Author Topic: Su'aalo la xidhiidha caado wareerka  (Read 10137 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Bintu Abdirahman

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aalo la xidhiidha caado wareerka
« on: August 13, 2015, 11:13:36 PM »
Assalamu Alaikum

Somali Medical Forums

Marka hore waad ku mahadsantihiin  qormooyinkan caafimaad ee sida  faah-faahsan uga usoo qortaan  dadkuna aadka  uga faa’idaysteen allena haydinka abaal mariyo .

Su’aasha aan qabaa waxay la xidhiidhaa { Caado Wareer }

Markii ugu horaysay ee aan caadadu igu dhacdo waxay ku bilaabantay xanuun anigoo aad ugu xanuusan jiray marka uu igusoo dhawyahay dhiiga caadadu .
Marka uu iga dhamaado waxaa iman jiray laba caado dhexdooda dheecaan cadaan ah kaasoo ur leh balse alhamdulillaah mudo sanad aan gaadhin waan ka bogsaday balse dhibaatadii iyo xanuunkii caadadu wuu sii socday waxaana bilaabay inuu khalkhal ku dhaco iyadoo dhiiga caadadu iga maqnaan jiray ilaa sadex bilood wakhtiyona uu si caadi ah u yimaado oo bilo isku xiga aan saani u helo .
Kadib waan guursaday waxaana iga ba’ay xanuunkii balse khalkhalkii caadadu wuu sii siyaaday waxaan guri lahaa mudo sanad ah wax uurana ma qaadin .
Mud kadib anigoon xaas ahayn waxaan sidii caadadu ahayd aan waayay dhiigii waxaanan dareemay xanuun ka duwan kii hore oo si aada ayaan u xanuusaday waxaanan u tagay Doctor Gynaecology ah wuxuuna ii sheegay digtoorkii in uu jiro xuub ka hor samaysamay uterus kazoo xanibaya soo bixitaanka dhiiga caadada loona baahanyahay in xuubkaasi laga qalo meesha si ay caadadii usoo bixi karto .
Waxaana layga qalay xuubkii balse doctor wuxuu igu waaniyay inaan guursado si aanu xuubkaasi usoo laaban , alle wuxuu qadaray in markale aan aad u xanuusaday anigoo dhiigbax xun igu dhacay aadna u liita laykeenay isla doctor si degdega ayaa mar labaad lay qalay oo laygu yidhi xuubkii ayaa lagaa qalayaa markaa ugu danbaysay waxaan go’aansaday inaanan mar danbe is qalin , waxaan mudo dheer isticmaalayay  { Primolut N & family planning } anigoo cuni jiray marka dhiiga aan wayo mudo sadex bilood ah ama dhaafo anigoo ku isticmaalayay tolo doctor markasta . Hadaba markasta oo aan  la kulmo doctor anigoo ka cabanaya wuxuu iisoo qori jiray labadan daawo midood iyadoo inta badan aanu dhiigu iga iman jirin ilaa aan daawo qaato .
Markii danbe waxaan soo aaday dalka dibadiisa waxaan la kulmay Doctor Gynecology Specialists ah waxay ii sheegtay in aanay jirin wax igu xidhan sidoo kale aanan waxba qabin oo aan caafimaad qabo waxay iisoo qortay Primolut N tablets 5mg  . wuu iga keenay daawadu dhiigii balse sidii caadu ahayd markii la gaadhi dhiigii kale ma imaanin .
Doctor ayaan ku laabtay waxaanan u sheegay inaan u baahanahay in lay daaweeyo ee aanay xal ii noqonaynin in daawo lagaga keeno dhiiga daawadana mudo dheer aan isticmaalayay tana aanay xal ii noqonaynin , balse waxay mar labaad iisoo qortay { Mercilon 28} iyadoo iga badeshay daawooyinkii hore  .
Markii ay waxba iisoo kordhi waayeen ee xaaldaydu sidii uun sii ahaato waxaan la xidhiidhay doctor kale Iyana waxay igusoo celisay  { Mercilon 28} iyadoo igu tadhi waxba ma qabtid daawadaa afar bilood isticmaal .
Hada waan ka qancayba mardanbe kuma laaban balse marka aan mudo waayo dhiigii caadada daawadaas ayaan isaka qaataa waanu yimaadaa marka aan dhameeyo .
Sidoo kale waxaan ahay xaas waxaan guursaday laba jeer welina wax uura ma qaadin inkastoo aanan weli baadhitaan iskaga samaynin xaga uur qaadista oo aan alle ka sugayo .
Hadaba su’aalahaygu waxay yihiin .
1.   Suura gal ma tahay in dhibaatada caado wareerku sababayso uur qaadis la’aanta ?
2.   Maxaa sababa caado aan toos u iman oo markasta u baahan in daawo lagu keeno ?

Waxaan idinka codsanlahaa wixii talo ah iyo  inaad ii sheegtaan dhibkan wuxuu yahay
Aad ayaad u mahadsantihiin.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aalo la xidhiidha caado wareerka
« Reply #1 on: August 15, 2015, 12:37:12 PM »
haddii aan isku dayo in labadaada su'aal ka jawaabo:
1- Caado wareerka sababo badan oo kala duwan dartood ayuu ku imaan karaa, qaar ka mid ah sababahaas way la xiriir kartaa in aad uur qaadi kari waysid, haddii sida aad tilmaanatay markaa daawada qaadatid aad dhiigga helaysid cilladaada sida ka muquato waa khalkhal xagga hormoonada ka jiro, daawadane wax kale qaban mayso oo hormoonada ayay saxaysaa.
2- Su'aasha labaad jawaabteeda iyo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan caado wareerka iyo waxyaabha u roon intaba ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2145.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Maxaa dhibaado ah ayaa lagala kulmi karaa hadii haweynee caado Qabto loo jamaco?

Started by AlkatraBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 63986
Last post April 29, 2016, 09:52:03 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan ahay gabar qabta Caado Wareer?

Started by MirhaanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 8660
Last post August 18, 2015, 12:06:56 PM
by SomaliDoc
Su'aal: dhabar xanuun iyo caado wareer uur ma noqon kartaa?

Started by KafiyaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4623
Last post August 19, 2015, 01:32:28 PM
by SomaliDoc
Su'aal: 3bilood Caado Dhiig Ma Helin, Uurne ma lihi?

Started by Samo WadeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5580
Last post January 26, 2018, 07:08:27 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Caado oon waqtigeda imaan maxa sabab u ah ?

Started by HodenBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4279
Last post November 20, 2018, 08:15:23 PM
by SomaliDoc