Author Topic: Waa maxay Hysteria? Maxaana Sababa?  (Read 81705 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Waa maxay Hysteria? Maxaana Sababa?
« on: August 25, 2015, 11:00:13 AM »


Waa maxay histiiriyada?
Histiiriyada "Hysteria" waa xanuun maskax ahaan u yimaado oo lagu garto kacsanaan niyadda oo aan kontarool lahayn kaasoo isku badalo xanuun muuqaaleed oo laga arki karo jirka, wuxuuna aad ugu badan yahay dhalinyarada khaas ahaan dumarka.

Histiiriyada waxay dhakhaatiirta qaar ku tiriyaan xanuunada dhimirka, meesha qaar kale ay aaminsan yihiin inuu iska yeelyeel ku yimaado iyadoo qofka uu rabo inuu dano u gaar ah ku gaaro.

Waxyaabaha ugu badan ee qofka lagu arko histiiriyada qabo waa:
  • Suuxdin: waa suuxdin qofka uusan jawaab u celinayn dadka la joogo iyadoo ka duwan suuxdintii la yaqiinay, dhakhaatiirtu way kala garan karaan suuxdinta histiiriyada ah iyo midda runta ah.
  • Hilmaan: Qofka oo hilmaan isku rido sida magacyada dadka guriga kula nool, wadadii iskuulka ama suuqa loo aadi jiray iyo waxyaabo kale oo nolol maalmeedka ka tirsan.
  • Curyaamid: qofka oo curyaan iska dhigo isagoo qeyb jirkiisa ka mid ah uu u muujiyo inuu dareenka ama dhaqaaqa ka tagay.
  • Qallal: jarayn ama gariir sidii qallalka oo kale, waa nooc ka mid ah siyaabaha histiiriyada lagu arko, wayna ka duwan tahay qalalkii caadiga ahaa.
  • Kacsanaan xad dhaaf ah: qofka oo ooyin aan kontaroolnayn, iyo dabci aan horay loogu aqoon jiray lagu arko.
  • Indho beelid ama Dhagoolnimo: Qofka oo jilo wax arkis la'aan ama inuusan waxba maqlaynin, taasoo qoyska aysan fasiri karin sababta keentay.
  • Dhaqaska oo ku dhagan: qofka wuxuu la imaan karaa xanuun sida Neefta ah oo aanan cillad ahayn iyadoo qofka uu xiiq isku yeelayo

Astaamahaan aan kor ku soo xusay iyo kuwa ka badanba waa astaamo qofka uu iska yeelyeelanayo ee ma ahan wax si xaqiiqo ah u jira.

Maxaa sababo histiiriyada?
Magacyada loo yaqaano histiiriyada waxaa ka mid ah "conversion disorder" oo ah macnaheeda astaamo dhimireed isku badalo astaamo jireed.
waxaa kaloo loo yaqaanaa "somatoform disorder" oo ah macnaheeda astaamo muuqaaleed aanan xanuun jir ahaan lagu fasiri karin.
Histiiriyada waa cillad weligeed soo jireen ahaa, waxaana la aaminsan yahay in waqtigaan aan hadda joogno ay ka yar tahay waqtiyadii hore.

Dhakhaatiirtu waxay sheegaan in histiiriyada ay keento laba sabab oo waweyn kuwaas oo kala ah:
1- Cabbur iyo kacsanaan maskaxeed oo qofka uu kontarooli waayo, tusaale ahaan waa in qofka dhalinyarada ah khaas ahaan gabadha ay la kulmaan wax aad ay u dhibsayaan, qoyskane ay la fahmi la'yihiin sidaas awgeedne ay hysteria iskugu ridaan si ay u dareensiiyaan dhibaatada ay ku jiraan qaab xanuun ahaan iyadoo aanan sheeganin waxa saxda ah ee jiro.
2- Soo jiidashada dareenka waalidka iyo qaraabada, tusaale ahaan qofka dhalinayrada ah oo loo diido ama uu waayo wax uu rabo waxay keensanaysaa inuu iska yeelyeelo dhibaato qoyska foojignaatoodu uu ku heli karo iyo daryeel maadaama uu aaminsan yahay in aanan la jaclayn ama laga fakarayn ama la necebyahay ama laga jecel yahay qof kale.

