Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Xulbada waan ku cayilay?
(1/1)
Hafsa Moha:
Asc dr waadmAhadsantahay aad ayaan ugafaaiday jazaada Janna Allah hakakadigo SUAL XULBADA QUSAYSO WAXAAN SAMEEYA HABENKI AYAAN BIYO LADIGA SUBAXDII AYAAN BIYAHA KACABAA. MARKA AAD AYAAN UCAYILAY WAXAAN AHAA MARKAN DALAYEY 175 pound hadana Waxan noqday 194 pond WAXAA laigudahay xulbada marki qabow lagucabo dadka wucayiliyaa. LAKIN MARKI LAKARKARIYO OO KULEL LAGUCABO DADKU CAATERYA. Waxaan dalanahay 2bilood
EE MAXAA KAJIRAA ARINTAAS DR ALLAH HAKUBARALEEYO
SUASHA LABAD
LIIN DANAANTA CAANAHA NASAHA MEYKAYAREEYAAN
SomaliDoc:
Xulbada miisaanka way ku kordhisaa dadka qaar, dad kalane way ka ridaa, kumana xirna in aad qabow ama kuleel ku cabtid.
Xulbada waxay kordhisaa appetite-ka, qofka siyaado ayuu wax u cunaa sidaas ayayna miisaanka ku kordhaa.
Xulbada waxay kaloo kordhisaa isticmaalka tamarta ee jirka, marka hadduu qofka uu yahay qof dhaqdhaqaaq badan ama jimicsi sameeyo miisaanka way ridaa.
Marka in miisaanka ku fuulo ama kaa dhaco waxay ku xira ntahay dhaqdhaqaaqaaga, haddii aad fadhisid oo aadan dhaqdhaqaain miisaankaaga wuu kordhayaa, cunno badane waad cunaysaa.
Waxaan filaa in aad fahantay...
Navigation
[0] Message Index
Go to full version