Author Topic: Su'aal: Baaritaanka ESR muxuu sheegaa?  (Read 9519 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Husni

  • Newbie
  • *
  • Posts: 9
  • Points: +0/-0
Su'aal: Baaritaanka ESR muxuu sheegaa?
« on: August 24, 2015, 11:43:40 PM »
asc dhaqatiirta iyo bahda hol wadeynada web bage waad kumahadsantahiina wana idinkaga mahad celinaya dadaalkiina halkiina kasii wada alah ha idinkugu badalo xasanaad

waxan raba in aan wax ka ogaado ESR marki lakusameyo diagnose in the lab maxa laku ogaan karaa? cudur oo si khaas ah ushegayo miyaa jiro?

waxan kurajo weynahay inaad dhaga jahil bixi doontaan aniga iyo inta daneneyso iney wax ka ogato mar 2&3 wan idinkaga mahad celinayaa




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Baaritaanka ESR muxuu sheegaa?
« Reply #1 on: August 26, 2015, 02:41:47 PM »


ESR waxaa loo soo gaabiyay "Erythrocyte Sedimentation Rate" waxaa baaritaan la cabbiro sida dhakhsaha ah ee unugyada dhiigga cascas u dagaan ama u fadhiistaan weelka ama tubada lagu cabiraayo salkeeda.

Tani waxay dhacdaa markii jirka ay ku bataan waxyaabo tilmaamayo in caabuq ama lur uu jiro ama isbadal xaga soo saarka borotiinka jirka.

Kullamaa ay waxaas jirka ku bataan kullamaa ay unugyada cascas ay dhakhso salka fadhiistaan, sidaas awgeed ma ahan baaris u gaar ah xanuun gooni ah laakiin waxay tilmaamaysaa in ay wax qaldan yihiin oo uu jiro "Inflammation", halkaan ka akhriso waxa Inflammation laga wado: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5674.0.html

Waxaa ESR-ka siyaadiyo xanuuno dhowr ah oo ay ka mid yihiin:

Xilliyada qaar si dabiici ah ayuu u kici karaa sida xilliga uurka iyo markuu qofka duqoobo.

Hadduu ESR-ka uu kacsan yahay waa in baaris dheeraad ah la sameeyaa si loo ogaado waxa kiciyay ee baaritaankan kaligiis waxba laguma dhisi karo.
Tusaale haddii uu jiro qof xanuunsan oo leh qufax xaako leh, qandho, cunno xumo iyo dhidid badan habeenkii iyo miisaanka oo sii lumayo muddo ka badan 2 usbuuc, haddii baaritaan lagu sameeyo dhinaca dhiigga ah oo la arko in ESR-ka uu kacsan yahay, taasi macnaheeda ma ahan in qofkaan uu qabo tiibisho, laakiin way u badan tahay, sidaas awgeed waa in aad candhuufta ka baarta bakteeriyada tiibishada keento ama raajo la saaro si loo hubiyo in ay nabaradii tiibishada lagu garanayay ee feeraha ka muuqdaan.

Haddii baaritaan lagugu sameeyay oo la arkay in baaritaanka ESR ama dhiiga feeska uu kacsan yahay, waxaad u sii baahan tahay baaritaan dheeraad ah.
Sida dabiiciga ah waxaa laga rabaa qofka ragga ah in ESR-kiisu uu u dhaxeyso 0 illaa 22 mm/hr, qofka dumarkane waa in ay u dhaxaysaa cabirku 0 illaa 29 mm/hr, haddi tiradaasi ay laba jibaaranto ama sadax jibaaranto waa in qofka baaris dheeraad lagu sameeyo hadduu dareemayo xanuun.

Haddii aad su'aalo dheeraad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Muxuu yahay "Internal Medicine"?

Started by AdminBoard Clinical Rotations

Replies: 0
Views: 45101
Last post February 11, 2007, 12:34:45 PM
by Admin
Albaabkaas markii la furo nalku shidmaayo, markii la xidhona damaayo, muxuu yahay?

Started by CilmiSabcaBoard Medical Stories and Jokes

Replies: 2
Views: 30240
Last post December 08, 2012, 08:50:56 PM
by CilmiSabca
Su'aal: Dawooyin badan baan qaata effect kooda muxuu yahay?

Started by Hashi1234Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7681
Last post November 01, 2011, 09:47:39 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Kumbiyutarka hoosta laga galiyo haweenka, muxuu yahay?

Started by KaafiyoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7133
Last post November 01, 2011, 08:56:31 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Muxuu yahay garan waayaye? xageense ugu hagaagaa Daawadiisa?

Started by QalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 11091
Last post May 20, 2012, 01:19:14 PM
by SomaliDoc