Author Topic: Su'aal: Telephone ku hadalka badan iyo caafimaadka?  (Read 66171 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Almis

  • Newbie
  • *
  • Posts: 19
  • Points: +0/-0
Su'aal: Telephone ku hadalka badan iyo caafimaadka?
« on: August 11, 2015, 06:26:02 PM »
asc dhamaan baxda somali medical forums iyo dhamaan dadka ku dhixaan baa waxane raba ine aniga iyo dadka ama bulshada somaliyeed taalo sharaxane naga siisane dhibta uu keeni kaarayo phone ka oo ine badane la isticamalo ama lagu hadlo taasi oo hada dhalliyarada somaliyeed aye ku badane yihine ku hadalka phne mudo badane ama waqti dheer oo dhwr sacadod gadhaaysa marka dictor su aash ah
1/ telephne ku hadale badane  samayne ma ku yeelan karaya cafimadka qofka isticmalaya .
2/ hadi haa jaawabti haa tahay samayne inte leg aya ku yelanaysa cafimadkisa
3/ maxad taalo uu uu haysane ummada somaliyeed gaar ahane dhalliyarada  aya ade ugu badane tahay




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Telephone ku hadalka badan iyo caafimaadka?
« Reply #1 on: August 12, 2015, 02:28:12 PM »


Waa su'aalo muhiim ah oo ka dhalanayso cabsida laga qabo isticmaalka joogtada ee moobeelada, haddii ay caafimaadka dhibaato u keeni karaan iyo dhibaatooyinkaas nooca ay noqon karaan.

Way jiraan qoraallo badan oo laga diyaariyay arintaan iyadoo lagu diraasaynayo xiriirka ka dhaxeeyo kansarka, xanuuno kale hadii ay jiraan iyo saameenta dhambaalada bir-qabadka leh ee taleefanda.

Waxay baaritaanada xooga ay wada saareen xanuunka kansarka maadaam taleefanka uu bixinayo signals joogto oo laga cabsaday amay saameyn ku yeelan karaan qaabka jirkeena u shaqeeyo.

Inkastoo signals' ka soo baxo taleefanada wireless-ka ku shaqeeyo la qiyaasayo in ay dhici karto in ay keenaan laba nooc oo kansar maskaxda galo oo la kala dhaho "Glioma iyo Acoustic Neuroma" laakiin illaa iyo hadda wax cilmibaaris lagu ogaaday ama hubaal loo hayo in moobeelada kansar laga qaado lama hayo, waana go'aanka ay hay'dda caafimaadka aduunka "WHO" ay ka gaartay gunaanadka baaritaanadaas oo idil.

Waxaa kaloo la baaray in mobeelada uu saameyn ku leeyahay shaqada wadnaha, hooyada uurka leh, dhinaca raganimada, hurdada iyo isbadalka niyada iyo fakarka qofka, iyadane baaritaano arintaas wax ku ool ah oo wax lagu dhisi karo lama hayo inkastoo ay socdaan baaritaano dhowr ah oo laga war sugayo wixii ka soo bixi doono arintaas.

Waxa kaliya oo la arkay oo dhibaato keeni karaan moobeelada waa in ay saameeyaan shaqada qalabyada kale ee ku shaqeeyo signals-ka sida qalabka wadnaha la galiyo, qalabka maqalka loo adeegsado ee maqalka iyo wixii la mid ah.

Isbadallada kale oo la arkay inay dhambaallada ka baxo qalabyada sida mobeelka ay keeni karaan waxaa ka mid ah siyaadinta garaaca wadnaha, tirakoobka iyo tayada shahwada ragga iyo ugxanta dumarka, madax xanuun, foojignaan yari, kabuubyo iyo kuleel laga dareemo dhinaca aad taleefanka ku adeegsato iyo isbadallo ku dhaco dheecaannada ay soo daayaan qanjirrada qaarkood ee jirka ku jiro.

Ku yareey halista mobeelada tillaabooyinkaan:
Maadaama halista lala xiriirinayo dhamaabaallada ka baxo mobeelka oo bir-qabadka leh, waxaa haboon in la yareeyo xaddigooda lagana fogeeyo jirka meelo ka mid ah, laakiin nasiib xumo meelo dhowr ah oo jirka ka tirsan ayaa moobeellada lagu qaataa sida jeebka shaatiga ee wadanaha ku aadan, faraqa ama gosha oo haweenka ku qaataan iyo jeebka surwaalka ee u dhaw xubnaha taranka, sidaas awgeed waxaa jiro tallaabooyin haboon in la qaato si loo yareeyo halista dahsoon ee naga soo gaari karto moobeelada:
  • Fadlan mobeelka ha galin jeebka shaatiga ee wadnaha ku aadan iyo meelaha u dhaw xubnaha taranka sida qooraha iyo ugxan sidayaasha haweenka.
  • Fadlan ka ilaali mobeelka caruurta aadka u yar, maxaayeelay jirkooda wuxuu ku jiraa korriimo isdaba joog ah, jirkooda jilicsan wuu u nugul yahay waxyaabaha caafimaadka u daran.
  • Haddii aad mobeelka joogto ugu hadasho muddo dheer, isticmaal sammaacad ama fiilada maqalka oo wajigaaga ka fogey mobeelka.
  • Ha isticmaalin mobeelka hadduu khadka shabakada ay daciif tahay sababtoo ah dhambaallada uu dirayo way ka xoog badan yihiin marka khadku fiican yahay, meelaha ay shabakadu daciif noqoto, waxaa ka mid ah markii aad gaari ku jirtid, markii aad saaran tahay wiishka guryaha iyo markii aad dhulka hoostiisa ku jirtid sida tareenada iyo dabaqyada hoos loo dhisay.
  • Iska ilaali in aad mobeelka jirkaaga ku haysid markasta ama uu aad kuugu dhaw yahay, sida barkinta hoosteeda oo la galiyo markaad jiifsanaysid, waa muhiim in laga fogeeyo caruurta dhallaanka iyo hooyada uurka leh.
  • Haddii aadan iska fogayn karin, ka dhig "flight mode" ama "Airplane mode" tan oo joojinayso dhambaalada bir-qabadka leh ee mobeelada, waana sababta mobeelada looga dhigo sidaas markii diyaarad la raacayo si aysan dhambaaladaas khalkhal u gelin qalabyada ay diyaaradda ku shaqeyso.
  • Haddii aadan mobeelka jirkaaga ka fogayn karin waxaa lagu taliyaa in dhinaca number-ada "keyboard-ka" aad is xijiso oo dhinaca kale ka jeediso jirkaaga khaasatan markaa jeebka ku ridanayso, sababtoo ah dhinaca uu moobeelka dhambaallada ka daayo waa dhabarka mobeelka.
  • Isticmaal dirista fariimada "text" iskana yareey wicista siyaadada ah.
  • Haddii aad mobeelka ku qaadanaysid jirka ama aad jiifsanaysid ka xir khadka internet-ka sababtoo ah dhambaallada halista keeni karo aad ayay u bataan xilligaas.
  • Markii aad ku hadlaysid mobeelka, u kala badal labada dhagood oo hal dhinac kaliya waligaa ha joogtaynin in aad u isticmaashid.
  • Iska ilaali in mobeelka aad gariir saartid "vibration" haddii aad jeebka ku qaadanaysid weliba jeebka wadnaha u dhaw, tani waxay khalkhal galin kartaa korontada wadnaha sida la arkay.
  • Mobeelada oo hal meel la iskugu keeno way ka halis badnaanayaan markii aad hal mobeel haysatid.
  • Ogow in mobeelada ay kala halis badan yihiin, waxaana halistooda lagu cabiraa waxa loo yaqaano "Specefic absorption rate" loona soo gaabiyo "SAR", wayna ku qasban yihiin shirkadaha sameeyo mobeelada inay xusaan cabirka "SAR"-ka mobeeladooda khaasatan markay u suuq geynayaan wadamada nidaamka ka jiro, tusaale ahaan mobeelada la ogolyahay in lagu gado dalka maraykanka waa inuusan cabirka "SAR" ka badan (1.6 w/k), meesha dalalka yurub ay qasab tahay inuusan "SAR"-ka uusan ka badan (2 w/k), kullamaa cabirka uu hooseeyo, wuu ka halis yar yahay kuwa kale, laakiin taasi macnaheeda maahan in mobeelkaaga uusan halis kugu ehayn, marka waa muhiim in aad ogaatid cabirka signals-ka oo jirkaaga ka nuugi karo mobeelka aad soo gadatay, waxaadna warbixintaas shirkadaha ku qoraan dhabarka dambe ee mobeelka ama baakadka lagu keeno ama number la garaaco oo lagu ogaan karo ayay leeyihiin wadamada qaar, laakiin haddii intaasba aadan haynin, waxaad ka baari kartaa internetka oo waxaa jira website-yo arintaas daba galo sida: http://sarvalues.com/.

