baahanyahay in la arko dhawr xaaladood (cudur aan horay loo aqoonin) oo hal mar ku wada dhaca dhowr qofood.

Teeda kale markii ugu horeysay maahan, saxaafada ay soo sheegtay in cudurro aan la garanaynin ay somaliya ka dilaaceen, 2 sanad ka hor ayey aheed markii cudur "Kaduudshe" loo baxiyey soo if baxay kadibne la ogaday inuu yahay "Dengue fever".
Bilooyin ka horne waxaa la yiri cudur aan la garanaynin oo beerayaraha dadka bararayaan ayaa ka dilaacay jubada hoose kadibne la ogaaday inuu yahay "Leishmeniasis".
Maantane waa cudur kale oo cusub "Ichthyosis", mushkiladaan oo ka dambeyso aqoonyari jirta, cudurada somalida ay taqaano oo iska kooban, iyo baaritaano horumarsan lagu ogaado cuduradaan oonan jirin.

Halkaan ka daawo sawiro dad kale oo isla cudurkaan qaba
For more information about this disease click here
Thanks for asking this question
Dr.Mahdi

Mankay:
3ajeeb!
well , thanks alot for the information dr.mahdi and dr noora for the participation, i used to here about the name of the disease but when you actually see the picture , its away too far then i can imagined.. thanks again

mankay

Munim:
Thanks Admin for your good information.
shcabkenana ALLAH musiiboyinka haka dulqaado AMIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIN ya RAB

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

Go to full version