Author Topic: Su'aal: Xiligee ugu haboon ayaa la baraa uurka?  (Read 5821 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ayan

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Xiligee ugu haboon ayaa la baraa uurka?
« on: August 12, 2015, 11:05:53 AM »
Asalamucaleykum:

Walal waxan raba su’aal ii gaara in aan ku weydiiyo oo walwal igu beertay , waxaan xaas ahay mudo sanad iyo xoga  waxan aad u jeclahay in aan hooyo noqdo illaah aya laga hela  hadana waan dadalayay oo dhowr jeer ayn dhaqtar u tagay oo baritaano rajo iyo altera sound maray waad fiican tahay aya la igu dhahay todobaadyo ka hor ayan dhaqtar tagay anigo iska baariyay infection waxa la iga helay in aan pregnancy positive ahay aad ayaan u farxay , week kadib ayn dhaqtarka ku noqday waxey igu fiirisay virginal  scan waxey igu tiri uteruskda waxba ma heystan  uma jeedo yacni wax cadeynaya inaad uur leedahay hadana urine test ayn sameyay positive ayuu noqday .
Wali wax calaamado ah oo walac iskuma arag marka laga reebo dhabar xanuun iyo dhiiga cadad oo iga maqan , walal aad ayn u walwalaa  arintaas murugo badan  ayey I galisay marka su’aasheyda waxey tahay xiligee ugu haboon ayaa  la baraa uurka marka laga reebo urine test –ga? Iyo sido kale xiliga walac maku jira maadama hada ay ii tahay25days ?

Mahasanid.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Xiligee ugu haboon ayaa la baraa uurka?
« Reply #1 on: August 12, 2015, 01:55:38 PM »
Ayan, taladayda waa in aadan dagdagin oo baaritaanada aad samaynayso khaas ahaan midka aad samaysay ee Vaginal ultrasound-ka iyo daawooyin haddii ay jiraan oo aad qaadanayso oo aan dhakhtar kuu qorin intaba ka digtoonow inta uurkaaga uu ka soo caddaanaayo.
Waan dareemi karaa adigoo uur sugayay in muddo ah, hadane rajo soo muquatay in aad jeceshahay in aad hubsato, is ilaali hana dagdagin.
Haddii kaadida uur ay sheegtay laba jeer oo aad baartay, dhabar xanuun iyo caajisne uu jiro in aad uur leedahay way u badan tahay, laakiin dagdagtaas computer / ultrasound waxba kuma sheegi karo, waa in aad sugtaa ugu yaraan 6 usbuuc.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: