Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Hawl gab kacsi waqti kooban?

(1/1)

Promirood:
Wan Idin salaamay dhamaantiin ,Waxan ahay nin dhalinyaro ah oo  26 jir ah ,waxan isku haya xanuunka impotence ama kacsi la,aanta ah

Xanuunkan ama hawl gabka kacsi la,aanta waxan dareemayay 6 bilood ugu danbeeysay ,walow aan caadi ahaa laakin 2 week ama 3 week ugu danbeeyay waxan iska wayay wax dareen ah xita hadii daawado **** ama xasuus galo ama  ,

aniga oo isticmaalaya google waxan isku dayay in aan dawooyin dabiici ah qaato ,waxan badsaday mooska,qaraha ama xab xabka ,pomegrate geedka loo yaqaan ,toonta ,xulbada ,malabka ,bashasha ,wax is bedel ah wali ma hayo , waxan laga yaaba 10 casho ka bacdi in aan u safro xaaskayga wax dawo ah oo dabiici ah oo deg deg igu so celi karta igu caawiya ,hadii kale kiniini iisheega si aan u isctimaalo ,aad bad u mahasan tahiin

SomaliDoc:
Waxaan jeclaan lahaa in aad marka hore fikrad ka qaadato howlgabka kacsiga inta aadan daawo ku dagdagin: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,625.0.html
Daawooyinka dabiiciga ah xitaa waqtiga ay waxtaraan iyo siyaabaha loo isticmaali karo iyo waxyaabaha cilmibaarista ku dhisan halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5937.0.html

Promirood:
Ok hadii rabo in aan dhakhtar u tago ,dhakhtar nooce ah booqada aniga oo aan ku deg degin dawooyin dabiici ah iyo kuwa warshadi samaysay midna

SomaliDoc:
Waxaad u baahan tahay marka hore in aad u tagtid dhakhtar "Physician" ah, kadib isagaa kuu diri doono dhakhtarka aad u baahan tahay.
Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan sidaad ku kala garan lahayd dhakhaatiirta takhsusyadooda: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5850.0.html

Navigation

[0] Message Index

Go to full version