Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Meeqo ayaa laga rabaa alerjiga dhiiga?

(1/1)

Ashom:
waxaan iska qaaday dhiig xasaasiyada  ah
 jawaabtuna waxeey noqotay   60% ayoo gaaray elerjigaadu
 meeqo ayaa laga rabaa elerjiga % kiisa
nambar loogu tala galay miya jiro . hadii 60% ma waxaa la dhihi karaa waa elerji daran  ayaa haayo qof kaas?
 Thank you

SomaliDoc:
Su'aashaadu ma caddo? dhiigga allerjiga ah ee lagaa qaaday ee % ahaan loo cabiray ma garanayo waxa laga wado.
Fadlan haddii aad hayso jawaabta dhiigaas ma noo soo diri kartaa si aan u fahanno waxa lagaa baaray iyo qaabka loo baaray intaba.

Ashom:
Sorry for late .Waa soo diray . thank somalidoc.com

SomaliDoc:
Waan arkay warqadaha aad ii soo dirtay, waana ka xumahay waxa lagaa baaray iyo waxa laguu qoray isma lahan.
Midda 1-aad baaritaan-ka ESR ma ahan baaritaan ellergy ama xasaasiyad toona.
Midda 2-aad baaritaanka lagaa baaray waxaa loo soo qoray % percentage ahaan, ESR-ka percentage ahaan looma baaro.
Haddii aad xanuunsan tahay fadlan iska baar sheybaar fiican una tag dhakhtar aqoon leh.
MIdda kale halkaan ka baro waxa ESR uu yahay? Iyo waxa uu tilmaamayo? Iyo inta dabiiciga ah ee laga rabo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6001.0.html

Navigation

[0] Message Index

Go to full version