Tusaalooyin aan horay ula kulmay:
Inta xaalad ee aan la kulmay ee histiiriyada qabto boqolkiiba 90% waxay ahaayeen dumar da'doodu u dhaxayso 15 illaa 25 jir, waana da'da ugu badan oo qofka uusan go'aan u gaar ah uusan gaari karin.
Haddii aan u fiirsadayne waxay salka ku haysaa qaabka qofkaas loogu soo dhex koriyay qoyskiisa ha ahaato qaab cagajugleyn uusan qofka awood u lahayn inuu caddeysto waxa uu doonayo ama aanan fursad yaraantisia loo siinin inuu wixii naftiisa ku meeraysanayo inuu si cabsi la'aan ah u sheegi karo oo la wadaagi karo qoyskiisa iyo qaab koolkoolin xad dhaaf ah oo qofka lagu soo koriyaya in wixii dalbadaba la siiyo illaa uu la kulmo wax aan loo yeeli karin, iyo cabsi dhinac waalidka ah oo qofku hadduu qalad galo uusan waajihi karin iyadoo uu ka cabsanayo dhib uu ka soo gaaro, taasina ay keensanayso in qofka uu arrin ka wayn uu ku hilmaansiin karo waalidka inuu la yimaado.

Histiiriyada waa dhibaato qoyska waxyeello gaarsiin karta, haddii aad u fiirsatid inta qaab uu qofka ku imaan karo isbitaalka waa waxyaabo naxtin leh oo waalidka hoyaad iyo hurdaba u diidi karo, waxayna badanaa xalaadahaan la keenaa isbitaalada xilli saqdhaxe ah maadaama uu rabo qofka inuu welwel iyo shock ku rido qoyska si howlihiisa ugu hagaagaan waa sida uu aaminsan yahaye.

Dhibka kale ee dhakhaatiirta la kulmaan ayaa ah, in markii dhakhtarku ogaado in aysan wax cillad ah jirin in uusan qoyska ka dhaadhicin karin in gabadhooda ama wiilkooda uusan dhib qabin ayna iska yeelyeel ay tahay, taasoo keento in waalidku ka xumaado oo uu dhowr isbitaal isku maro isagoo aanan quusanin halkaasne lacag badan uga baxdo illaa uu quusto.
Waana loogu cudur daarayaa waalidka maadaama qof fiirsan karo caruurtiisa oo paralysis ama indhobeelid ama qallal qaba ay dhib tahay in la aamino inuu waxba qabin, gurina lagu celi karin.
Sidaa daraadeed dhakhaatiri dhif ah ayaa isku taxallujiyo in waalidka ay u sharxaan oo ay fahansiiyaan cillada jirto iyo waxa keeni karo illaa indhaha lagu tusiyo in arrintaan aysan cudur dhab ahayn laakiin iska yeelyeelis u badan tahay.

Sheekooyinka ugu badan ee arrimahaan dhaliya waxaa ka mid ah:
1- Jacaylka: gabadha ama wiilka oo wax jecel, taasoo waalidku la fahmi waayaan ama loo diido inuu sii jeclaado qofka ama waxa uu rabo.
2- Cabsida: dhaliyara oo soo waajahda cabsi xagga guriga, iskuulka ama siyaabo kalaba tusaale: ardayga oo ka cabsado inuu iskuulka ku laabto qalad uu sameeyay dartii.
3- Xanaaqa: qofka oo qoyskiisa la dagaallamo kadibne uu ka waayo qof la safta ama u hiilliya.
4- Maseerka: in gabadhu lala guursado ama ninkeedu ay kaga shakiso arrimahaas ama ilmaha isla dhashay oo iska maseera.
5- Mayaca: in qofka oo loo diido wax uu rabo ama horay looga balan qaaday, waxay keentaa inuu histiiriya isku rido ama wax uu jeclaaday laakiin aysan u suuro gali karin, qaab uu ku waydiiaan karo waalidkisiane aysan jirin.
6- Aarsi: waxay ku badan tahay dhaliyarada waawayn ama gabdhaha la qabo in ay go'aan ku gaaraan in qarash kaga lumiyaan qoyskooda isbitaallada.

Waxaa kaloo muhiim ah in waalidku ogaado qofka histiiriyada qabaa inuusan ogolayn inuu wax dhibaato ah is gaarsiiyo oo is ilaalinaayo xittaa hadduu isbitaalka jiifo waana astaamaha ay dhakhaatiirta ku ogaadaan inuu qofkaan histiiriya qabo, laakiin sida caadiga ah hadduu qofka uu xanuun intaa la eg qabo waxyaabaha kale ma daryeelo ama maba dareemayo.

hadda ka hor ayaa wiil da'diisu ay ahayd 13 jir la keenay isbitaal aan ka shaqayn jiray isagoo la sido, waxaa waday ayeeyadiis, taasoo dhakhaatiirta u sheegtay in wiilkeeda xanuun ku soo booday curyaan ka dhigay muddo laba bilood ah uusan dhaqaaqin, dhakhaatiirtii markii ay baareen waxay ku dhaheen wiilkaaga waxba ma qabee orod xaafadaada ku celi, wuu iska fiicnaan doonaa.
Wiilka wuxuu ahaa wiil dhib badan markii xaafadda lagu celiyay wuxuu bilaabay in gogosha uu ku kaadiyo ama ku saxaroodo oo uu yiraahdo ma ceshan karo.
Ayeeyadii oo aad u sii welwelsan ayaa wiilkii isbitaalka ku soo celisay.
Dhakhaatiirtii ayaa waxay go'aan ku gaartay inay ayeeyada tusiyaan inuu wiilkeeda dhib uusan qabin si ay iyada u qanacdo.
Dhakhtarkii wuxuu la heshiiyay ayeeyada inuu wiilka iyagoo ag jooga uu ku taliyo in lugaha la jaro maadaama dhibka dhanba ay iyaga yihiin sidaasne uu saxarada iyo kaadida ku joojin doono!!.
Dhakhtarkii wuxuu u wacay laba kalkaaliye ah wuxuu ku yiri: ii soo qabta miinshaartii iyo alaabtii lugaha lagu goyn jiray.
Kadib markii alaab la keenay loogu tala galay in lagu cabsiiyo oo uu arkay sheekada in ay dhab tahay inta uu sariirta ka soo booday ayuu isbitaalka ku dhex fakaday.
Wiilkii hala soo qabto ayaa ka dhacday, ayeeyadii waxay dareentay dareen farxad iyo xanaaq isku jiro wayna iska oyday, dhakhaatiirtiina qosol ayay la dhaceen.

Arrintii markii dib loo baaray oo wiilkii iyo ayeeyadii lala fadhiistay waxaa noo soo baxday in wiilka uu aabihiis mar hore dhintay, hooyadiisne ay guursatay nin kale waxaana lagu qabaa magaalada.
Ninkii qabay hooyadiis ayaa go'aan ku gaaray in wiilka uu guriga ka ceyriyo sidaas ayaana loogu soo diray ayeeyadiis oo ku nool meel baadiyo ah.
Bal fiiri dhibtaas, wiilkii magaalada ku soo koray ma rabo inuu baadiyo joogo, hadduu magaaladane tago ma ku noolaan karo oo hooyadii gurigeeda waa ka xaaraan, mana dhihi karo hooyo iska fur ninkaan oo wuxuu dareemayaa in hooyadiis ay ka dooratay ninkaan oo ay rabto in ay la joogto isagane sidaas uga takhallustay!!

