Assalamu Alaikum
Somali Medical Forums
Marka hore waad ku mahadsantihiin qormooyinkan caafimaad ee sida faah-faahsan uga usoo qortaan dadkuna aadka uga faa’idaysteen allena haydinka abaal mariyo .
Su’aasha aan qabaa waxay la xidhiidhaa { Caado Wareer }
Markii ugu horaysay ee aan caadadu igu dhacdo waxay ku bilaabantay xanuun anigoo aad ugu xanuusan jiray marka uu igusoo dhawyahay dhiiga caadadu .
Marka uu iga dhamaado waxaa iman jiray laba caado dhexdooda dheecaan cadaan ah kaasoo ur leh balse alhamdulillaah mudo sanad aan gaadhin waan ka bogsaday balse dhibaatadii iyo xanuunkii caadadu wuu sii socday waxaana bilaabay inuu khalkhal ku dhaco iyadoo dhiiga caadadu iga maqnaan jiray ilaa sadex bilood wakhtiyona uu si caadi ah u yimaado oo bilo isku xiga aan saani u helo .
Kadib waan guursaday waxaana iga ba’ay xanuunkii balse khalkhalkii caadadu wuu sii siyaaday waxaan guri lahaa mudo sanad ah wax uurana ma qaadin .
Mud kadib anigoon xaas ahayn waxaan sidii caadadu ahayd aan waayay dhiigii waxaanan dareemay xanuun ka duwan kii hore oo si aada ayaan u xanuusaday waxaanan u tagay Doctor Gynaecology ah wuxuuna ii sheegay digtoorkii in uu jiro xuub ka hor samaysamay uterus kazoo xanibaya soo bixitaanka dhiiga caadada loona baahanyahay in xuubkaasi laga qalo meesha si ay caadadii usoo bixi karto .
Waxaana layga qalay xuubkii balse doctor wuxuu igu waaniyay inaan guursado si aanu xuubkaasi usoo laaban , alle wuxuu qadaray in markale aan aad u xanuusaday anigoo dhiigbax xun igu dhacay aadna u liita laykeenay isla doctor si degdega ayaa mar labaad lay qalay oo laygu yidhi xuubkii ayaa lagaa qalayaa markaa ugu danbaysay waxaan go’aansaday inaanan mar danbe is qalin , waxaan mudo dheer isticmaalayay { Primolut N & family planning } anigoo cuni jiray marka dhiiga aan wayo mudo sadex bilood ah ama dhaafo anigoo ku isticmaalayay tolo doctor markasta . Hadaba markasta oo aan la kulmo doctor anigoo ka cabanaya wuxuu iisoo qori jiray labadan daawo midood iyadoo inta badan aanu dhiigu iga iman jirin ilaa aan daawo qaato .
Markii danbe waxaan soo aaday dalka dibadiisa waxaan la kulmay Doctor Gynecology Specialists ah waxay ii sheegtay in aanay jirin wax igu xidhan sidoo kale aanan waxba qabin oo aan caafimaad qabo waxay iisoo qortay Primolut N tablets 5mg . wuu iga keenay daawadu dhiigii balse sidii caadu ahayd markii la gaadhi dhiigii kale ma imaanin .
Doctor ayaan ku laabtay waxaanan u sheegay inaan u baahanahay in lay daaweeyo ee aanay xal ii noqonaynin in daawo lagaga keeno dhiiga daawadana mudo dheer aan isticmaalayay tana aanay xal ii noqonaynin , balse waxay mar labaad iisoo qortay { Mercilon 28} iyadoo iga badeshay daawooyinkii hore .
Markii ay waxba iisoo kordhi waayeen ee xaaldaydu sidii uun sii ahaato waxaan la xidhiidhay doctor kale Iyana waxay igusoo celisay { Mercilon 28} iyadoo igu tadhi waxba ma qabtid daawadaa afar bilood isticmaal .
Hada waan ka qancayba mardanbe kuma laaban balse marka aan mudo waayo dhiigii caadada daawadaas ayaan isaka qaataa waanu yimaadaa marka aan dhameeyo .
Sidoo kale waxaan ahay xaas waxaan guursaday laba jeer welina wax uura ma qaadin inkastoo aanan weli baadhitaan iskaga samaynin xaga uur qaadista oo aan alle ka sugayo .
Hadaba su’aalahaygu waxay yihiin .
1. Suura gal ma tahay in dhibaatada caado wareerku sababayso uur qaadis la’aanta ?
2. Maxaa sababa caado aan toos u iman oo markasta u baahan in daawo lagu keeno ?
Waxaan idinka codsanlahaa wixii talo ah iyo inaad ii sheegtaan dhibkan wuxuu yahay
Aad ayaad u mahadsantihiin.