Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Maxa Keena Naxdinta badan?

(1/1)

Abumuscab:
SC dhakhartirta sharaftaleh ad ayaad umahadsantahy sida muwadinimada leh ad ugu faidaynysan bulshada waxaan inta badan isku arka naxdinbadan tusale hadii an sanqar maqlo ama mobilka sms iso dhaco wan naxaya mararka qaar markan ad u naxo lugaha aya bakhti ino qonaya oo tamarta aya igu yaraynysa maxay noqon karta arinta dr. mahadsanid

SomaliDoc:
Waxaan u baahanahay warbixin dheeraad ah in aad iga siiso Naxdinta aad dareemayso.
1- Goorma ayay kugu billaabatay?
2- Wax astaamo kale ma leedahay sida welwelka, hurdo la'aanta iyo murugo ama niyad jab?
3- Ma xilliyo gooni ah ayaa dareentaa oo aad ku jirtid xaalad kacsanaan mise waa joogto?
4- Ma leedahay wax xanuuno kale sida gaastirikada oo kale?
5- Wax dhakhtar ah oo hadda ka hor la xiriirta ma jiraa? ama daawo aad horay u qaadatay?
6- Ma jiraan wax taariikh hore ah oo aad is leedahay cabsidaan way kugu reebtay oo aad la kulantay, dagaal ama dhibaato kale xagga qoyska ama wax kalaba?

Fadlan su'aalahaas ka soo jawaab si aan faahfahin jawaabtayda ugu dhiso u helo.

Abumuscab:
1. waxan dareemeyey naxdinta dr muda ilaa 5 sano ah.
2.walwel murug,miyad jaba wa jiraan lakiin no more.
3.wa wqtiya kali ah an xalad cadi ah ku sugnahy.
4.maya wax xanuna ah malihi .
5.haa August 2014 aya u tagay dr  baritan guud isku seameyey waxna la iguma shegin naxdinta dr wn ushegaya wuxu yiri wxba Mahan.
6. haa tariikh laga joogo shan sano oo an lakulmay family problem wicitankii faraha badna an ka naxayey iyo xaladakale ayu iga la bilabmay sidaan filayo.

SomaliDoc:
Haddii sida aad u tilmaantay ay tahay waa calaamad ka mid ah calaamadaha cudurka welwelka "Anxiety"
Qoraalkaan ka akhriso tafaasiil ku saabsan cilladaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5865.0.html
Waxaan kugula talin lahaa in aad la xiriirtid dhakhtar xagga dhimirka ah si uu tala kaaga siiyo iyo qaabka ugu habboon ee loo xallin karo dhibaatada ku soo gaartay 5 sano ka hor iyo raadka ay kugu reebtay inta ay la egtahay.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version