Wiilkaan arrintaas uu xamili kari waayay darteed ayay fikradaan ugu soo dhacday si uu dareenka iyo xanaanka ka maqan uu qaab kale ugu raadiyo kamana marna xanaaq iyo aarsasho dadban.

Sheekooyinka sidaan oo kale ah lama soo koobi karo maalin kasta ayay bulshada ka dhex dhacdaan laakiin waxaan waalidka kula talin lahaan dhowr arrimood oo kal ah:
1- Ku dadaal in caruurtaada aad la yeelato xiriir waalidnimo iyo saaxibtinimo, yeysan kuu arkin qof aysan la wadaagi karin dareenkooda iyo wixii noloshooda ku soo kordho, noqo qof dhagaysta oo u kuur gala noloshooda khaaska ah, u noqo lataliye aanan eedeyn iyo canaan lahayn, wixii qaladaad ah oo aad ka saxayso uga sax si dadban oo aanan isku dhac keenayn.
2- ku dadaal in caruurtaada aadan ku korin nolol ku dhisan mayac oo aanan waxna loo diidi karin maxaa yeelay nolosha weligeed saaas ahaan mayso way imaan kartaa xilli aadan u ogolaan karin waxa uu kaa dalbado, taasina waxay keeni karaa niyad jab iyo dhibaatooyin kale iyo inuu cunuga kaa qaato go'aamo welwel kugu rida.
3- Caruurta xilliga qaangaarka waxay u baahan yihiin in lala saaxiibo, isku day waalidnimadaada inaad saaxiibtinimo ku badasho, la sheekayso oo waqtigaaga wax ka sii.

Sidee loo xalliyaa histiiriyada?
Histiiriya waa nooc ka mid ah cillad nafsaani wuxuu qofka ka cabanayo u baahan yahay "counselling" wada sheekaysi iyo waraysi si looga sal gaaro cilladaha jiro, inta jeer aan arkay dhibaatooyinkaan asbaabaha keenay ee aad ka naxayso ma filan kartid, waxa qarsoon ee uu qofkaan gaarsiiyay heer inuu waxaa sameeyo hadane ku adkaysto maalmo ama usbuucyo wax sahlan ma ahan, in aad waalidka ku tiraahdid dhib ma jirto ma ahan xalka rasmiga ee waxaa habboon in aad si gooni ah u waraysato wiilka ama gabadha xanuunsan, waalidkane gooni aad u waraysatid.

Dhakhtarkasta waa inuu awood u leeyahay inuu xallin karo dhibaatooyinka ay bulshadu la timaado xarumaha caafimaadka ha ahaato mid xanuun jireed ama cillad noloshooda ku saabsan waa haddii aadan heli karin qofka "psychologist" ah oo ku xeeldheer arrimahaan oo kale.

Qoraalkaan laguma soo koobi karo ahmiyadda ay leedahay dhibaatadaan, laakiin waxaan ku soo gabagabaynayaa talo ku aadan dhalinyarada ha ahaadaan wiilal ama gabdho:
1- Noqo qof isku kalsoon oo wixii dantiisa ah sheegan karo.
2- Noqo qof geesi ah oo wixii xaqqa ah aanan ka xishoon.
3- Noqo qof adkaysi badan oo dhibaatooyinka soo waajaha noloshaada aad si adkeysi leh u xallisan karo.
4- Noqo qof fakara oo diyaar u ah inuu la tashto waalidkii, saaxiibadii iyo macallimiintiisa.

Haddii aad qabto su'aal ku saabsan qoraalkaan ama talo, noogu soo gudbi halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
Haddii aad khibrad ku saabsan qoraalkaan heysid oo waxtar u leh bulshada waad nagu soo biirin kartaa.

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 67988
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 71185
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 64021
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 48551
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46637
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc