Author Topic: Su'aal: Waxaan rabaa inaan joojiyo sigaarka laakiin?  (Read 7975 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Cali Asaaro

  • Newbie
  • *
  • Posts: 20
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waxaan rabaa inaan joojiyo sigaarka laakiin?
« on: August 11, 2015, 09:50:23 PM »
asc waxaan rabaa inaan joojiyo sigaarka inshalaah, waxaan rabaa inaan ogaado xanajada nokotiinta leh iyo blasterka lagu dhajiyo jirka ee nokotiinta leh keebaa u waxtar badan qofka joojiyay sigaarka. mida kale xanjada ama blasterka with out dhaqtar ma iibsan karaa, wax caafimaad daro ah miyay leeyihiin hadaan daaimo. tnks somdoc




Offline Maxamadok

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Re: suaal ku saabsan sigaarka joojinta
« Reply #1 on: August 11, 2015, 10:15:02 PM »
                           Sigaarka iyo dhibaatadiisa
 waxaan ka hadlayaa dhibaatada caafimaad ee sigaarka marka hore aan is dul taagno cabitaanka sigaarka iyo soomaalida, dadka soomalidu waxay aad u cabaan sigaarka gaar ahaan ragga oo waxa ay yidhaahdaan qaad aan sigaar lahayn ma dhadhamayo, waxaanad arkaysaa sida loo iibsado sigaarka suuqyadeena waaweyn iyo sida ay uga taajireen dadka soo dajiya sigaarka ee ka ganacsada
Way adag tahay in aad aragto wadnkeena qof ama cid dadka ka waaninaysa sigaarka iyo isticmaalkiisa waxa iyana aanad arkayn meel uu mamnuuc ka yahay sigaarku marka laga reebo Masaajidada. Dadkii samaynayey sida Yurub iyo Ameerka way ka mamnuuceen meel kasta oo ay bulshadu iskugu timaado sida guryahay, goobaha shaqada, maqaaxiyaha iyo iskuulada xitaa lama xaysiin karo sigaar waayo waxay ogyihiin dhibaatdiisa
Waxaan halkan ku soo bandhigi doonaa dhibaatad caafimaad ee sigaarku u leeyahay dadka
Marka uu qofku nuugo sigaar waxa sambabada qofka galaya ilaa 4000 (afar kun) oo ah maadooyin khatar ah oo 60 ka mid ahi ay keeni karaan cudurka Kansarka. Waxa qofka sigaarka caba kordha cadaadiska dhiiga si fududna wuu u xiiqaa waxaana yaraada difaaca uu jidhku iskaga difaaco cudurada
Cudurada uu keeni karo sigaarku
•   Cuduro badan oo ku dhaca sambabada sida asmada ama xiiqda
•   Wadna xanuun
•   Istarook
•   Kansar ku dhaca meelo badan sida sambabada, kaadi kasta, mindhicirka iyo cunaha ama dhuunta
•   Wuxuu yareeyaa in qofku ilmo dhalo
•   Waxa qofku khatar u yahay in uu qaado macaan iyo roomatism
•   Ragga oo uu ka yareeyo hamada
•   Dumarka oo ka joojiyo in ay uur qaado
Sidee la iskaga joojin karaa sigaarka?
Wax walba nolasha waa dadaal iyo niyad sigaarkana hadaad go’aan ka gaadho waad joojin kartaa waxaana imika jira waxyaabo badan oo kuu fududeynaya joojintiisa sida:
•   Xanjo
•   Balstar la isku dhajiyo
•   Kiniin la cuno
•   Dawo afka ama sanka la iskaga buufiyo
Waxa isaguna aanay khatartiisu ka yarayn qofka agjooga ama la fadhiista dadka sigaarka cabaya ee isna sanka ka qaadanay oo ay dhakhaatiirtu marmarka qaarkood yidhaahdeen waabuu ka khatar badan yahay
                             Talo guud
Waxaan kula talin lahaa dhamaan dadka caba sigaarka in ay iska joojiyaan oo ay naftooda iyo dhaqaalahooda iyo jidhkoodba u tudhaan. Dadka bulshadu wax ka dhagaystaan sida culimada Diinta, dhakhaatiirta, macalimiinta, waalidiinta iyo wax garadkaba in ay dadka aad uga waaniyaan. Ganacsatada sigaarkana waxaa odhan lahaa Ilaahay ka baqa oo dadka sunta ka daaya way badan yihiin wax laga ganacsadee.</p>

Offline Cali Asaaro

  • Newbie
  • *
  • Posts: 20
  • Points: +0/-0
Re: suaal ku saabsan sigaarka joojinta
« Reply #2 on: August 12, 2015, 12:16:00 AM »
ninka wato maxameddek  bro aniga suaasha aan dhaqaatiirta waydiiyay iyo waxa aa ka jawaabtay isma lahan, aniga waan aqaanaa sigaarka waxyeelada uu caafimaadka iyo wadada loo maro sida loo joojiyo, laakiin waxaa fiicnayd su,aashayda si fiican u aqriso, marka waad ku mahadsantahay xuusintaada waxyeelada sigaarka.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxaan rabaa inaan joojiyo sigaarka laakiin?
« Reply #3 on: August 12, 2015, 01:34:32 PM »
Waan ku faraxsanahay in aad goosatay joojinta cabidda sigaarka, waxaana alle kaaga baryayaa inuu kula garab galo.

Midda ku saabsan su'aashaada, waxaa jiro dhowr siyaabood oo ay ka mid tahay labada aad tilmaantay ee xanjada iyo sharootada nicotine-ka ah, waxaa kaloo jira mid la isku buufiyo "spray" iyo mid la nuugo "inhaler" sidii daawada neefta oo kale iyo mid la dhuuqdhuuqo "lozenges" sidii nanaca oo kale iyo kaniini "pills" iyadoo ah.

Haddii al isbarbar dhigo intaa oo sida saxda loo wada isticmaalo waxay dhakhaatiirtu sheegaan in ay isku natiijo ay keenayaan, laakiin mida kugu haboon qofka waxay ku xiran tahay xaaladiisa.

Inta aadan dooranin waa in aad ka jawaabtaa dhowr su'aalood sida:
1- Meeqo sigaar ayaa cabtaa maalintii?
2- Xaaladaha kugu bixiyo in aad sigaar shidato? ma xanaaqa, welwelka, xilliga nasashada, xilliga aad qayilayso, xilliga aad safrayso ama dhafrayso. qofba waxbaa ku kiciyo inuu sigaar shito.
3- Haddii aad isku dayday in aad hadda ka hor joojisid iyo sababta aad ugu guuleysan waysay.

Haddii aad tahay qof si kadis ah sigaarka ugu baahnaan jiray oo aan waqti gooni ah u lahayn waxaa kugu fiican xanjada oo waqtigaa rabtid heli kartid, laguna gado dukaamada sigaarka lagu gado oo aadan u baahnayn in dhakhtar kuu qoro.
Haddii aad tahay qof qiiqa sigaarka u xiiso, waxaa kugu habboon kan la isku buufiyo.
Haddii aad ilko sinaaci ah gashan tahay, xanjada wax kuuma tari doonto.

Xanjada waxaa la isticmaalaa ugu badnaan 6 bilood, kan nanaca waxaa la isticmaalaa 12 usbuuc ugu badnaan.

Sharootada "Patch" waa in aad maalin kasta maqaarka dubka kore ku najisid, qaarkood dukaamada sigaarka iyo farmashiyada waa lagu gadaa, qaarkoodne waa in dhakhtar kuu qoraa waxaana la adeegsadaa badanaa 2 ilaa 3 bil kaliya.

Kuwa la nuugo ama la isku buufiyo waa qasab in uu dhakhtar kuu qoro, caadi uma gadan kartid.

Waa muhiim in ay kaa go'an tahay joojinta cabidda sigaarka, waana in nicotine-ka si aayar ah aad iskaga goysaa maxaayeelay waa wax ku meel gaar, xanajada ayaa ugu badan 6 bil ka badane lama qaato caafimaad ahaan.
Haddii laga yaabo in aad sigaarka ku laaban doontid 6-daa bil ka dib, waxba xanjo iyo sharooto ha isku daalinin.

Qeybta ugu dambaysa ee qoraalka page-kaan ku qoran: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,602.0.html
Ka akhriso tallaabooyinka ku caawin kara haddii aad sigaarka joojin rabtid.

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: waxaan hada wax ka bartaa blood vessels, health & blood components?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 26116
Last post January 29, 2012, 10:50:28 PM
by Dr.Adnan
Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 48196
Last post March 07, 2011, 05:28:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay nabaro yaryar oo afka gudihiisa iga soo baxa?

Started by CabdicasiisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29753
Last post April 19, 2011, 09:51:52 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Hooyaday oo waayeel ah ayaa waxaan ku aragnay wareer aad u xoog badan?

Started by GantaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 25086
Last post November 01, 2011, 10:39:11 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay inan biyaha ama shahwada ceshan karin?

Started by CalansideBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 35633
Last post December 18, 2015, 08:07:37 PM
by SomaliDoc