Author Topic: Su'aal: Coca cola iyo cafimaadkiisa?  (Read 51638 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Almis

  • Newbie
  • *
  • Posts: 19
  • Points: +0/-0
Su'aal: Coca cola iyo cafimaadkiisa?
« on: August 13, 2015, 05:18:26 PM »
ASC WR WB  DHAMMAAN TAKHAATIIRTA SOOMAALIYEED ,  IYO HOWL WADEENADA WEBKAAN QIIMAHA  IYO FAA IIDADA LEH .  sua aale waqtigane danbe wxne daremay ine dad far badane oo istcimala sharbka coca cola ama wx sodhka leh wx ka shgane ikn wxy su aashu thy coca cola samayne inte leg ayay cafmadka qof ku leyh  ine kaasto waqtigane danbe aya dhalliyaradu ama shacabka somaliyeed cabsi ku badane yhy muqaal bara badane oo youtube shegay ine ade uu xuun yhy coco cola




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Coca cola iyo cafimaadkiisa?
« Reply #1 on: August 15, 2015, 02:09:47 PM »


Coca-cola waa shirkad aad u wayn oo samaysa cabitaano kala duwan, cabitaanadeeda waxaa ugu caansan cabitaanka "Coke Classic".

Waa cabitaan aan caafimaadka u fiicneyn laakiin iyadoo saas ay tahay waxa ku guulaysatay in shirkadaan ay qarash malaayiin gaaraya ay u isticmaasho suuq-qeyn iyo xayaysiin joogto ah in aduunka oo idil laga wada isticmaalo.

Haddii aan isku dayo in aan soo koobo dhibaatooyinka laga helo cabitaankaan:

A- Caffeine: waxaa halkii dhalo oo cabitaanka Cokada ku jiro inta u dhaxaysa 35 illaa 47 milligram oo Caffee ah, sida aan wada ognahayne Caffee-ka wuxuu keenaa dhibaatooyina dhowr ah oo ay ka mid tahay Welwelka, madax xanuunka, hurdo xumida iyo daganaansho la'aanta, dadka wadnaha ka xanuunsanne uma roona.

B- Fuuqbax: Cocacolada waxaa ku jirto maado kaadida badiso oo keenaysa in qofka uu oomo, waana sababta cabitaankaan markuu qofka cabo uu u dareemo haraad siyaado ah oo u sii dalbado mid kale, hadduu marka qofka cabitaankaan badsado waxay keeni kartaa in uu harraadka joogtada ahi uu lumiyo balaance-ga macdanta jirka ku jirto, haddii aad jimicsi samaysane kuma sii jirto ama aad cabtid adigoo ooman ama jimicsi soo sameeyay.

C- Sonkorow: Halkii dhalo ama gasac ee cocacollo waxay shirkaddu sheegtaa in ay ku jirto 39 gram oo sokor ah, baaritaan lagu sameeyay jaamacadda Harvard Unviersity wuxuu sheegay cabitaanka joogtada ah sokor intaa la leg in ay badinayso halista in qofku ay ku dhacdo sonkorta nooca labaad "type 2"

D- Cayilitaan: halkii gasac ee cocacolada ah waxaa ku jiro 140 calory waxaana loo yaqaanaa tamarta aan faa'diada lahyn maadaama aysan ku jirin wax nafaqo jirka uu ka helay, waxyaabaha keena inuu qofka cunno dheeraad ah cuno oo lagu soo daro cocacolada waxaa ka mid ah maadada fructose-ka loo yaqano oo aad loogu daray cabitaankaan.
Cilmibaarayaasha waxay sheegaan in cabitaanadaan iyo kuwa la mid ah waa sababta keentay in qofku uu si xad dhaaf ah wax u cuno waana dhibaato ku soo badanayso wadamada galbeed-ka iyo wadama carabaha khaas ahaan kuwa khaliijka.

E: Maadada Phenylalanine: noocyo ka mid ah cabitaanada cocacolada waxaa lagu daraa maadadaan oo ay dhakhaatiirtu ka digaan in aan la qaadanin weliba khaas ahaan markuu qofka daawo qaato maadaama daawooyinka ay la falgali karto, taasoo keenaysa in daawooyinka qaar ay qofka ku bataan kadibne ku sumoobo ama daawooyinka qaar ay waxtar la'aan ka dhigto.

Cilmibaarayaal ayaa waxay diraaseeyaan isbadalada jirka ku dhaca markuu qofku cabo cabitaanka cocacolada, waxayna sheegaan arrimahaan soo socda:
  • 10 daqiiqo ka dib:
    In u dhiganto 10 qaado oo sonkor ah ayaa jirka gaarayso, caadiyan qofka markuu sonkor intaa la eg cuno hal mar wuu matagaa laakiin cocacolada waxaa ku jirto maado matagga ka hortagto oo loo yaqaano "phosphotic acid", saas ayaa jirkii loo siray oo waad macaansanaysaa.
  • 20 daqiiqo ka dib:
    Sonkorta jirkaaga aad ayay u kacaysaa isla markii taasoo keenaysa in beerka uu si dhakhso oo xawli ah u howl kalo si sonkorta looga saaro dhiigga oo dufan loogu xawilo taasoo beerka lagu keydiyo.
  • 40 daqiiqo ka dib:
    Caffee-ga ku jiray cabitaanka jirka ayuu u soo wada galay wuxuuan keenaa in cadaadiska dhiigga oo sare u kaco, indha ay waasic noqdaan, maskaxda ma xamili karto caffee-ga badan oo si dagdag ah jirka ku soo galo sidaas awgeed si uusan qofka u wareerin beerka wuxuu jirka ku soo daayaa sonkor badan si uusan qofka u wareerin.
  • 45 daqiiqo ka dib:
    Jirka wuxuu soo deynayaa maaddo la yiraahdo "dopamine" oo maskaxda ku shaqo leh, qofkane wuxuu dareemaa farxad iyo raynrayn waana qaabka mukhadaraatka iyo maandooriyayaasha u shaqeeyaan.
  • 60 daqiiqo ka dib:
    Maadada "phosphoric acid" oo ah maadado ku jirta cabitaanka kookaalada waxaa la arkay in kaalsiyamka "calcium" ka jirka ku yarayso oo qofka kaalsiyam badan uu kaadiyo tanoo keeni karto in qofka lafaha ay ka daciifaan ama kaalsiyamka kaadi mareenka uu fadhiisto oo uu dhagax isku badalo.
  • 90 daqiiqo ka dib:
    Qofka wuxuu dareemaa kaadi in ay hayso oo maadadii aan kor uga soo hadalnay oo kaadida bdanaysay oo haraadka keenaysay ayaa shaqo bilaabayso, waxaana jirka khalkhal galaayo maadooyinkaan oo kala ah: Calcium, Magnesium, Zinc, Sodium, Potassium and Chloride.
    Waxyar ka dib waxaad u baahanaysaa cocacola kale in aad dalbatid illaa aad ka gaartid heer in aad ku walaftid oo sida maandooriyaha oo kale kuu qabato.

Marka su'aasha isweydiinta mudan ayaa ah, iyadoo coca-colada waxaan oo dhib ah keenayso maxaa aad loogu cabaa?
Jawaabtu waa isku dheelitir la'aanta dacaayada iyo iib-geynta iyo xayaysiinta lagu bixiyo iyo aqoon darrida qofka haysato oo aad u badan, mana u dhiganto in baaritaanadaan iyo qoraalada cilmibaarayaasha ay qoreen in intaas oo umad ah in ay wada gaarto, waana in dadka aqoonta leh oo wax akhriyaa kaliya in ay ka fogaadaan laakiin caamada kale aysan fahansanayn dhibka ay leedahay.

Midda kale waa coca-colada oo loo sameeyay qaab qofka uusan joojin karin maadaama jirkiisa isbadalo lagu sameeyay oo uu qofka ku waalanayo inuu kala joojin waayo hadduu la qabsado, taasoo xayaysiin dheeraad ah u sii ah shirkadaan iyo cabitaanadeeda.

Haddii aad cabtid cabitaannada aashitada leh ama warshadaysan, ka fogow intii aad ka fogaan kartid, badso biyaha caadiga, caanaha iyo casiirka ma cabitaanada la shiido oo dabiiciga ah.

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: