Author Topic: Su'aal: Ku xajiimoobid cirbaddo?  (Read 3092 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Su'aal: Ku xajiimoobid cirbaddo?
« on: August 24, 2015, 11:40:01 PM »
Su'aal qof ku xajiimooday daawo iyo faleebo cusbo la sudhay, ka dibna maaro loo waayey in mar dambe la sudho baqdin uu qofkii ka baqay daawada darteed.
F.G: Haddii qofka oo baahan lagu dhufto (lagu mudo) cirbad xidid (IV) oo ah faleenbo ama injection daawo ah. In yar ka dibna uu qofkii iska dareemo xajiin jirka gudihiisa ka imaanaysa, sida cun cun, mud mudid iyo jiid jiidmid xididdada ah, Dhakhtar, daawada ma la joojinayaa? Mise waa khasab in la wado? (i.e tiifow+malaria) (Dhakhtarkii daawada qorey ma ka ag dhawa si loola tashado).


Talo SAARO Allaah


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Ku xajiimoobid cirbaddo?
« Reply #1 on: August 26, 2015, 02:26:26 PM »
Hadduu qofka ku xajiimoodo daawo uu qaatay ha ahaato cirbad ama kaniinin intaba dib dambe looma siiyo, maxaa yeelay marka labaad dhibka ay geesanayso ayaa ka badan marka hore.

Midda kale in daawo lagu xajiimoodo kuma xirna in qofka uu gaajeysan yahay ama tabar darri hayso, haddii qofka daawada uu xamili karin oo sida aad sheegtay uu gaajeysnaa waxa uu dareemi karo waa lalabo iyo matag iyo wareer kaliya ee ma dareemo xajiin.

Xajiinta waxay noqon kartaa dhowr nuuc, barar jirka meel ka mid ah, cunucn, dhaqaska oo qofka ku dhago yo faruuruc ka soo yaaco intaas ayaa ugu badan laakiin siyaabo kale waa loo qaban karaa qofka.

Daawooyinka ugu badan ee lagu xajiimoodo waa:
1- Penicillin, Cephalosporins iyo wixii ka samaysan.
2- Septrin, Bacterim iyo wixii la xiriira.
3- Ciprofloxacin, levofloxacin iyo wixii la xiriira.
4- Salfonamides iyo wixii "Sulfa" leh oo daawooyinka ka tirsan.
5- Tetracycilne ka ahaado kaniinin ama goojo ama bamaato intaba.
6-Xanuun baab'iyayaasha sida codeine, morphine, ibuprofen and aspirin.

Qasab ma ahan in qof walba daawooyinkaas uu ku xajiimoodo laakiinwaa kuwa ugu badan ee lagu xajiimoodo.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: