Author Topic: Su'aal: Maxa keena xusuusta qofka o yaraato?  (Read 4421 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Abumuscab

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: Maxa keena xusuusta qofka o yaraato?
« on: August 20, 2015, 04:42:36 PM »
sc dhakhtirta iga rali noqtda hadii waydintayda mel an legu talagalin soo dhigay waxan wydiin laha dhakhatirta abahay aya hada ka hor waxa jug madaxa kagartay xidid aya go ay aya la yiri ,muda kadib waxa uu keney ilowsho hurdo badan isaga o dhibsanaya in u dadka lahadlo kaligii iska hurdaya hadal yar some times hadal ayu bilabaya faratada candhuuf aya ka da ayso marka xanunka muxu noqon koro somalia se dhakharte dawadisa lagala xirira kara hada ka hor mar ayan ugeyey dhakhtar nerfo wx isbadel wyna maleh wali.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxa keena xusuusta qofka o yaraato?
« Reply #1 on: August 21, 2015, 12:19:23 PM »
Waxay u muuqataa cilald ka dhalatay jugta maskaxda gaartay, waxaa habboon in aabo la saaro qalabka MRI si loo ogaado dhaawaca maskaxda gaaray heerka uu la egyahay iyo meelaha uu gaaray intaba.
Haddii maskaxda jug gaarto way badali kartaa dhaqadhaqaaqa jirka, dabeecadda qofka, garashada iyo xasuusta iyo fahanka xitaa way saamayn kartaa intaba.
Meelaha jugta ay gaartay ayaa laga fahmi karaa dhibaatada la filan karo.
Dhakhtar aan kugula talin karo wadanka soomaaliya oo aan hadda garanayo oo arrintaa kaa caawin karo ma garanayo.
halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan noocyada dhaawacyada maskaxda gaaro: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2433.0.html
Waxaa kaloo halkaan ka akhrisan kartaa xanuunka faaliga: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3552.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Maxaa Keena: Calaacalaha Gacmaha Iyo Cagaha Inta Cadcad Oo Marna Kulul Marna Qabow?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 26996
Last post March 10, 2012, 02:33:13 PM
by SomaliDoc
Maxaa keena inuu sanka korkiisa finan yar oo malax ku jirto kasoo baxo=?

Started by CfatahBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 23555
Last post June 16, 2009, 10:44:01 PM
by SomaliDoc
Maxaa keena in ay dibnahaaga qolof cad korto? Maxaase lagula tacaali karaa?

Started by Cabdi2Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24384
Last post February 15, 2016, 05:22:18 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keena kor cuncun waliba jirka dhan gasatan naaasaha?

Started by NehaaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12143
Last post February 06, 2016, 03:31:04 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keena in lugaha biyo galaan dadka sokorta qaba?

Started by Iraado MacalinBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9397
Last post March 26, 2016, 02:29:50 PM
by SomaliDoc