Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Madax xanuun iyo maqaarka oo qolof ka kacdo?

(1/1)

Ibnu muhammad:
Salaan kadib waad ku mahadsantihiin shaqada wacan eed bulshada u haysaan.
Waxaan jeclaan lahaa dhakhaatiirta inaan waydiiyo labo su'aalood kuwaas oo kala ah,
1. Maxaa sababa madaxa qaybo ka mid ah inuu xanuuno kaas oo aan ahayn xanuunkii caadiga ahaa siiba qaybta bidix halka kugta agteeda ah ilaa iyo meesha u dhaxayso dhagta iyo isha ee la yiraahdo (xiska) una daran wakhtiyada qofka uu xanaaqsanyhay oo uusanba dulqaadan karin iyo wakhtiyada murugta ama farxada labadaba.
2. Qofka oo korkiisa (maqaarkiisa jirka) mar walba xuub ama qolof ka kacdo xitaa haduu si kasta u qabaysto oo jac jac iyo jirki ooban sulub iyo maqaar nuuraayo noqonayn. Mahadsaidiin.

SomaliDoc:
Madax xanuunka wuu noocyo badan yahay ee halkaan ka akhriso noocyada ugu caansan iyo waxa ay kala yihiin: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,298.0.html

Jirka oo qolofta ka kacdo waxyaabo badan ayaa keeni kara, mana lagu fahmi karo waraysi ee waa in la arkaa, fadlan la xiriir dhakhtar maqaar si uu kaala taliyo.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version