Author Topic: Su'aal: Majirtaa dawo soo burburisa dhagaxaanta kilyaha?  (Read 3353 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Xabiib

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Majirtaa dawo soo burburisa dhagaxaanta kilyaha?
« on: August 20, 2015, 12:00:36 AM »
Waad salaamantihiin dhamaan dhaqaatiirka tacaawunka sameysay Ee isku howsha U kaalmeynta walahood dhibaateysay dhinaca caafimaadka waxaan leeyahay ilaah haidinka jaza siiyo ,
Mida kale waxaan qabaa suaal kusaabsan kilyha inbadan ayaan xanuun dareemaayi walow uusan darneyn balse sanadkiiba mar ayaan xanuun daran dareemijiray islawaqtigaasne maanan aqoonin meesha leyga haayo dhorjeer waxaa dhacday in dhaxan uu igasoodhaco dhinaca kaadida dhaqtar ayaan utagay wax uu igu shegy dhagaxaan ilaa 4 gaareyso  mid wuu iga soo dhacay sidaas ay tahay waxaan dareemaya xanuun meel dheer ah, .Hadiii aan ugudbo suaasheyda waxa ay tahay  majirtaa dawo soo burburisa dhagaxaanta hadii ayjirtane waqti loogu tala galay bukaanka in looqoro miyaa jira ,maxaase igula talin laheydeen inaan sameeyo
waad mahadsantihiiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Majirtaa dawo soo burburisa dhagaxaanta kilyaha?
« Reply #1 on: August 21, 2015, 12:06:55 PM »
Way jirtaa daawooyin dhagaxaanta burburiyo laakiin waxaa muhim ah in la ogaado dhagaxaanta cabbirkooda, meesha ay ku jiraan iyo nooca ay yihiin.
Waxaa dhici karto markii intaa la fiiriyo in lagula taliyo qalliin oo daawada laguu qori waayo.
Talada aan ku siinayo waa in aad u tagtaa dhakhtar "Urologist" ah si aad warbixin dheeraad ah uga heshid dhagaxaanta lagugu sheegay, kadibne taladiisa aad qaadatid, inta ka horraysa badso cabitaanka biyaha.
Halkaan ka akhriso talooyin sida aad u wanaajin kartid caafimaadka kilyaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5738.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Afkeyga si walbo iyo dawo walbo oo aan ku cadaydo wuu shiiraa?

Started by OmarmohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4824
Last post February 10, 2016, 02:12:42 PM
by SomaliDoc
Wasaaradda Caafimaadka oo deeq Dawo ah gaarsiisay qaar ka mid ah Cisbitaallada..

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 18750
Last post May 05, 2011, 01:49:29 PM
by Drkheyre
Su'aal? biyo baxa dag dag ah xiliga galmada dawo maleyahay??

Started by M.caddeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10694
Last post January 02, 2013, 10:00:02 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa jira cuncun xiniinyaha ah, maxaa dawo ah?

Started by Abdirahman AhmedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6040
Last post May 20, 2016, 09:24:28 PM
by SomaliDoc
Su'aal: QAAMO-QASHIR (MUMPS)? DAWO MALEEYAHAY ?

Started by MAHAD CADDEBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9645
Last post February 22, 2010, 12:32:26 PM
by SomaliDoc