Halkee mobeelka lagu qaataa?!:
  • Mobeelka ha ku qaadanin jeebka kore ee wadnaha xiga, taasi waa arrin dhibkeeda lagu arkay dad badan.
  • Mobeelka ku qaado gacanta, haddii meel kuu dhaw uu kuu yaalli karane kama sii fiican
  • Haweenka ha ka digtoonaadaan inay gumaarka gashtaan mobeelka, haku qaataan gacanta ama boorso haku ritaan
  • Mobeelka waxaad ku qaadan kartaa boorsada loogu talagalay, waxaadna ku xiran kartaa suunka aad wadatid dhinaciisa inta aad jeebka surwaalka ku qaadi lahayd.

Gabagabo:
Inkastoo moobeelada in kansar maskaxda laga qaado aanan weli la xaqiijin, laakiin waxaa laga cabsi qabaa in isticmaalka joogtada ah oo sanooyinka badan in ay dhici karto inuu dhibaato keeno maadaama hadda aanan laga joogin waqti badan xilligii la bilaabay isticmaalka moobeelada siyaadada ah, laakiin cabsida hadda jirta ayaa ah in da' aad u hooseyso lagu bilaabo isticmaalka moobeelada waqtigaan la joogo oo waalidka caruurtiisa u soo iibiyo mobeel ama taleefan markii ay gaaraan da' 10 sano iyo wixii ka sareeya taasina ay keeni karto in sanooyin aad u badan uu qofkaas ku xirnaan doono isticmaalka moobeelkaas iyo in howlihii loo isticmaali jiray moobeelka oo aad u badatay oo aysan ahayn kaliya wicitaanka oo hadda wax kasta loo adeegsado.
Talow jiilkaan cusub dhibaato aan horay loo arag ma lagu arki doonaa markii 20 ama 30 sano ka soo wareegato?!!

Waa su'aal aan hadda laga jawaabi karin, waana cabsi taagan.

Wixii su'aal ku saabsan qoraalkaan ama faahfaahin aad u baahan tahay, ku soo gudib qeybta hoose ama bogga Facebook-ga.
Caafimaad baan idiin rajaynayaa.
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Dhidka badan iyo Cabsida"xishoodka"?

Started by AhmeddaahirBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16032
Last post October 19, 2016, 06:58:27 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxan qabaa cabsi ah in aan dadka ka cabsado sida meelaha dadka badan joogan?

Started by FaraxBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21217
Last post May 11, 2011, 04:28:24 PM
by Shenamic
Su'aal: Birta dhiiga oo badan? Wareega dhiiga oo yar? Qufac markii aan ordo?

Started by DurdurBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15612
Last post May 19, 2011, 08:49:53 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ma jiraa Natural Viagra - Maadaama Kiniiniga Viagra Dhib-badan yahay?

Started by AarDacarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 78546
Last post August 12, 2015, 01:45:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cuncunka inta u dhaxaysa labada biri ee dilac yar oo xanuun badan wata?

Started by AyanitaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 48196
Last post November 17, 2009, 07:36:08 PM
by SomaliDoc