Hadduu qofka ku xajiimoodo daawo uu qaatay ha ahaato cirbad ama kaniinin intaba dib dambe looma siiyo, maxaa yeelay marka labaad dhibka ay geesanayso ayaa ka badan marka hore.
Midda kale in daawo lagu xajiimoodo kuma xirna in qofka uu gaajeysan yahay ama tabar darri hayso, haddii qofka daawada uu xamili karin oo sida aad sheegtay uu gaajeysnaa waxa uu dareemi karo waa lalabo iyo matag iyo wareer kaliya ee ma dareemo xajiin.
Xajiinta waxay noqon kartaa dhowr nuuc, barar jirka meel ka mid ah, cunucn, dhaqaska oo qofka ku dhago yo faruuruc ka soo yaaco intaas ayaa ugu badan laakiin siyaabo kale waa loo qaban karaa qofka.
Daawooyinka ugu badan ee lagu xajiimoodo waa:
1- Penicillin, Cephalosporins iyo wixii ka samaysan.
2- Septrin, Bacterim iyo wixii la xiriira.
3- Ciprofloxacin, levofloxacin iyo wixii la xiriira.
4- Salfonamides iyo wixii "Sulfa" leh oo daawooyinka ka tirsan.
5- Tetracycilne ka ahaado kaniinin ama goojo ama bamaato intaba.
6-Xanuun baab'iyayaasha sida codeine, morphine, ibuprofen and aspirin.
Qasab ma ahan in qof walba daawooyinkaas uu ku xajiimoodo laakiinwaa kuwa ugu badan ee lagu xajiimoodo.